SIFOOYIN KA MID AH SIFOOYINKA SAYGA SAALIXA AH Intii aanu reer - TopicsExpress



          

SIFOOYIN KA MID AH SIFOOYINKA SAYGA SAALIXA AH Intii aanu reer yeelannin wuxuu ahaa shakhsi saalix ah oo sida Rabbi ina farayo ku dhaqma shareecada Islaamka. Mar kasta ma dhacdo in nin kasta oo saalix ahi uu noqdo say (Zowj) saalix ah, waxaana arrinkaa inoo bayaamiyey suubbanaha sallaa Allaahu calayhi wa sallam, markuu yihi: Sidoo kale Rasuulku sallaa Allaahu calayhi wa sallam waxaa u timid gabadh la odhaan jirey Fatimah Bintu Qays, waxayna kala tashatay laba saxaabi oo guur kasoo doonay midkii ay dooran lahayd. Hase ahaatee iyagoo asxaab ah ayaa haddana Rasuulku sallaa Allaahu calayhi wa sallam wu kula taliyeyla iney badoodaba iska dayso, maxaa yeelay waxay lahaayeen laba sifo oo aan la fal-geli karin dabeecadaha gabadhaas. Inkastoo ay jiri karaan sifooyin badan oo uu yeelan karo sayga saalixa ah haddana waxaan kasoo qaadannay soddon keliya, kuwaas oo ay dhammaan Diinteennu ina farayso. Isla markaana waxaan is xasuusinaynaa in say kastaaba uu isku dayo inuu tilmaamahan ka caado yeesho. Gabdhaheenna muslimiinta ahna waxaan kula talinaynaa inay u feejignaadaan sifooyinkan khaasatan tobanka sifo ee ugu horreeya, oo ninkay ka waayaan ay bannaanka ka maraan. SAYGA SAALIXA AHINA WAA SAY 1 – Ku toosan daacada Rabbi oo hagaajiya cibaadada kuna camal fala Diinta si muuqata iyo si aan muuqanninba, laguna yaqaanno inuu laazimo masjidka iyo jamaacada. 2 – Waalidkii baarri u ah 3 – Akhlaaq wanaagsan 4 – Xishood leh 5 – Mas’uul ah oo awooda inuu reer maamulo Iskuna filan oo qoyskiisa aan ku hallaynaynin cid kale 6 - Xidhiidhiya qaraabadiisa iyo qaraabada xaaskiisa 7 – Jecel carruurta guud ahaan, gaar ahaan carruurtiisa kuna koriya jacayl 8 – Jecel una debecsan xaaskiisa. Jacaylakaas oo aan ku kellifaynin inuu ka gaabiyo Xaqa Allaah ama inuu denbi ku dhaco 9 – Ku dadaala sidii uu u farax gelin lahaa xaaskiisa 10 – Kula dadaala sidii qoyskiisu u noqon lahaa qoys Diinta haysta 11 – U taagan howsha reerkiisa iyo tarbiyeynta awlaaddiisa 12 – Sirteeda aan faafinnin, ceebteedana astura oo aan ka sheekeeynin 13 – Si aan bakhaylnimo ku jirin u nafaqeeya xaaskiisa isagoo aan israafaynin. 14 – U khidmeeya reerkiisa ama u qabta khaadimad caawisa xaaskiisa 15 – Oofiya wixii uu u ballan qaaday reerkiisa 16 – Qiiro leh,oo aan denbi iyo xumaan raalli uga noqon ehelkiisa 17 – Caqli iyo xikmad adeegsada sidii uu ku xallin lahaa mashaakilka qoyskiisa isagoo aan cidna la tashan 18 – Yaqaanna dabeecadda xaaskiisa 19 – U mahad celiya xaaskiisa oo aan ka abaal dhicin 20 – Dhegaysta xaaskiisa oo la tashada, ra’yigeedana qiimeeya 21 – Aan caytamin 22 – Nadaafadda jidhkiisa iyo dharkiisaba ku dadaala 23 – La qaybsada xaaskiisa farxadda iyo murugadaba 24 – Ilaaliya waqtigiisa 25 – La ciyaara, la kaftama oo la sheekaysta xaaskiisa 26 – Hadday is khilaafaan xaaskiisa aan nabar xanuujiya ku dhufannin 27 – Aan marna wejiga wax kaga dhufannin 28 – Aan ka qaadannin kana cehsannin wixii uu siiyey 29 – Saaxiibbo wan-wanaagsan ayuu ku xidhan yahay 30 – Kalsooni buuxda ku qaba xaaskiisa SIDA AAN SOO SHEEGNAY WAA SIFOOYIN AY KITAABKA IYO SUNNADUBA INOO TILMAAMAYAAN, CULUMADDEENNUNA AY INA BAREEN EE RABBI HA INAGA DHIGO KUWII DHAQAN GEKIYA. AAMIIN WA BILLAAHI TOWFIIQ
Posted on: Tue, 03 Dec 2013 08:21:16 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015