Nin Reer Miyi Ahi Hadalkan Ma Fahmi Lahaa....... Wuxuu kormeer ku - TopicsExpress



          

Nin Reer Miyi Ahi Hadalkan Ma Fahmi Lahaa....... Wuxuu kormeer ku tegey tuulo ka mid ah tuulooyinka fogfog ee Somaliland isagoo NGO haysta ... Ka dibna dadkii tuulada ku noolaa iyo reer miyigii ka ag dhawaa buu intuu isugu yeedhay Khudbaddan u jeediyay "Walaalayaal waad salaaman tihiin. Anaga oo Group ah waxaanu maanta halkan ku nimid Mission aanu beryahanba organize garaynaynay oo ahaa inaanu Monitoring ku samayno Projects ka ka socda deegaankan. Waxaanu ugu talagalnay inaanu Capacity Building u samayno dhalinyarada tuuladan deggan si ay Decision Making ka qayb uga noqdaan iyadoo weliba Gender kana la eegayo si community gu uu u decide gareeyo basic needs ka meesha ay ku nool yihiin oo aanu anaguna isku dayi doono inaanu provide garayno wixii aanu awoodno ama aanu Fund Raising u samayno. International community gu maanta Funds badan bay ku bixiyaan project yada ay ka mid yihiin Democracy, Governance iyo weliba Gender ka waana inaynu qaybteena ka helnaa. Insha Allah Visit yo badan waanu idiinku iman doonaa oo monitoring iyo Assessment ba isugu jira" BAL ADBA ... BY Rooble Mahamed
Posted on: Thu, 04 Jul 2013 10:24:02 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015