Qaybtii 5aad: Gabayga MAGALOOTI: Eraygaan masaafada udirey - TopicsExpress



          

Qaybtii 5aad: Gabayga MAGALOOTI: Eraygaan masaafada udirey mahadi iidoore murwo iyo habla dumarkii waa ii mashxaradeene teeriyo marsada Saylac bay mar iska taageene nin miskiin udaran baa jiroo booba maatadae Habargidir Murey noqotay iyo mur iyo deebaaqe mayey kala horjeesteen abgaal xoogagii mabaye qabiilooyin mawjuuda iyo kuman mashaaiikh ah Afyarow nin meel kaga dhiciyo ma ahi liitaye shaydaan malcuunaa la cola shiikh muxaafidda;e masayrkii Khadiijoo kalaa ii mucaaradine nin maqaan ku dhaafaan ahaye waad is maax dumine masabidashadaada iga daa hay maraan marine mingistiyo dirkiisii hadaad nagu maxaafayso waxaan uunka soo marin hadaad adigu moodayso maxasuuste taariikhda waa laga macaashaaye haddaan muallifiinteeni hore uga mullaax diiro Cali jaamac maraxuu ka tagay waa mid qaali ahe haddaan maadadii laga dhaxloo madalan kuu taabto munaashiqo abwaan leeyahaa mayrac kaa heshaye suaal la isku wada meeriyo muran ka seeraarey isagoo munaasabad fadhiya maraanu weydiinay waxa uu maqdaraddii ka yiri talaba mooggeede muslinimo ninkaan kugula socon muuminimo khaasa gaal maxasta kuu korinayoo magansataa dhaama marna inaadan hiil nagu tarayn waw macruuf qabaye maska lalama saaxiibo iyo good mar soo bax ahe muhladiyo shacbiga haw horkicin micida reer kooshin waa qaybtii ugu danbeysay gabayga Magalooti oo uu Abwaan Khaliif Sheekh Maxamuud Ahun ugu jawaabay gabaygii Abwaan Cali Cilmi Afyare AHun ee Nashiiqsi. Lasaco gabayada danbe ee Halgamaa Abwaan Khaliif SHeikh Maxamuud AHUN.
Posted on: Tue, 05 Nov 2013 15:17:40 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015