QAYBTII 4 -AAD EE QORAALKI DAHAARADA (FIQHI-TAXANE ) MAXAA LAGA - TopicsExpress



          

QAYBTII 4 -AAD EE QORAALKI DAHAARADA (FIQHI-TAXANE ) MAXAA LAGA WADAA (AL NIYAH ) WAA MAXAY MACNAHEEDU ? wuxuu dhahay rasuulku scw ( acmaashu waxa ay uun ku an saxdo (ku sugnaato-hagaagto –lagu aqbalo ) waa uun niyada ) waxaa wariyay (bukhaari ( 1/2 ) (1) muslim( 6/48 (4962) )axmed ( 1/25 (168) AL NIYAH : macnaheedu waa go-an sasho u qasdid aad u qasado waxa aad rabto in aad samayso (qasad -goon gadasho- go-aansi ) DIINIYAN-SHARCIYAN : waa qofka oo go-aansado u qasda camalka ( falka ) asagoo alle oogu dhawanaya rajana ka qaba alle raali ahaan shihiisa iyo ajirkii uu alle u balan qaaday culumadu waxay dhahaan niyadu waa labo nooc : 1) AXADKA (cida ) aad u samaynayso cibaadada oo aad xadido (cayinto –muujiso ) u baraxtirto cibaadada TUSAALE AHAAN : cibaadadan ma dar alle ayaad ula jeeda mase cid kale ma dheef aduun baad ku rabta mase mase sheef aakhiro (ajir ) taas oo ah in aad cibaadada alle u badhaxtirto 2) Camalka aad samaynayso oo aad xadido ( cayinto – muujiso ) TUSAALE AHAAN : markaad qubaysanayso ma janaabo ayaad ka qubaysanaysa mase waa qubays iska caadi ah B) salaadan aad tukanayso ma salaad faral (wajib ) ah baa mase waa salaad sunno C) salaadan aad tukanayso ma duhurbaa mase waa casar taas oo ah in aad cibaadada iyo caadada kala soocdid waajibka iyo sunada in aad kala socdo FAA-IIDOOYINKA AY LEEDAHAY NIYADU 1) Cibaadooyinkii oo lakala sooco TUSAALE salaada waajibka ah iyo salaada sunnada ah oo kala soocmaya marka uu qofku la yimaado niyo lakin hadii u galo salada asagoon niyad la imaanin lakala garan maayo salada sunnada ah iyo tan waajibka ah 2) Cibaadadii iyo caadadiid oo kala soocmaya TUSAALE AHAAN : qubayska oo kaleto marna waxaad u qubaysataa si aad isu nadiifiso marna waxaad u qubaysata si aad oga qubaysatid janaabo hadii aada la imaan niyo lakala garan maayo qubayskan aad qubaysatay in uu ki janaabada yahay iyo in kale 3) Niyadu waa tan ka dhigta shayga caadada ah cibaado TUSAALE AHAN : Cuntada iyo cabitaanka iyo jiifku waa shay caado ah oo aan cibaado ahay laakiin hadii qofka muslimka ah marka uu cunaayo cunto uu niyaysto in uu cuntadan cibaado oogu xoogsanaayo cuntadii wuxu ku helayaa ajir NIYADA IN LAGU DHAAQO MIYAA SUNNO AH MASE IN AAN LAGU DHAWAQIN ? Waxaa sunno ah in aan lagu dhawaqin niyada waxaa taas u daliil ah dhowr arimood A) Rasuulka scw kama sugnaanin (aroorin ) in uu ku dhawaaqi jiray niyada abuu bakar iyo cumar iyo cuthmaan iyo cali midna lagama soo guurin (naqlin-sheegin –rarin ) In ay ku dhawaaqi jireen niyada oo ay kor codka ogu qaadi jireen B) Markuu rasuulku scw barayay salaada ninki reer baadiyaha ahaa ee culumadu ogu yeeraan ninki saladiisa xumeeyay ma uusan ku dhihin rasuulku scw markad u istaagto salada ku bilow usali ( kor ogu dhawaaq niyada ) waxaa wariyay xadiiskan bukhaari ( 6251) muslim ( 397 ) C) Xadiis kale wuxuu rasuulku scw ku yiri ( qofkii ku soo dara (biiriya wax (shay ) aan ka mid ahayn diinta shaygaas qofkii sameeyaya baa dib logu celin (ajir kama helaayo ) waxa wariyay bukhari (2697) mulim ( 49 89 ) D) Sheikhul islaam wuxuu dhahay (yiraahday ) : niyada oo kor loogu dhawaaqo waa diin yari iyo caqli yaraan waxay diin yari ku noqotay waa shay bidco ah , waxay caqli yari ku noqotay qofka ku dhawaaqaya niyada wuxuu la mid yahay sidii qof dhahay waxaan rabaa in aan weelkan gacanta galiyo kadib aan kaso qaato cunto kadib aan cuntadaas cuno oo an liqo ) fiiri kitaabkiisa al fataawa al kubraa ( 2/213 ) waxaa kale oo aad firisaa kitaabka ibnul qayim in uusan jirin xadiis saxiix ah ama daciif ah ama mursal ah oo sheegay in uu rasuulku scw kor ugu dhawaaqi jiray niyada zaadul macaad (1 / 201 ) E) Ibnu cumar baa wuxuu arkay nin xajjinaya oo markii uu xajjka xidhan rabay ku dhawaqay allow waxaan doonaya xajj iyo cummrah markaas buu ku dhahay ibnu cumar ninkii ma waxaad u sheegaysa dadka miyuusan alle ogayn waxa ku jira naftada ( qalbigaaga-laabtaada ) fiiri jaamicul culuumi wal xikami libni rajab MA SHARDI BAA IN AAN NIYO LA IMAADO MARKAAN IS DAAHIRINAAYO ( DAHAAHRO QAADANAAYO ) ? Nayadu waxay shardi u tahay cibaado kasta oo u qofku samayn rabo inta uusan samayn cibaadadi waa in uu la yimaado niyo dahaaraduna waxay ka mid tahay cibaadaadka lo shardiyo in lala yimaado niyo arintaas waxaa qaba culumada islaamka intooda badan marka laga reebo abuu xaniifa waxaad fiirisa fatxul baarii libnu xajar (1/135 ) fiiri al majmuuc sharxul muhadab ( 1/311-313 ) LASOCO QAYBAHA DANBE EE DAHAARADA W.Q cabdiraxmaan xudayfi 11-9-2013
Posted on: Wed, 11 Sep 2013 19:56:24 +0000

Recently Viewed Topics




© 2015