Qisadani waxay dhax martay Xajaaj binu Yuusuf al-saqafi oo aad - TopicsExpress



          

Qisadani waxay dhax martay Xajaaj binu Yuusuf al-saqafi oo aad wada garanysaan oo amiir ka ahaa dhulka ciraaq dawladii umaawiyiinta xiligeedii iyo will yar oo ka dhashay reer Binu Haashim, xajaaj waxaa abtiyaal u ahaa reer binu umaya oo mucaawiye ka dhashay, wiilkuna wuxuu uu isir ahaan ka soo jeeday binu haashmi oo cali binu abuu daalib ka soo jeedo dagaalna uu ka dhaxeeyay labadan qolo ee reer binu haashim iyo reer binu umaya. Qisadu waxay ku bilaabmaysaa in maalin maalmaha ka mid ah uu xajaaj binu yusuf asaqafi oo amiir ka ahaa wadanka ciraaq uu maalin u baxay ugaarisi si uu ugaarsi u soo samaysto,xajaaj markii uu banaanka magaalada uu maraayo ayaa wuxuu uu la kulmay wiil yar oo gacanta ku haya xarig ay sagaal EY ku xiran yihiin, xajaaj wuxuu uu soo dul istaagay wiilkii yaraa wuxuuna uu waydiiyay su’aal, wuxuu uu yiri wiilyahow yari maxaad samaynaysaa. wiilkii yaraa;- inta uu kor u eegay buu wuxuu uu yiri waxaad ii sidaa war aanan ku farxin,waxaad igu eegatay indho dadka lagu liido,waxaad igula hadashay hadal isla wayni ay ku jirto,hadalkaagu ruux isla weyn buu u eg yahay, caqligaaguguna caqli dameer buu u eg yahay, xajaaj wuxuu uu yiri;- ima garanaysid miyaa? Wiilkii yaraa wuxuu uu yiri wajigaaga madawgiisa ayaan kugu gartay markaad hadal igu bilawday adigoo i salaamin, xajaaj wuuxuu uu yiri waar hooge sow ma ogadid inaan xajaaj binu yuusuf ahay? Wiilkii yaraa wuxuu uu yiri illahay gurigaaga ma soo dhaweeyo, martidaadana kuuma sooro, hadal badnidaa oo karaamo darnidaa. Markii xajaaj iyo wiilkii yaraa ay intaas is waydaarasadeen, xajaajna aanuu wali hadalkii dhamayn ayaa waxaa u yimid askartii ilaalada u ahayd xajaaj, waxana ay yiraadeen taliye hadal waan ku maqlaynaaye na amar waan samaynaynaaye, xajaaj wuxuu uu yiri ;- wiilkan yar ii qaada oo meel qasrigayga ka mida iigu xira hadalkiisii aad buu ii xanuujiyaye, Xajaaj ugaarigiisii buu iska soo dhamaysatay, markii uu qasrigii ku soo laabatay ayuu yiri;- ha lay keeno wiilkii yaraa,,, wiilkii baa la keenay qasrigii xajaaj uu fadhiyay ee uu ka talinayay iyadoo ay la fadhiyaan qolo mas’uuliyiintisii ka mid ah, markii uu wiilkii soo istaagay goobtii xajaaj joogay ayuu wiilkii yaraa salaamay oo yiri;- asalamu calaykum laakiinse wax salaantii ka qaada ma uusan helin markaas ayuu inta uu hareeraha eegay wiilkii yaraa akhriyay sadexdan ayadood ee kala ahaa ( meel kasta waxaa aad ka dhisaysaan calaamo ( wuxuu uu aad ula yaabay quruxda guriga uu xajaaj dagan yahay), warshado ayaad dhisnaysaan sida inidkoo aduunka ku waaraya oo dhimanayn, hadaad ruux qabataan si aad u xukuntaan waxaad qabanaysaan idinkoo xad-gudbay oo jabaariin madax adag ah). Xajaaj oo dhabarka u jiifay ayaa soo fariistay, dadkii xajaaj ka ag dhawaa ayaa wiilkii yaraa ku yiri;- wax edab ah ma lihid ma garanaysid qofka aad sidan ula hadlayso, markii aad soo gashayna ma aanad salaamin salaam u qalananta sow ma ogid inaad ku jiro guriga amiirkii ciraaq. Wiilkii yaraa wuxuu yiri;- waxaad tihiin digada dameerka oo kalle inaan salaanta noocaas ah ku salaamo xajaaj waxaa ii diiday waan daalay waayo waxaad I soo mariseen wado dheer iyo jarjarooyin badan markaan guriga soo galayay, salaanta aad doonaysaan inaan xaajaj ku salaamo waxaa ku salaami lahaa amiirkii muslimiinta (cali binu abu daalib) iyo asxaabtiisa. Xajaaj wuxuu yiri;- wiilyahow maanta waxaa soo dhamaatay rajadaadii ahayad inaad sii noolaato oo waxaa soo dhaawatay geeridaadii waayo waxaa tahay wiil da’yar, wiilkii yaraa wuxuu yiri ;- xajaajoow haday geeridaydu gacantaada ku jirto ma dhibsanyo waxaad I tiraahdo, intaas markii ay dhacday ayaa waxaa hadal ku bilaabay dadkii xajaaj ku dhawaa oo leh wiil xun baad tahay oon edab lahay markaad sida wiilasha facaaga ah ula hadlayso amiirka, miyaad ogayn inaad la hadlayso amiirkii ciraaq iyo shaam. Xajaaj ayaa bilaabay inuu su’aalo waydiiyo wiilkii yaraa wuxuuna uu yiri ;- wiilyahow markii dhowayd ee aad lahayd salaanta gaarka ha yaad ula ula jeeday salaantaas gaarka ah? Wiilkii yaraabaa yiri;- waxaan ula jeeday amiirul muumin Cali Binu Abu Daalib iyo asxaabtiisi baan ka waday oon ula jeeday, adigana xajaajow hadii lagu dhihi lahaa qof salaan yaad salaami lahayd? Xajaaj: waxaan salaami lahaa Cabdimalik Binu Marwaan (Cabdimalik Binu Marwaan waa reer Binu Umayaha waana boqorka wakhitigaas talinaya ee xajaaj uu ka amar qaato). Wiilkii yaraa: ma cabdimalik-ga faajirka ah baad salaami lahay, Dadkii goobta fadhiyay ee xilka xajaaj wax ka hayay baa xajaaj ku yiri;- xajaajow wiilkan yar dil waayo wuxuu ka baxay daacadii amiirka iyo in jamaacada lagu dhex jiro oon laga dhex bixinba dabada ayuu ka yahay cabdimakil binu marwaana waa aflagaadeeyay in la dil ayaan ku xukunay ee dil, Wiilkii yaraabaa wuxuu xajaaj ku yiri dadkan edab u yeel waxaan ahay ma fahmayaane, xajaaj baa dadkii ku yiri;- ka aamusa idinka oo ii daaya aniga, Intaas ka dib waxaa xajaaj uu waydiiyay su’aal tiro badan wiilkii yaraa waan ta xajaaj iyo wiilkii yaraa qisadii cajiibka badan ee dhex martay. Xajaaj: ma garnaysaa walalkagay? (waxaa xajaaj walaal la ahaa mid dhib badan oo yeman mas’uul ka ah) Wiilkii yaraa: haa waan garanayaa walaalkaa oo waa fircoon oo markii uu nabi muuse iyo haruun oo wada socdaa u yimaadeen fircoon dadkii la fadhiyay buu la tashaday adigana fircoon baa walaal kula ahoo dadka kula fadhiya ayaad la tashanaysaa. Xajaaj: wuxuu dadkii la fadhiyay ku yiri qoorta ka gooya mar hadiiba uu fircoon soo qaaday, Cuqaashi nin la yidhaahdo oo ahaa dadkii goobta fadhiyay ayaa waxogaa intuu wiilkii yaraa u naxay yiri xajaajow alle ha kuu gargaaree isku day in aanad dilin wiilkan oo aniga isii anigaa akhlaaqda u hagaajinaye oo barbaarniye, Xajaaj: kasaxayso waa kaase alle kuuma barkeeyo’e Wiilkii yaraa: u mahad celina maayo kii I bixiyay oo ah xajaaj (mahad ma mudna ) iyo cuqaashi oo la I siiyay midna mahad ma mudan inay dil iga bad-badiyeen. Cuqaashi: waryaa sidee u hadalaysaa inaan geeri kaa bad-baadiyaan doonayaya adiguna waxaa leedahay mahad iguma laha oo hadalkan maad igla hadalaysaa buu yiri inta uu xajaaj eegay oo yiri ma rabo amiiroow inan ka xayasto’e ee waxaa rabto ku samee waa wiil edab darane. Intaas ka dib ;-ayuu xajaaj bilaabay inuu waraysato wiilku meesha uu ka yimid iyo deegaanka uu ka soo jeedo isir ahaan, wiilkii yaraa isagoo eegay fikrada uu ka qabo xajaaj dhulka badan ayuu kolba sheegtay maagalo isagoo xajaaj tijaabinaya waxa uu ka aaminsan yahay dhulalkaas kala duwan, wuxuuna uu yiri xaajaaj. Xajaaj: wiilyahow I dhagso wadankeed ka timid? Wiilkii: waxaan ka imid wadanka masar Xajaaj: waxaad ka timid magaaladii faasiqiinta, waayo waxaa ku nool dumar heesaha ciyaara oo meelahaas ka bood-booda, biyaheedana waxaa lagu cabaa weelal dahab ah, wabiga niil waa webi cajii badan oo dadku ay la yaabaan, dadka ku noolina wabiga agtiisa carabna maaha cajabna maaha. Wiilkii yaraa: anigu habada magaaladaas kaama iman la soco, waxaan ka imid ahlu khuraasaan (dhulkii ay ka soo baxeen bukhaari iyo muslim waa wadamada Iran iyo afgaanistaanee) Xajaaj: meel ka sii shar badan baad ka timid, diintuna ay ku yar tahay waayo waa dad cajaba ah oon carab ahayn waa sida xoolaha adiga , geela iyo lo’da oo kalle, hadalkood waa culus yahay oo lama karo, midkooda qaniga ah oo hantida lehina waa bakhayl. Willkii: hadaba anigu magaaladaas kama aanan imin, waxaan ka imi dhulka shaam la yiraahdo. Xajaaj: waxaad ka timid dhul fiican (waa dhulkii mucaawiye looga gar-garaaya markii ay cali is hayeen) lakiin, waa dhul aan anigu necebahay waa meel dadka ka yimaada uu jirkoodu uu adag yahay. Wiilkii: anigu hadaba dhulkaas kama aanan imin, waxaan ka imid dhulka yeman. Xajaaj: waxaa ka timid magaalo aysan dadkeed garanayn hadii ixsaan, wanaag iyo samo fal loo sameeyo erayga ah (waad mahadsan tahay) waayo codkoodu wuu mac yahay, hadalkooduna waa uu jilicsan yahay, midkooda caqliga badani waxa uu isticmaalaa muusiga iyo heesaha, kooda jaahil ka ahi khamiriga ayuu cabaa. Wiilkii: hadaba aniga kama mid ahi kuwaas kamana aanan dhalan, waxaan ka imid dhulkii barkaysanaa ee maka oo reer makaan ahay. Xajaaj: waxaad ka timid kuwo shar badan oo jaahiliina ah dhul ay ku nool yihiin waayo qolo uu illahay nabi wanaagsan ka soo dhex saaray, nabigii bay eryeen oo ceyriyeen qol ayuun illahay ku bad-baadiyay oo uu ku soo dhaweeyay kuwaas oo jeclaaday oo karaameeayay (reer madiina). Wiilkii: hadaba aniga dhulkaas ka imin? Xajaaj: wiilyahow jawaabahaagu way igu badteen qalibgayguna wuxuu uu ii sheegayaa inaan ku dilo. Wiilkii: xajaajow hadii geeridaydu gacantaad ku jirto adigaaban ku caabudi lahaa ee xajaajow waxaad ogaataa inaan ka imid magaaladii rasuulka (NNKHA) ee madiina. Xajaaj: waxaad ka timid magaalo wanaagsan dadka degani waa ehulu iimaan, waa dad wanaag jecel, ee qabiilkee ka dhalatay? Wiilkii: waxaan ka dhashay qabiil la yiraa binu qaalib oo isir ahaana uu ka dhashay cali binu abuu dhalib nasabkayganu waligii ma baaba’aayo oo waligii waan jiraynaa. Xajaaj intuu aad u carooday ayuu yiri;- Xajaaj: wiilkan madaxa ka gooya. Dadkii meesha fadhiyay oo caadifada nabigu yara qaaday baa yir;-i xajaaj waa wiil yare ee maad iska daysid ma mudan in la dilo e’ Xajaaj: maya waa in la dilaa xataa hadii mid samada ka dhawaaqo uu yiraa ha la daayo Wiilkii: nabi ma tihide yaa samada kaaga dhawaaqaya? Xajaaj: oo inaan ku dilo oo nafta ku dhaafiyo yaa iga kaa hor taagan? Wiilkii: waxaa iga kaa hor taagan oo inaad I dhisho kuna diidaya allaha kala dhex gala qofka iyo qalbigiisa Xajaaj: illaaha aad sheegaysao isagaa igu kaalmaynao inaan ku dilo Wiilkii: illahay kuguma kaalmayna ee shaydaankaaga ayaa kugu kaalmayna inaad I dhisho ee illaahay baan ka magan galay adiga iyo shaydaankaba. Xajaaj: wiilyahow waxaan arkaa in jaawabahaagu igu bateen ee waxaad ii sheegtaa waxa ruuxu alle ugu dhawaado? Wiilkii: waxa uu ruuxu alle ugu dhawaado waa soonka, salaada, sakada iyo xajka Xajaaj: anigu waxaan illahay ugu dhawaanayaa dhiigaaga waayo waxaad I tiri waxaan ahay ilmihii faracii xasan iyo xuseen. xajaaj oo raadinay wax uun uu ku daayo wiilkan yar ayaa waydiiyay xajaaj: ii sheeg wiilyahow yaa ku dhalay?,Wiilkii yaraa isagoo hadalka ku adkaynay ayuu ugu jaawaabay wiilkii: waxaa I dhalay hooyo iyo aabo uun baa I dhalay, xajaaj: xageed baad ka timid? Wiilkii: waxaan ka imid dhulkan balaaran ee illaahay abuuray meel ka mid ah uun baan ka imid xajaaj: wiilyahow waxaa ii sheegtaa carab yaa u karaamo badan? ama yaa u deeqsimo badan oo u wax bixin badan? Wiilkii: carab waxaa u deeqsino iyo karaamo badan waa qabiilka la yiraa banuu dayiq waayo waxaa ka dhashay xaatumul asam ninka la yiraahdo. Xajaaj: waxaad ii sheegtaa carab yaa u sharaf badan? Wiilkii: waxaa u sharaf badan banuu mudar baa u sharaf badan waayo waxaa ka dhashay nabi muxamed (NNKHA), Xajaaj: waxaad ii sheegtaa carab yaa u geesinimo badan? Wiilkii: carab waxaa u geesimo badan waa binu haashim waayo waxaa ka dhashay waa cali binu abuu daalib Xajaaj: waxaad ii sheegtaa carab yaa u ugu xun oo ugu najaasaysan? Wiilkii: carab waxaa ugu xun oo ugu najaasaysan waa qabiilka la yiraahdo banuu saqiif waayo waxaa ka dhashay adiga oo xajaaj ah horana waxaa uga dhashay musaylam binu kadaab oo nabinmo sheegtay. xajaaj intuu aad u carooday ayuu dadkii meesha ka ag dhawaa ku yiri xajaaj: wiilkan madaxa ka gooya? Dadkii meesha joogay baa xajaaj ku yiri wiilku waa yar yahay ee maad iska dayside, xajaaj intuu caradii wax xoogaa iska dajiyay ayuu ku yrhi xajaaj: geelaagii geesaha lahaa ee aad raacaysa xaagad kaga soo tagtay? Wiilkii: waxaan kaga soo tagay geelii geesaha lahaa ee aan raacayay isagoo daaqaya geedka la yiraa “SUWAAT” ( suwat waa geed aan caleen lahay oo kaliye leh qodox aan wax ceelan ah dhalin) Xajaaj: intuu aad u qayliyay ayuu ku yiri waryaa wiilyahow xunka ahi oon caqliga lahayn “SUWAT” miyaanuu ahayn geed aan caleen lahayn oo kaliya qodox leh sidee buu geelu u daaqayaa geed aan caleen lahayn Wiilkii: xajaajow, adiguna xageed ku aragtay geel geeso leh, markaad geed aan caleen lahayn caleemo u diidayso Xajaaj: wiilyahow qur’aanka ma xafiday? Wiilkii: quraanka markaan xafidaayo qur’aanka miyaa iga cararaayo Xajaaj: wiilyahow qur’aanka ma kulmisay oo ma ururisay? Wiilkii: quraanka miyaa kala daadsanaa markaa ururinayo. Xajaaj: maad fahmin su’aashayda miyaa?, wiilkii: waxaa I tiraadaa qur’aanka ma akhrisay, ma fahamtay sidaas ii weydii su’aasha. Xajaaj: waxaa ii sheegtaa quraanka aayadda ugu weyn? Waxaaa kaloo ii sheegtaa aayadda quraanka ugu xukunka dheer? Quraanka aayadda ugu cadaalada badan ii sheeg? Quraanka aayadda marka la akhriyo ugu cabsida badan ii sheeg? Quraanka aayadda marka la akhriyo ugu rajada badan ii sheeg? Waxaad ii sheegtaa aayada ay ku jiraan toban ayaadood oo ALLE (SW) weynidiisa lagu garanayo ay ku jiraan? Waxaa ii sheegtaa aayadda ay ku jiraan been ay sheegeen ilmo nabi uu dhalay? Iyo aayada ay ku jirto run ay sheegeen yuuhuda iyo kiristaanku? iyo aayad uu ku jiro ILLAHAY hadalkiisu? Iyo aayad ay maalii’aigata hadalkeedu uu ku jirto? Iyo aayad uu ku jiro hadalka ahlu januhu? Iyo aayad u hadalka ahlu naarku ku jiro? Iyo aayad hadalka ibliisku ku jiro? Wiilkii yaraa ayaa uga jaawabay su’aalahaasi oo dhan si waafi ah bale uu xajaaj la yaabay sida uu ugu kala dhidhigay Xajaaj markii wiilkii intaas dhameeyay ayuu hadana su’aalo kalle sii weydiiyay Xajaaj: wiilyahow waxaad ii sheegtaa qof laga abuuray hawada, iyo qof lagu bad-baadayiya hawo, iyo umad hawo (dabayl) lagu dilay? Wiilkii: qofka hawo laga abuuray waa nabi Ciise (CS) oo neef baa laga abuuray, qofka hawada lagu bad-baadiyayna waa nabi Sulayman (CS) oo hawada ayuu loogu garaari jiray oo adeegsan jiray, qolada hawadii ama dabayshii lagu halaagayna waa reer caad markii nabigii alle (SWT) u soo diray beeniyeen. Xajaaj: waxaa ii sheegtaa shay geed laga abuuray iyo ruux geed lagu dilay iyo ruux geed lagu bad-baadiyay? Wiilkii: shayga geedka laga abuuray waa ushii nabi Muuse markii ay abeesada isu badashay waxay ahayd ul waxaana ay noqotay abeeso, ruuxa geedka lagu bad-baadiyayna wuxuu ahaa nabi Nuux (CS) markii ay dhulka iyo cirkaba ay biyo xireen waxaa alle (SWT) dooni geed ka samaysan, ruuxa geedka lagu dilayna waa nabi sakariye (CS) oo qowamkii ay ku dileen siday u garaacayeen. Xajaaj: waxaad ii sheegtaa ruux biyo laga abuuray, ruux biyo dhexdooda lagu lagu bad-baadiyay iyo ruux biyo lagu halaagaya? Wiilkii: waxaa biyo laga abuuray nabi Aadam (CS), waxaa biyo lagu bad-badaayiya nabi Muuse (CS), waxaa biyo lagu halaagay fircoon iyo qoomkiisii Xajaaj: waxaa ii sheegtaa cid naarta laga abuuray,iyo qof naar laga bad-baadiyay Wiilkii: waxaa naar laga abuuray ibliis, waxaan naar laga bad-badaayay nabi ibraahim (CS) markii qoomkiisu ku tureen, Xajaaj: waxaad ii sheegtaa wabiyada janada iyo tiradooda inta ay tahay? Wiilkii: wabiyada janada maraa aad bay u tiro badan yihiin oo illahay ayuun baa tiradooda garanaya sow alle ma dhihin janada waxaa ku jira wabiyo aan biyahoodu is badalayn,kuwa caano aan dhadhankoodu anuu isbadalayn, iyo kuwa wabiyo khamri ah oo qolada cabtaa ay dhandhansanyso, iyo wabiyaal malab ah oo saafi ah, wabiyaashaa dhamaantooda waxay ka soo burqadaan hal meel ah iyagoo caano,khamri,biyo,iyo malab isla ah, iskumana darsamaan. Mid la mid ah kuwaas hal meela ka wada yimaada oo isku darsamayn oo kalane aduunyada ayaa laga helaa oo waa madax qofka dadka waayo wabiyo dhadhankoodu waa macaan wabiyona waa qaraar halka qaarana ay yihiin dhanaan madaxa qofkana waxaa ka yimaada candhuuf waa macaan dhadhan ahaan, ilinta qofka isha ka timaadana waa dhanaan, halka dhukayga qofka dhegta ka yimaadana uu yahay qaraar. Dhamaantoodan waxay ka wada yimaadaan madaxa qofka oo isku meel weeyaan hadana iskuma darsamaan. Xajaaj: eluhu janahu way cabaan, weyna cunaan cuntooyin kala nooca ah mana saxaroodaan ee waxaa ii sheegtaa ruux dunida guudkeeda jooga oo inta uu cuno, cabo hadana aan saxaroon sida eluha janaha oo kale? Wiilkii: haa waa laga helaa dunida guudkeeda oo waa ilmaha yar ee uurka hooyada ku jiro, ilmahaas yari waa cabaa, waana cunaa hadana ma saxaroodaa, Xajaaj: waxaa ii sheegtaa dhiigii ugu horeeyay ee dunida guudkeeda ku dhibca markii aadam alle SW abuuray ka dib? Wiilkii: waxaa uu ahaa dhiigaasi dhiigii hooyadeen xaawa ee xaydka ahaa isagaan ugu horeeyay dhiig dunida guudkeeda ku dhibca Xajaaj: wiilyahow bal caqliga binu aadamiga waxa iiga sheeg? Iimaanka wax iiga sheeg? Xishoodka wax iiga sheeg? Deeqsinada wax iiga sheeg? Geesinimada wax iiga sheeg? Karaamada iyo sharafka wax iiga sheeg? Shahwada iyo qooqana wax iiga sheeg? Wiilkii: hadaan wax kaaga sheego caqliga illahay toban buu u qaybiyay, sagaal raga la siiyay halna dumarkaa la siiyay, iimaanka illahay toban buu u qaybiyay sagaal reer yeman baa la siiyay halna aduunka kalaa loo qaybiyay, xishoodka illahay toban buu u qaybiyay sagaal dumarkaa la siiyay halna ragaa la siiyay, deeqsinimada illahay waxaa uu u qaybiyay toban sagaal raga ayaa la siiyay halna dumarkaa la siiyay, geesinimada toban ayaa illahay u qaybiyay sagaal carab baa la siiyay halna dunida kalle oo dhan ayaa la siiyay, shawada iyo qooqana toban ayaa illahay u qaybiyay sagaal dumarkaa la siiyay halna ragaa la siiyay. Xajaaj: waxaad ii sheegtaa wax sanadkii mar kugu waajiba ah iyo waxa noloshaada oo dhan mar kugu waajiba ah? Iyo waxa iminka adiga agtaada kuugu dhow? Wiilkii: waxaa sanadkii mar kugu waajiba waa soonka, waxa noloshaada oo dhan mar kugu waajiba waa inaad baytka illahay tagto oo soo xajido, waxa iminka aniga iigu dhawina waa geeri ama inaan aakhiro tago aayaa iigu dhow, ama inay naftu iga baxdo ayaa iigu dhow. Xajaaj: waxaad wax iiga sheegtaa dumarka? Wiilkii: xajaajow wali waan yarahay oo dumar maan guursan lakiin waxaan ka aqaan ayaan wax kaaga sheegi ee hadii aad hesho gabar toban jira waxaa haysaa xuural cay ee ha sii deyn, hadii aad hesho gabar labatna jira waxaad haysaa jano iyo barwaaqo iyo qurux la daawado ee ha sii dayn, Xajaaj ayaa qosol dheer la dhacay kadibna wuxuu sii watay su’aalihii wuxuuna uu yiri, Xajaaj: waxaad ii sheegtaa qofkii ugu horeeyay ee tiriyay gabay? Iyo cidii ugu jaawabtay gabay? Wiilkii: wuxuu ahaa qofkii ugu horeeyay ee gabay tiriyaa nabi Aadam (CS), gabay ahaa calacal oo ugu baroodiiqayay wiilkiisa uu dilay walaalkii , waxaana u jaawabay ibiliis oo taagnaa meel aan sidaas uga fogayn. Xajaaj: subaxaana lahaa illahay ayaa xumaan ka fog qofkuu doona ayuu xikmada iyo cilmi siiyaa ma arkin adiga wiil cilmi iyo caqli iyo kaa garasho badan, wiilyahow cilimgaagii faraha badanaa waad noogu deeqday ee waxaa qasab ah inaan ku karaamayno oo aanu ku waanaajino, waxaan ku siinayaa kun diinaar, waxaan kaloon ku siinaynaa dhar qurxoon, seef, gabar iyo waliba faras. Xajaaj oo ayna wali ka go;an damacii ahaa inuu dilo ayaa mar kalle u dhigay hal-xiraalaha waxaanu inta uu hoos isu faqay yiri hadii faraska qaato waa iga bad-baadayaa lakiin inta kalle hadii uu qaato waan dilayaa, Xajaaj: wiilyahow kala dooro alaabtan aan hadiyad ahaan kuugu keenay?, wiilkii yaraa intii uu kale dooranaayay ayuu gabartii oo waxa la kala dooranyo ku jirtay tiri aniga I qaado wiilyahow maxay taryaan maro qurxoon, lacag, seef iyo faras anigaa kaaga wanaagsan ee aniga I qaado waxaan kuu noqo doonaa gabar aad ku raaxaysato oo raaliyo ahe, Wiilkii: gabaryahay dan kaama lihi ee iskay daa; xajaaj ayaa dareemay sanqashadii iyo il jabintii gabadha oo ku yiri xajaaj: maad isku xishootid gabaryahay intaad wiilka yar u il-qabinayso markaas buu gabay u tiriyay gabadhii xajaaj. Wiilkii: xajaaj hadaad I kala dooran siiso alaabtan ah kun diinaar, gabar, seef, iyo faras, anigu waxaan qaadan lahaa faraska lakiin adiga hadii aad dheecaan xalaal ah ka dhaltay oo aad tahay nin wanaagan waa I wada siinaysaa. Xajaaj: wada qaado dhamaantood illahay kuuma barkeeyee Wiilkii: waan kaa gudoomay alaabtaas ee adiga illahay mid ka dambaysa kuma siiyo, adiga iyo aniga illahay mar dambe nama kulan siiyo. Markii uu wiilkii yaraa alaabtii oo dhan isku qaatay ayuu yiri xajaajow xageen baan ka baxaa oo maraa Xajaaj: waxaad ka baxadaa iridaas halkaas ah ( inta uu u tilmaamay albaab aan cid dhibto aanuu arkayn) Xajaaj ayaa dadkii ag joogay yiri maxaad ugu tilmaantay albaabka uu ku nabad galayo ee aad ugu tilmaami weyday ka aanu ku xirayno, Xajaaj: waxaa ugu tilmaami waayay wuu ila tashaday qofku haduu kula tashadana waa uu ku aaminay markaas ma haboona in la qiyaameeyo. Sidaas ayuu wiilkii yaraa ku badbaaday oo kaga baxay qasrigii xajaaj isagoo wato alaabtii oo dhan
Posted on: Sat, 14 Sep 2013 16:39:04 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015