SUUGAANTA-AFKA IYO DHAQANKA Turxaan Bixinta Afka. Posted to the - TopicsExpress



          

SUUGAANTA-AFKA IYO DHAQANKA Turxaan Bixinta Afka. Posted to the Web july 06/2013 Afka soomaaligu ma la tartami karaa afafka kale? Sidee afkeenna looga dhawri karaa erayada doolka ah? Dhibaato intee le’eg ayay si xun wax u qorayaashu ku hayyaan afkeenna? Ka tegidda shibbane labalaabma intee in le’eg ayuu doorin karaa micnaha eray? Wax Malaga qaban karaa shibbanayaasha lammaan? Sidee loo hormarin karaa afkeenna? Weydiimahaas kore iyo kuwo kale oo badan ayay qormadani gundhig u tahay, si baaxad weynna u falaanqayn doontaa. Bulsho kasta hor u marka afkeedu wuxuu ku xiran yahay hadba sida ay u dhawtaan afkooda. Mahad ballaaran waxaa leh guulleheenna sharafka badan oo noo sahlay inaan yeelano af gooni ah oo aan bulshada kale ee caalamka kaga duwanaanno. Ammaanna waxaa leh guddigii hirgaliyey far u yeeliddiisa. Afkeennu wuxuu soo maray marxalado kala duwan, waa uu lahaa dad badan oo dhawra si toos ah iyo si dadbanba ayaa jirtay, taasoo ka duwaneyd tan maanta uu ku jiro oo u eg inuusan ehel lahayn kadib markii cidkastaa ku tumatay oo siday doonto ka yeeshay, afafkii kale ee doolka ahaa ee jabkan la doonayeyna cidla ay ka heleen. Afka soomaaligu waa af guda weyn oo laga heli karo wixii af looga baahnaa oo dhan, waana hodan aan marnaba lagu sheegi Karin baaqinnimo. Dhan loo rogoba waa looga dhergaan. Bulsha weynta Soomaalyeed afka isku si uguma hadlaan, qaybiba dhinac bay badisaa, waxaase la isku raacsan yahay in reer miyyigu afka u badshaan. Taa macneheedu maahan reer magaalku afka ma yaqaan ee dabcan in ay danohooda yar yar ku qabsadan waa ka yaqaannaan, hasa yeeshee inta afka ka eexata badiba waa reer magaalka. In muddo ahba waxaa isa soo tarayey dadka afka siday doonaan ugu hadlaya oo marba dhinacay doonaan u adeegsana. Dalleensiga erayada qalaad adeegsigooda ee noqotay mid qof kastaa ku dhaqaaqay waxay horsed u tahay dabar go’ ku dhacaya afka. Waxaa wax laga qarracmo ah in erayo aan sinji iyo sawrac toona u galin afkeenna lala hoos rooro, loona ekeysiiyo afkeenna, taasoo ah meel kadhac iyo maamuusid la aan loola muraaday afka. Qofkasta waxaa habboon in uu afkiisa ilaashado kana ilaaliyo erayada doolka ah oo uga soo tallaabaya soohdimaha fog, kana feejignaado wax kastoo afkiisa bah dili kara. Qofka soomaaliga ahi markuu hadlayo oo uusan u fiirsan hadalkiisa waxaa afkiisa ka soo butaacaya erayo af carbeed ah ama ingiriis, talyaani ama af kale ah oo soo doolay. Haddii aan baaritaan ku samaynay erayada ku dhex milmay afkeena nus qarnigii la soo dhaafay, waxaa soo baxday in yihiin tiro aan la soo koobi Karin, haddii aan laga fiirsan oo si dhab ah la isaga dhawrinna dhibaato weyni ay afkeena ku habsan doonto mustaqbalka. U fiirso qoraalkan siduu u qoran yahay. (Macallin ayaa ardaydiisii su’aalay inay soo qoraan jumlado faa’iido leh oo shacabkeena wax tar u leh. Markaas ayay ardaydii soo qoreen waxayna u bilaabeen sidaan. Annagoo ah ardayda iskuulkan waxaan salaamaynaa dhammaan umaddeena ku nool adduunka oo dhan. Waxaanu halkaan ka codsanaynaa dawladdeenna inay joojiso khilaafka dhexdeeda ah, oo ay meel isugu timaado. Caqligeenu wuxuu na siiyey inaan ka fekerno amman-darrada dalkeenna. Waxaa nala haboon in ciddii ka shaqaysa dhawridda ammanka hadiyad la siiyo. Waxaanu aragnay in arrintaasi tahay mid na khusaysa Oo aan masuuliyad iska saarideedu cidna khaas u ahayn. Soomaaliya xilli bay waxay ahayd meel safaarado ku leh caalamka oo dhan. Dawladdeenu waa inay ahaataa mid isticmaasha caqliga. Shaqsi kasta oo ka mid ah masuuliyiinta sarsare ee xukuumaddeena waxaa habboon inay ilaaliyaan xuquuqda waddankeenna.) Dhammaan erayada cas waa erayo dool ah oo ka yimid meelo fogfog, lamana soo koobi karo inta eray ee baadida ah ee ku dhex milmay afkeena sida KELMAD, KOOB, TARMUUS, QADO, SUBAX, SALAAN, LOOX, ISKUUL, KURSI, ALBAAB, DARIIQ IWM. Waxaa iyana jira dad soomaali ah oo aan marnaba si hubsiino leh u qorin afka iyagoo aan dareen ka qabin inay ay wax qaloocsheen. Bal eega sida shibbanyaasha labanlaamma dadku u saxariirsheen. Haddii qofku ka tago shibbane kaliya waxaa is rogi kara u jeedadii erayga oo dhan. U fiirso halkan. Middi iyo midi Mooddo iyo moodo Horreysa iyo horeysa Abbaar iyo abaar Berri iyo beri Barre iyo bare Addoon iyo adoon Ruugga iyo ruuga Horreyn iyo horeyn Carrab iyo carab Gacalloow iyo gacaloow Mareegta BBC da ayyaa mar qortay cinwaan u qornaa sidan: (ETA oo xabad joojin ku dhawaaqday.) Waxay ula jeeddey waan gartay oo shibbane B ah ayay ka tagtay, markaasaa macnihii eraygu noqday xabadka oo la mid ah laabta. Halka xabbaddu tahay tan wax disha oo ahayd tey ula jeedday. Dan la’ aantu si weyn ayay u duleedisay afkeenna, ka fekerid la’ aanta erayada qoristooda gaar ahaan shibbanayasha labanlaamma waxay horseedayaan baaba’ ku dhaca afka, iydoo markaas ay imanayso inay isku qaldamaan erayo badan oo kala duwan macne ahaan iyo dhawaaq ahaanba sida. Arrintan dambe ee ah ku tumashada afka dhaliisheeda waxaa leh dadka siday rabaan wax u qora isuna haysata inay soomaali qorayaan. Waxyaabaha kale ee ay haboon tahay in laga hadlaa waa shaqallada fudud iyo kuwa culus oo haddii aan la isku af garan dhibkiisu dad badan nacsiin doono afka. Ilama wanaagsana inaan dhaliilno guddigii noo qoray afka ee innaga ayay ahayd inaan u istaagno dhammaystirkiisa. Inay wax badan qabyo ka yihiin waa wax jira. Mar baan dhegaystay xirsi magan ka mid ah dadka u ololeeya in farteenna laga dhigo tan cismaaniyada( far soomaali) isagoo leh farteenna wax baa ka maqan wuxuu ula jeeday erayadu siday carrabka ugu kala duwan yihiin fartana ha loogu kala duwo. U fiirso erayadan bidixda kaa qabanaya. Dirír iyo dirir Dííd iyo diid Cád iyo cad Túúg iyo tuug súg iyo sug *dúúl iyo duul *béér iyo beer ìnan iyo inán saláán iyo salaan *dóól iyo dool lóóx iyo loox hagár iyo hagar dóón iyo doon* móód iyo mood dáán iyo daan soomaalì iyo soomaali *kóób iyo koob kóór iyo koor isláán iyo islaan barí iyo bari caráb iyo carab nééf iyo neef Eraydaan kor ku xusan waa erayo kala duwan si loo dayoba. kuma jiro laba eray oo isku macne ah, iskusina looguma dhawaaqo ( erayadan qaarkood ayaa leh dhawr macne gaar ahaan kuwa falalka ah ee ay dulsaran tahay astaanta*ta). Dhibaatada dadka ka soo gari karta arrintan waxay si gaar ah u saamaynaysaa dadka ay isugu darantay aqoonyarida afka iyo wax qoridyariddu. Qofkaasi meel uu ciirsado ma leh, waxayna ku kallifaysaa inuu maansada aqriskeeda kaba cararo dhegeysi mooyee. Maansadu waa qaybta ugu adag afka, waa afkii oo si la yaableh loo adeegsaday. Erayada isku qoofalan ee maansadu ka kooban tahay waxay u fududahay oo kaliya qofkii soomaaliga si wanaagsan u yaqaaan dhaqanka miyyigana wax uga bilaaban yihiin. Qofkiise ku dhashay magalo war moogna ka ah waxtarka afkiisa, markuu arko adaygga maansada tijaabo dambe ugu noqon maayo. Waxaa iyana jira shibbanayaal lammaan sida SH, DH, KH da oo ah kuwo dadka qaarkii u arkeen inay labanlaabmi karaan. Markaas waxaa qosol leh sida shibbane markiisii horeba lammaanaa misna loo sii shedayo oo afar looga dhigayo, soo noqon mayso dad aqriya in meelo kale loo doono! Shibanayasha lammaan wax ka qabadkoodu waa waxa ugu sahlan ayay ila tahay aragtidayda oo dhaqso ayaa la isugu afgaran karaa, dhibaatooyinka ka weyn ayaase wax ka qabad u baahan marka hore. Hadda waa goortii aynu u istaagi lahayn toosinta afkeena iyo turxaanbixintiisa, waxaa habboon in mareegaha iyo wargeysyada dadkeenu baahiyaan qoraallada ka hadlaya afka. Wax ka qoridda siyaasadda ee hadda noqotay tan majaraha u haysata codbaahiyaasha dadkeenna waxaa habboon in lagu beddelo wax ka qoridda afka. Waxaa ila qumman yaraynta adeegsiga erayada aan soomaaliga ahayn intii la awoodo. Waxaa la yaab leh in qof soomaaliga ahi ka xishoodo adeegsiga eray guriga (lahjad) soomaali kale isla markaana isagoo ku faraxsan adeegsado erayadii soohdimaha fog ka soo talaabay! F.G: adeegsiga astaan gaar ah ama labanlaabidda shibbane aan labanlaabmin oo uusan guddigii farta qoray astayn ee aan halkan ku adeegsaday, waxaa igu kallifay in si fudud loo garto ujeedadyda qoraalkayga, cidse amri mayso ku dhaqankeeda.
Posted on: Sat, 06 Jul 2013 10:24:43 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015