Qisadan Mudan In Lagu Cibro Qaato... Qisadan waxaa inoo soo - TopicsExpress



          

Qisadan Mudan In Lagu Cibro Qaato... Qisadan waxaa inoo soo Guurisey Walaasheen Ruwayda Janagale.. kedis ayaa anigoo fuula sariirtayda aan usoo booday, saacadda haddii aan eegay waxay iisheegtay 3:00 waaberiga kudhaw. Malaha xilligaas ayay Muslimiinta Mu’miniinta ahi tukadaan salaadda Fajarka. Waxaan arkay wax qariib ah, waqtiguna wuu ila noqon waayay, waayo xilligaasi oo kale uma baran, caadana iima ahayn inaan soo kaca. Argagax iyo cabsi ayaan dareemay, taasoo aanan ogeyn halka ay ka imanaysa, laakiin sheyga qariibka ah ee aan arkay ayaa wuxuu ahaa, nuur aanan weligey mid lamida arag, indhaha ayuu iga cawiray, markii aan si qumaati ah u kacay, baan maqlay dhawaq cod, balse wuxuu sheegaya ma garan codkaasi. Waxaan damcay inaan kiciya walaalkeyga, markii aan toosiyey, ayaan kudhahay ma ujeeddaa waxa kan? Iima aanu jawaabin. Waan yaabay. Oo sabab? Muxuu iigu jawaabi waayay!!? Waxay ahayd su’aal qalbiga iiga taagmatay, oo aan isweydiiyo muddo. Markaas baan kacay oo aan galay qolkii hooyo, oo aan toosiyey, si aan u tuso waxa kan iyo qeyladan. Laakiin markay kacday waxba jawaab ah ima aanay siinin, wuxuunbay ku celcelineysay Bismillaahir Raxmaanir Raxiim. Yaab iyo amakaag!!. Kadib aabbe ayaan kiciyey, si bal uu iila arko waxa kan, laakiin haddii aan toosiyey isagiina iimaanu jawaabin. Markaa bay kaceen ayagoonan ila hadleynin oo ay idhinac mareen, oo waxay aadeen weyso, dabeetana waxay tukadeen Fajarka. Aniga intaas waan fiirsanayay, waxaan kudul fadhiyey sariirtooda, oo waan sugayay illaa ay sifiican iila hadlaan marka ay howshooda salaadda soo bogtaan. Markay salaadda ka baxeen baan cod dheer ku qayliyey, anigoo sida qof caraysan u hadlaya oo oranaya ”Maxaydaan iigu jawaabeynin”? Laakiin waxaad mooddaa sida inaanay codkeyga dhan maqalba. Waa yaabe!! sidee bay wax yahiin…? Maxaase khaldan..? Maxaa la iigu jawaabi la’ yahay, maxaase hadalka la iiga jartay? Waan hubaa hooyo way ijecleed, sidaas oo kale, aabbe aad buu ii jeclaa.. Maxaa khaldan haddaa? Muddo kadib bay hooyo qolkeygii aadday, anigana waan dabagalay. Laakiin waxaan arkay shay qariib ah.. Haa nacam!! waxaan arkay wax la yaab leh. Waxaan arkay sariirteydii oo jasadkeyga uu dul fuulo. Aad baan u naxay, waana yaabay, markaasaan istaagay albaabka anigoo naxdin la gariiraya. Hooyo waxay dul tegtay jasadkeygii sariirta dul fuulay.. Waxayna ku tiri ”Axmed!! Axmedoow!! toos!!”. Laakiin wax jawaab ah kama aanay helin. Aabbahay ayay uyeertay oo waala rog rogay jasadkeygii, aniguna albaabka ayaan taaganahay waana fajacsanahay. ”Axmeeeed!! Axmeedoooooooooooooooooooooow!!!” ”Toooos!!, kac!!”, ayaa cod dheer ay ku lahaayeen. Waxaan arkay aabbahaygii caloosha adkaa, ee geesinnimada u saaxiibka ahaa ilmadiisa. Murugadeydaay!! nolashayda maalintaas ka horaba ma arag ilmada aabbahay. Waan yaabay aniguna ilma ayaa indhaha i buuxsantay, dhankeyga baan u ooyay anigoo ka xun inaanay ii jawaabin. Hooyo cod dheer bay ku ooyaysay, ayadoo magacayga ku celcelineysa. Walaalkey ayaa soo booday oo yiri ”Maxaa dhacay”? Markaasay hooyo ku tiri ”Walaalkaa Axmed baa dhintay”. ”Dhintay aa!!”. Ooooooooooooo!! Yaa Ilaahiii!!… Isagiina halkii buu baroor ka billaabay.. Markaas baa anigoo ilmadu iga qubanaysa waxaan cod dheer ku dhahay ”Hoooyoooooooooooooooo!! ma aanan dhiman, waa ikan, waan noolahay”. Nasiib xumase cidna iima jawaabin sabab? Jawigaan murugada leh ee aan kujiro ayaan aad uga shallaayay. Yaa Illaahii!! waxakan jid looga baxa ma jiraa? Markaas baan maqlay cod meel fog oo kale ka dhawaaqaya, wuxuu oranayaa codkaasi qowlka Alle kor ahaayee * ﻟَّﻘَﺪْ ﻛُﻨﺖَ ﻓِﻲ ﻏَﻔْﻠَﺔٍ ﻣﻦْ ﻫَﺎﺫَﺍ ﻓَﻜَﺸَﻔْﻨَﺎ ﻋَﻨﻚَ ﻏِﻄَﺂﺀَﻙَ ﻓَﺒَﺼَﺮُﻙَ ﺍﻟْﻴَﻮْﻡَ ﺣَﺪِﻳﺪٌ * ”Dhab ahaan waxaad kaga sugneed waxakani (geerida) illawsha (oo warkeeda muraad kamaadan lahayn), waxaana kaa qaadnay daboolkaaga, oo araggaaguna maanta waa mid adag (oo si dhab ah ayaad wax ugu jeeddaa). ”. Suuratu Qaaf 50: 22d Labo shaqsi oo aanan weligey iyagoo kale arag ayaa ii timid, ma aanan ku qayaasin bini Aadam, aad baana uga argagaxay araggooda. Waxay igu yiraahdeen ”Waxaanu nahay kuwa kugu sugaya qabriga, waqti dhaw kadib waan is arki doonnaa”. Anigoo naxsan baan ku dhahay ”Laakiin sidee bay kudhacaysaa, anigu sowma nooli? Ma anigaa dhintay, maxaad qabriga ii geyneysaan, Aah!!”? Waalidkeyga iyo walaalkayba dhan bay u ooynayaan oo jasadkii bay dul dhooban yahiin, waxa nakala haystana aniga iyo qoomkaan dheg jalaq uma siinayaan. Maya ee maba maqlayaan malaha.. Hoheey Hoh!! Labadii shaqsi baa ii jawaabaysa oo oranaysa ”Ina Aadamoow!! waxaad tahiin ummad lala yaabo!!, waxaad moddaan in mowdku yahay dhammaadka nolasha.. Miyaydaan ogayn in waxa aad kusugan tahiin (noolasha adduunyada) ay tahay riyo yar oo dhammaanaysa marka aad dhimataan, ee aanay ahayn nolashii dhabta ahayd”? Dadku waa mashquul, kala orodkuna waa badan yahay, reerkuna waxaa gashay tacsi, waxbadan kama soo wareegin markii la ii diyaariyey qabri iyo luxud la idhiga. Sanduuq yar ayaa lagu ridey jasadkeygii, anigoo u jeeda, oo ilmeynaya. Garbaha dadka ayaa la igu soo qaaday, waxaa la isoo mariyey dariiq kayara durugsan reerkayaga. Dad baan arkayay, qaarkood way ilmeynayaan, qaar way iska sheekeysanayaan, qaarna way iska qoslayaan.. Aah!!, anigu mushkila kale ayaa i haysata, xaaladda aan kusuganahay iyagu kuma sugno, way usuurtowdaa inay iska qoslaan, iska sheekeystaan. Oohin hadday wax taraysa malaha reerkeyga ayaa ii jawaabi lahaa. Waxaan maqlay intii la isoo waday qoom leh, wiilkani waxaan ahayn saaxiibo, waxaan isu raaci jirnay meelaha xafladaha, heesaha waan isla dhagaysan jirnay, waana isla sheekeysan jirnay, maanta wuu naga tegey, aakhira ayuu u jiheystay. Aad baan uga murugooday maqalka erayadaasi, walwalkii iyo walbahaarkii ayaa igu labakacay, oo dayq baan noqday. Waxaan fala ma aqaan, durba waxaa ii muuqday labadii shaqsi ee aan albaabka aqalkayaga ku doodeynay, waxaan weydiiyey ”Ma naar baan usocdaa aniga”? Waxay iigu jawaabeen ”Raxmadda Ilaahay waa waasic, safarkuna waa dheeryahay!!”. Aah!! kalsooni ma haysta, illaa immika ma aanan arag wax aan ku farxa, wax isii walbahaariya mooyaane. Weedha Raxmadda Illaahay waa waasic uunbana marmar qalbiga ku qaboojistaa. Waxyar kadib waxaa la ikeenay halkii la iigu tala galay, waxaa la igu tukaday salaad aan maqli jirey in dadka meydka ahi lagu tukado, cod dheer baan ku qayliyey anigoo oranaya ”Dadoow!! iisoo duceeya”!! Cidna iima jawaabin, haah!! wax jawaab ah ma aanan helin!!. Shallaytadaydaay mala iijawaabo? Mar kale ayaan cod kii hore ka dheer ku qayliyey oo aan dhahay, dadoow!! adduunyadu yaanay idin kedinin, ee ka dhowrsada, waayo waa kedo’e… Laakiin cidna iima soo hadal celin. Walaalkey oo murugo kamuuqata ayaan arkay, waxaan ku dhahay ”Walaalo iisoo duceey, adduunyadana yaanay ku kedinin ee ka dhowrsa”. Laakiin iima aanu jawaabin. Shallaytadeydee muu ii jawaabo. Waxyar kadib waxaan arkay aabbahay oo ciid ugu gedinaya, aah!!, waxaan arkay walaalkay oo ciid ugu rogaya, dadkuna ciid bay igu rogayeen. Waxaan tamanniyey (yacni jecleystay) haddii aan dunida joogi lahaa, sowma towbad keeni lahayn? Haddii aan dunida joogi lahaa, sow salaadda Fajar sowma tukadeen? Haddii aan dunida joogi lahaa Rabbigey sow maalin kasta ma aanan baryeen? Haddii aan dunida joogi lahaa, sow ma aqriyeen maalin walba Qur’aanka kariimka? Haddii aan dunida joogi lahaa, sow mar walba ma jadiidiyeen towbadda, oo Rabbi dembi dhaaf ma weydiisteen? Waxaan dhahay ”Dadoow!! imaqla, adduunyadu waa khurun ee yaanay idin kedinin, adduunyadu waa riyo yar oo dhammaanaysa, ee yaanay idin sirin. Haddii aad ogaan lahaydeen adduunyadu waxay tahay sujuud dhulka kama aydaan qaaddeen”. Waxaan rajaynayay inay ii jawaabaan, laakiin maya!! ma dhicin taas sidii horeba aanay u dhicin. Waxaan markaasu ku iri ”Haddii aad dadoow!! dhibsanaysaan inaad imaqashaan, oo aydaan xamili karin hadalkayga, sidaas baa idiin kheyr roon, oo idiin fiican. Laakiin waxaa iman doonta maalin aad ahaan doonta qofka jooga meesha aan maanta anigu jooga (qabriga), oo aad tamannin (yacni jeclaan) doonta inay dadku ku maqlaan. Markaas baan soo booday oo hurdo ii socotay kasoo salalay, waqtigu wuxuu ahaa goor Fajar ah, daqiiqad markii indhaha ii kala furan yahiin baa waxaan maqlay dhawaqa aadaanka labaad ee salaadda Fajar, intaan xilligaasi maydhay baan masjidka u cararay. Hanuunkii maalintaasi Illaahay i haleeshiiyey ayaan maanta kusuganahay nicmada Alle.. Alxamdulillaah calaa kullixaal. Qisadani waxay qabsatay wiil Carbeed oo ka sheekeeyay, amuurtaan oo idil wuxuu ku arkay riyo. Wuxuu ahaa mid kusugan jid xun, oo heesaha iyo munkaraadka daba orda, laakiin markii dambe noqday
Posted on: Thu, 22 Aug 2013 10:22:01 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015