QISO CAJIIB AH. BAAQULIGII DHOOBKA AHAA. Odey Duq ah ayaa wuxuu - TopicsExpress



          

QISO CAJIIB AH. BAAQULIGII DHOOBKA AHAA. Odey Duq ah ayaa wuxuu la Noolaay Wiilkiisa iyo Gabar uu sodog u yahay iyo Cunug yar oo 4 jir ah uu Awoowe u ahaa, Odeyga wuxuu ahaa Nin Da’diiso ay aad u Weyneed, Gacmahiisana way jareenaayeen, Araga Indhahiisa aad bey u Liiteen. Tilaabadana way dhibeesey, Markuu Cuntada cunaayana ama uu Cabaayo biyaha, inta badan waxuu ku daadin jirey Miiska cuntada lagu cuno, awooda Gacmahiisa oo aad u liita dartood, sidaa darted Wiilkiisa iyo Gabarta uu sodoga u ahaa oo miiska kula cunteen jirey aad bey u dhibsadeen Duqa “Waa inaa Xal keenaa oo Arintaan ka joojiinaa!” Wiilkiisii ayaa yiri. Wiilkiisa iyo Gabadhuu sodoga u ahaa waxey u diyaariyeen miis yar oo gooni loogu bixiyo Cuntadiisa, si uusan u dhibin mar danbe, xili intooda kalena ay ku Raaxeesanayaan miiskii weynaa ee Rashinka. sidoo kale markaana waxey u Hagaajiyeen Baaquli Dhoob ah si uusan mar kale u jabinin Alaab danbe. Markii ay Fiiriyaan Odeyga dhiniciisa, Mararka qaar Indhahiisa waxa ka Muuqatey Murug, waxuuna Dareemaayey in Gooni loo Takoorey. Cunugii yaraa uu Awoowga u ahaa Xaalada oo dhan Indhaha ayuu ka Fiirinaayey, wax walbana wuu Dareemaayey. Habeen kii danbe iyadoo Cashada loo Fadhiyo ayaa Wiilkii yaraa aad u Mashquulay isagoo Miis ka Hoostiisa Alaab ku Ciyaaraaya, Aabihiis ayaa u si dagan u weydiiyay oo yiri:- Aabo maxaa kugu Dhacey oo ku Mashqulsan tahay?, Wiilkii yaraa ayaa ku jawaabey:- Aabo waxaan idiin Sameynayaa Adiga iyo Hooyadey Miis yar iyo Baaquli Dhoob ah si aad ugu Cuntaan Raashinka markaa Duqowdaan oo Aniga aadan ii Dhibina! ”Cunugii yaraa oo Dhoola Cadeenaya ayaa dib ugu laabtay Hooshiisii.. Subxannallaah! Ogow waalidkaaga waxaad ku sameysid, ilamahaaga ayaa kaa jari doono!!
Posted on: Mon, 15 Jul 2013 01:02:30 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015