QISO YAR OO CAJIIB AH Haweeney saalixad ama muminad ah oo suuban - TopicsExpress



          

QISO YAR OO CAJIIB AH Haweeney saalixad ama muminad ah oo suuban ayaa nolol la wadaagtay nin, waxa uuna ninkani mar walba ahaa mid iska indha tira arimaha Jaceylka iyo xanaaneynta marwadiisa saalixada ah isagoo ula dhaqmi jiray sidii qof shaqaale ah oo guriga u joogta oo kale, marnaba ma uusan u muujinin kalgacayl iyo hadalo dabacsan, isagoon xitaa uga mahad celin jirin hadii ay wax yaabo wanaagsan u keento. Ha yeshee haweeneydaan oo aheyd mid Samir iyo dul qaad badan badan ilaahey ku maneystay ayaa 10 sano dulqaadatay ayadoo aan wax cabasho ah ka muujinin ninkeeda iyo dabeecadiisa qalafsan. Lakin 10 sano kadib ayey dulqaadan weysay, waxa ayna la timid fikir yar balse wax weyn ka bedelay aduunyadii iyo dabeecadii xumeyd ee ninkeedu ku noolaa. Hadaba Haweeneydaan ayaa maalin maalmaha ka mid ah waxa ay ninkeeda u dhiibtay canjal aysan waxba ku duubneyn oo faaruq ah, waxa ayna tiri marka aad shaqada usii socotid sii dhageyso, ninkii ayaa qaatay canjalkii, markii uu 2 ilbiriqsi sugay ayuu waxba ka waayay, waxa uuna wacay xaaskiisa, isagoo dhahaya canjal faaruq ah ayaad igu lug goysay. Haweeneydii ayaa u sheegtay in uu sabro oo uu wali sugo, balse 40 ilbiriqsi oo kale ayuu sugay, isla sidii ayuuna xaalku noqday, si kastaba ninkaan ayaa shaqadiisii sidaas ku tegay, markii uu kasoo noqday shaqadii ayuu isla arinkii sameeyay, waxa uuna la kulmay canjal faaruq ah. Isagoo xanaaqsan ayuu guriga yimid, waxa uuna bilaabay inuu haweeneydiisa ku qeyliyo sababtoo ah canjal faaruq ah ayey ku lug goysay, haweeneydii ayaa ninkeeda fadhiisisay, waxa ayna u shiday isla canjalkii, balse waxba kama soo socdaan ilaa iyo 10 daqiiqo la gaaray. Ninkii ayaa si xanaaqay waxa uuna lasoo booday, qof yahay waaad soo waalatay ee waqtiga hanaga luminin, haweeneydii ayaa wali kusii adkeysatay ayadoo dhaheysa xoogaa yar sabir muuji, wax fiican ayaa kasoo bixi doona. Ninkii ayaa ilaa iyo 3o daqiiqo adkeystay, balse markii danbe ayuu istaagay, waxa uuna yiri wax soo socdo uma jeedo ee waalida nagala dul tag, isagoo aad u carooday waxa uuna intaas kusii daray, bis waaye intaan ka badan ma sabri karo. Haweeneydii ayaa ninkeeda garabka ka qabatay tartiib ayeyna u fadhiisisay, ayadoo si deggan oo naxariis leh ula hadleysa ayey tiri: Ninkeyga aan jeclahayoow, waxa aad dulqaadan weysay canjal 30 daqiiqo soconaya oo faaruq ah, balse ka waran aniga kuu dulqaatay 10 sano oo aad faaruq aheyd adigoon wax jaceyl iyo kalgacal ah i dareensiin, Ugu danbeeyntii Ninkii ayaa yaabay, oohin ayaana isla markii indhihiisa kusoo hoobatay, isagoo wixii maalintaas ka danbeeyay noqday mid wanaaga iyo jaceylka marwadiisa xooga saaray, noloshiisana qadar ilaah ka sokoow waxaa sabab u noqday fikrad yar oo sahlan in ay wax weyn oo ka maqnaa kusoo kordhiso,
Posted on: Mon, 08 Jul 2013 17:53:16 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015