QISADII NABI MUUSA CS. Qeybtii Koowaad. Mudadii Xukunka Masar - TopicsExpress



          

QISADII NABI MUUSA CS. Qeybtii Koowaad. Mudadii Xukunka Masar uu haystay Nabi Yuusuf CS, Dadka Reer Masar waxa ay noqdeen Dad illaahay SW, Kalinimadiisa Rumeeyey, waana waxa loo soo diray Anbiyada oo dhan, Dhimashadii Nabi Yuusuf ka dib Reer Masar waxa ay ku noqdeen Haloow iyo Shirki, reer binu israa’ilna waxa ay dhex gelaan mushtamicii masar, badhbaa halaabay oo diinta ka baxay bar kalena waxa ay ku soo hareen Towxiidkii wayna farabateen Reer Binu Israa’iil waxaana kordheen tiradooda. Masar waxa xukumi jiray Boqor Madax adag oo Reer Masar ay Caabudi jireen boqorkani waxa uu u arkayey in Reer Binu Israa’il sii faro badanayaan oo boqortooyadiisana ay qabsanayaan, waxana uu maqli jirey sheekooyin oranaaya inan reer binu israa’il ah ayaa dumin doona Fircoon boqortooyadiisa masar ka dhisan, Fircoon waxa uu soo saaray go’aan amraya in la dilo inankii Reer Binu Israa’il ah ee dhashaba waxana la bilaabay nidamkaa sii loo hirgelin lahaa, waxana uu yiri la taliyihii Fircoon kuwa Gaboobay ee Reer Binu Israa’il wey dhimanayaan kuwa yar-yarna waa la qawracayaa sidaas ayeyna ku dhamaanayaan reer binu Israa’il. Dadka Reer Masar waxa ay noqdeen umad taagdaran maamulkuna waxa uu doorbiday in la dilo inankasta oo dhasha, Inamada yar yar ee dhasha sanadna waa la dili jiray sanadna waa la deyn jiray, Fircoon waxa uu moodayay marka uu arinkaa samaynayay in uu xalkan ku nabad gelayo, Nabi Haaruun CS, waxa uu dhashay sanadkii aan Caruurta la dilayn hooyadii waxa ay dhashay iyadoo rumeysan in uu u nabad gelayo inankeedu, Sanadkii ku xigeyay ee inamada la laynayey waxa dhashay Nabi Muuse CS, Muuse hooyadii waxa ku dhacay Cabsi iyo Argagax weyn iyadoo ka baqaysa in la dilo wayna la dhuumatay iyadoo ku naas nuujunaysay si qarsoodi ah, waxa la soo gaaray habeenkii barakaysnaa ee illaahay u soo waxyooday Nabi Muuse hooyadii illaahay SW. “Waxanu ugu waxyoonay Nabi Muuse hooyadii in ay Naas Nuujiso marka ay u Baqatana in ay ku Tuurto Biyaha dhexdooda iyadoo cabsi iyo murogo midna ayna ku jirin, waanu u soo celin doona xagaaga waxana uu ka mid noqon doona kuwa rasuusha” Waxa la amray in ay Nabi Muuse hooyadii ay sameyso Sanduuq yar muusana ay ku dhex rido ayna la tagto wabiga dhinaciisa oo ay raaciso wabiga biyaha, waxa ay la hayd nabi muuse hooyadii qalbiga hooyooyinka oo kale waa qalbiga ugu Raxmada badan Aduunyada. Waxana ka buuxsamay qalbigeeda warwar iyo murugo iyadoo weliba ilmaheeda raacinaysa biyaha wabiga laakiin way ogayd in illaahay uga naxariis badan yahay iyada oo illaahay yahay rabiga Muuse iyo wabiga niilkaba, inkastoo markii hore Biyaha Niilku fara badnaayeen Allaah SW, waxa uu ku amray moojadihii biya niilka in ay si degan u socdaan inta ay sidaan ilmaha yar ee nabiga noqon doona sidii uu illaahay SW. u amray naartii lagu riday Nabi Ibraahim CS, in ay noqoto Qabow iyo nabad gelyo sidaas oo kale illaahay waxa u faray wabiga niilka in uu qaado muuse si degana u wado ilaa inta uu gaarayo Qasriga Fircoon, Biyihii Niilka ayaa qaaday sanduuqan cisiga leh ee uu ku jiro muuse geeyeyna qasrigii fircoon halkaas oo mowjadihii siday ay ku wareejiyeen. Markii uu waagu baryey waxa soo baxday gabadhii fircoon oo ku socoto beertii qasriga, gabadha fircoon aad ayey uga duwaneyd fircoon isagu waxa uu ahaa kaafir iyaduna waxa ay ahayd muuminad isagu waxa uu ahaa mid naxariis daran iyaduna waxa ayad mid naxariis badan mar labaad waxa ay ahayd gabar aad u murugaysan wax caruur ahna u may dhalin fircoon wana ay jecleed in ay mar uun agteeda ay ku aragto ubad. Markii ay ku dhowaatay biyihii niilka ayey heshay Sanduuqi wayna soo qaaday waana la furay sanduuqi waxana ay aragtay muuse oo ku jira sanduuqa oo inan yar ah markiiba waxa ay qalbigeeda ka dareentay jaceyl illaahaybaana qalbigeeda ku tuuray kalgacal waxana ay soo qaaday Sanduuqi, muuse waa uu soo baraarugay, waxaana uu bilaabay in uu Ooyo, waxaana uu u baahnaa Naaskii uu jaqi jiray subaxnimada. Fircoon ayey Gabadhiisi ula timi iyadoo sidata ilma yar, waxaana uu weydiyay naa halkee ayaad ka keentay ilmaha yar waxana ay uga warantay Sanduuqii, waxaana uu ku yiri hadal ka soo Go’aya Qalbi aan Raxmad lahayn kolay waa inan yar oo reer binu israa’il ah oo sanadkani mayna ahayn sanadkii la leyn jiray? Gabadhii Fircoon inta ay ilmihii yaraa halkaa laabteeda ay ku qabtay ayey qaylisay Allaah SW, isagoo nooga waramaya waxa ay tidhi gabadhii fircoon waxa uu inoogu sheega ayaad quraan ah “Waxa ay tidhi gabadhii fircoon waxa uu ii yahay aniga mid indhuhu ay ku qaboobaan ee hadilina waxa laga yaaba in uu ina anfaco oo aanu inan ka dhigano” Fircoon waxa uu xasuustay yaraanta awooda gabadhiisa waana uu ka aqbalay waxii ay doonaysay waxana uu u ogalaaday inankan yar in lagu koriyo qasrigiisa, muuse waxa uu bilaabay oohintii waxana la amray in loo yeero gabar naas nuujisa waxana la keenay gabadh muuse naaska nuujinaysa qasriga fircoon way qadan laakiin wuu diiday in uu naaskeeda jaqo waxana la keenay ku labaad iyo su sadexaad iyo ku Tobnaad intaba waa uu diiday Muuse in uu Jaqo Naaska isagoo welibana oogaya. Gabadhii Fircoon way ku ag warwareegtay iyadoo garan la wax ay samayso, gabadha fircoon oo kaliya may murugaysnayn oo may oogeeyn laakiin waxa ka darnayd oo iyana meel kale ku murugaysnayd muuse hooyadii, muuse hooyadii kumay dhowaan marka ay ku tuuraysay wabiga niilka ilaa ay mooday in ay qalbigeedi ku tuuraysay biyaha, biyihii niilkuna way ka qariyeen sanduuqi wax war oo danbena kamay helin. Waagi danbe ayaa baryey iyadoo qalbigeeda ay ku wareegayso murugadii ilmaheedu waxana ay ku dhowaatayba in ay tagto qasrigii fircoon oo ay ku sheegto in uu yahay inankeedi wixii dhacayaaba ay dhacaan illaahay ayaa soo qabtay qalbigeeda oo ka buuxiyey nabad wayna iska degtay oo ay sugnaatay, arintii oo dhamina waxa ay noqotay in ay tiraahdo walaashii waxa aan tagayaa qasriga fircoon agtiisa si aan u soo ogaado Muuse Xaalkiisa. Waxayna ay tagtay muuse walaashi qasriga Fircoon agtiisa waxa ay meel durugsan ay ka maqashay oohintii muuse waxana ay aragtay iyagoo garanla si ay yiraahdaan waxana ay maqashay in uu diiday in uu dumarka naaskooga jaqo, waxa ay ku tidhi shaqaalihii fircoon ma idin tusaa qoys Naas Nuujinaya oo kafaala qaadanaya oo u adeegaya laguna halaynayo hawsha inankan yar, gabadhii fircoona aad iyo aad ayey ugu faraxday arintan waxana ay muuse walaashi ay u sheegtay in ay u yeedho gabadhan muuse walaashiina way noqotay waxana ay keentay hooyadeed. Hooyadii ayaana naas nuujisay waxana ay tidri gabadhii fircoon qaad ilaa inta uu naas jaqida uu dhamaysanayo oo nagu soo celi marka naasku ka gudho waxana aanu ku siin doonaa abaal marin weyn sidaas buuna illaahay Nabi Muuse ugu soo celiyay hooyadii si indhahedu ugu qabooban oona ay u murugoon si ay u ogaato in balan qaadka illaahay uu xaq yahay. Allaah SW, waxa uu ku yiri suuratul Qasas (Wuxuu noqday qalbigii muuse hooyadii mid maran markii ay ku Dhowaatay ka dib) (Waxa aan ka manciney Dumarkii kale Naaskoodii mar kii hore waxay tiri walaashii ma idin tusaa qoys kafaala qaadanaya oo nasteex idin ah) (Waxaanu ku soo celiney hooyadii si ay indhaheedu ugu qabowsadaan oona ay u murugoonin una ogaato in uu balan qaadka illaahay yahay xaq laakiin dadka badankoodu ma garanayaan). Markii ay muusa hooyadii ay ka guurisay waxa ay ku celisay gurigii fircoon waxana jeclaaday dadkii oo dhan illaahay SW, waxa uu ku yiri Suuratul Daah (Waxa aan ku geliyey kalgacal xagayga ah) Muuse waxa uu noqday ilma yar oo cid kasta oo aragtaaba ay jeclanayso wakhtigaa waxa uu ku suganaa mid ka mid ah qasriyada aduunka kuwa ugu waaweyn, isagoo lagu tarbiyadeenayo ilaalin xaga illaahay ah, tarbiyada muuse waxa ay ka bilaabmatay guriga Fircoon Gurigaas oo ay ku sugnaayeen kuwa ugu waaweynaa Murabiyiinta iyo Macalimiintii xiligaa, wakhtigaana Masar waxey ahayd Dowladda ugu weyn Aduunka. Fircoona waxa uu ahaa boqorka ugu quwada badan aduunka, sidaa darteedna waxa uu awood u lahaa in uu soo kaxaysto Macalimiinta iyo Mufakiriinta ugu cilmiga badan aduunka sidaas ayuu illaahay kula doonay xigmadiisa in uu Muuse ku Tarbiyadeeyo Tarbiyada ugu weyn uguna balan qaaday Macalinka ugu weyn in Tacliintiisana uu ku dhamaysto isagoo ku sugan guriga cadowgiisa kana Faaiidaysanaya Fursada ah doonista illaahay. Muuse wuxuu ku weynaaday Guriga Fircoon waana uu is ogaa in aanu ahayn ina fircoon ee uu yahay Reer Binu Israa’il, waxaana uu arki jirey sida ay u hatigayaan Askarta Fircoon iyo kuwa la socdaa Reer Binu Israa’il, markii uu gaaray Muuse Afartan jir ayuu soo gelay magalada goor aan dadku ogeyn isagoo magalada dhex socda ayuu arkay nin ka mid ah kuwa fircoon raacay oo garaacaya nin reer binu israa’il ah Ninkii Daciifka ahaa waxa uu kaalma ka dalbaday Nabi Muuse CS, muuse ninkii waa uu dilay. Muuse waxa uu ahaa nin xoog badan ninkana muu dooneyn in uu dilo ee waxa uu doonayey in uu garaaco oo kaliya laakiin markii ugu horeysay ee uu gacantiisa ku fidiyeyba ninkii waa uu ku dhintay, muuse naftiisi waxa uu is yidhi waxa aad samaysay waa Camal Shaydaan, shaydaankuna waa cadow dadka haleeya intaa ka dib Muuse Rabigiisa ayuu baryey waxaana uu yiri:-Rabiyow waxa aan dulmiyey nafteydi ee ii denbi dhaaf, illaahayna uu u denbi dhaafay. Allaah SW, wuxuu kaga Waramay Suuratul Qasas. Wabillaahi Towfiiq. (La Soco Qeybta kale).
Posted on: Sat, 09 Nov 2013 22:19:55 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015