QISO CAJIIB AH. Sida la Wada Ogoon yahay Al-Imam Abu-Xaniifa - TopicsExpress



          

QISO CAJIIB AH. Sida la Wada Ogoon yahay Al-Imam Abu-Xaniifa wuxuu ahaa Nin Alla ka Cabsi badan, oo Habeen walba u Taagan Salaada Tahajjudka. Hase ahaatee waxaa Sheekha Deris la ahaa Nin aad u Xun oo Khamri Cab badan, habeen walbana Tuman jiray. Sheekha ayaa Qayladiisa iyo Cawaysigiisa habeen walbo Maqli jiray markuu Salaada u Istaago. Hase yeeshee Habeen habeenada ka mid ah ayaa waxaa dhacday inuu Imaamka uusan Maqlin Wax Qaylo ama Buuq ah oo ka Imaanaya Guriga Dariskiisii khamri Cabka badnaa. Sheekha ayaa Subaxdii Weydiiyay Dadka meesha uu Ninkii Dariskiisa ahaa Aaday. Waxaa loo Sheegay in la Xiray oo uu Xabsi ku jiro. Sheekha oo markaas ahaa Sheekha ugu Caansan Magaaladda, sidoo kalena Qaadi ahaa ayaa Booqday Deriskiisii Xabsiga ku jiray. Arintani ayaa waxaa ka War helay Amiirkii Muslimiinta ee Magalaadaas oo isla markiiba Amray in la sii Daayo Ninka la Xiray. Ninkii ayaa la sii Daayay, ka dib markuu xoriyadiisa helay ayuu ninkii Weydiiyay Imaamka Sababta uu ugu soo Booqday Xabsiga? Sheekha ayaa ku jawaabay:- Xaq ayaad igu Leedahay Maadaamo aad Deriskayga tahay, Anigana Xaqaas iskama Indho tirin. Ninkii ayaa jawaabtaas Cajab Galisay oo isla markiiba Ilaahay SW u Towbad keenay, Isagoona noqday Nin Suuban. (Allow towbada iyo towxiidka nagu dil aamiin).
Posted on: Fri, 08 Nov 2013 09:08:21 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015