QISO CAJIIB AH :- Islaan ayaa waxa ay u timid Nebi Daud(calyhi - TopicsExpress



          

QISO CAJIIB AH :- Islaan ayaa waxa ay u timid Nebi Daud(calyhi salam). Waxa ay ku tiri “Nabigii ilaahayow rabigaada ma daalim baa mise waa caadil?” Nebi daud CS waxa uu yiri: “War liibaantaadiye waa caadil aan marna gabood falayn.” Markaas ayuu dhahay nebi Daud ” Qisadaada maxay ahayd?” Islaanti waxa ay tidhi: “Waxa aan ahay islaan garoob oo leh seddex caruur. Nolosha caruurteyda aniga ayaa dabaro oo waxa aan ku nafaqeey dun aan gacanteyda ku sameeyo. Shalayto waxa aan dunteytii ku soo xirtay calal guduudan si aan suuqa ogu soo iibsado caruurteydana aan ugu nafaqeeyo. Aniga oo socdo ayaa waxa igu soo dul dagay shimbir waxa uuna iga qaatay calalkii iyo duntii waana la tagay.” Islaantii iyo nebi daud oo sheekadii dhexda umareyso ayaa albaabka la so qaraacay. Nabi Daud ayaa u idmay in ay soo galaan. Waxa soo galay toban nin oo ganacsade ah mid walba waxa uu gacanta ku wadaa toban kun oo diinaar. Waxa ay dhaheen: “Nebigii ilaahayow lacagtaan sii dadka mustaxiqiinta ah muteystay in la siiyo.” Nabi Daud waxa uu weydiiyay sababta ku xambaartay in ay sadaqeestaan lacagtaan? Waxa ay dhaheen: ”Anaga oo markab saaran ayaa waxa kacday dabeysha badda waxa aan ku dhowaanay in aan maanshoono, anaga oo xaaladaas ku sugan, waxa noo timid shimbir waxa ay noo soo tuurtay dun ay calal guduudan ku xiran. Dunti ayaa waxaan ku xirxirnay oo ku duudnay markabkii caybtiisa. Dabeeshii ayaa dagtay ceebtii markabkana waa duudmatay waxa aan ku nadarnay in mid walba oo anaga naga mid ah in uu sadaqeesto kun dirham ah maalkaan hortaada yaalo ku sadaqee cidda aad dooni.” Nebi Daud waxa uu soo milicsaday islaantii waxa uu dhahay: “Rabigaada waxa uu kaaga gancinayaa(ganacsi) bariga iyo bada adigana waxa aad ka yeeli daalim. Waxa uu siiyay kun diinaar waxa uu ku dhahay ku nafaqee caruurtaada. Allah daalim laguma sifeen karo maxaa yeelay waa maalik. Maalikna waxaa milkigiisa ku jiro sida uu doono ayuu ogu tasarufaa. Dulimina waxa uu ka imaan karaa marka aad xoolo dad leeyahay aad idan la’aan ku tasarufto. Allana waxa koonkaan joogana milkigiisa ayay ku jiraan. In Alle Adoonimo loo qirana waa magaca ugu wanaagsan oo qof muslim ah lagu tilmaamo. ๑۩๑W.Q:- Ibrahim Ahmed.๑۩๑ ·.·.· Ƹ̴Ӂ̴Ʒ Like Us => Somalia Peace
Posted on: Mon, 02 Sep 2013 20:25:14 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015