Shacabka Soomaaliyeed waxay xasuustaan in hore sidaas oo kale la - TopicsExpress



          

Shacabka Soomaaliyeed waxay xasuustaan in hore sidaas oo kale la sheegay in ciidamo 20,000 ah loo weydiinayo Qarammada Midoobay, oo la sheegay in aysan ku jiri doonin dalalka deriska ah, laakiin ay Itoobiya ciidankeeda gelisey gudaha Soomaaliya si ay ula dagaalanto Maxaakiimtii uu hoggaankeeda ka mid ah Sheikh Shariif, taas oo xasuuqday shacab Soomaaliyeed, xilligaas oo ay magaalada Muqdisho ka baxeen hoggaankii Maxaakiimta Islaamiga ah oo uu ka mid ahaa Sheikh Shariif oo hadda noqday madaxweynaha ku sugan Addis Ababa, oo ah meesha hadda (July 5, 2010) laga soo saaray wareegtada cusub ee lagu dalbanayo 20,000 oo ciidamo markale loo diro Soomaaliya. Ciidamadii Itoobiya ee galay Muqdisho shacabkii Soomaaliyeed ayaa xoog kaga saaray, waxaana soo gaaray khasaaro weyn. Zenawi waxa uu waraysi uu siiyey Aljazeera ku qiray in dhawr-boqol oo askari laga diley (Waa inta uu qirsan yahay in ay yihiin dhawr boqol oo askari in lagaga diley dagaalkii Soomaaliya). Dagaalkaas oo Muqdisho ka socdey 749 maalmood (waa intii u dhexeysey Dec 28, 2006 – Jan 15, 2009). AKHRI: Wareegtadii ka soo baxday IGAD July 5, 2010. Taariikhda Geeska Afrika: Talyaaniga: Xukuumadii Gumeysatey Itoobiya Shanta sano (1936-1941) Dalalka Afrika waxay soo mareen xilli ay hoos galeen gumeystayaashii reer Yurub, arrintaas Itoobiya kama badbaadin, waxayna ahayd Talyaaniga dawladdii Itoobiya gumeysiga ku haysatey muddo shan sano ah (1936-1941). Dad badan ayaa is weydiiya: Maxaa loo yiraahdaa Itoobiya waa dalka keliya ee aan Afrika laga gumeysan. Arrintaas xeeldheerayaal Soomaaliyeed waxay kaga jawaabeen: Gumeystayaashii reer Yurub waxay db u gocdeen warqad uu Boqor Menelek u diray dawladaha reer Yurub 1891, warqaddaas oo Muujisay in “markii quwadihii Masiixiyiintu ay u soo hiilin waayeen Itoobiya in xeebta ay ka qabsadeen Muslimiin”. Taas ayaa loo malaynayaa in ay dhalisay in Itoobiya lagu abaal mariyey laba arrimood oo ah: In la siiyo dhul Muslimiintu leeyihiin si ay gumeysto, iyo in aan taariikhda buugaagta reer Yurub lagu qorin in la Itoobiya uu Talyaanigu gumeystey, oo marka laga hadlayo xilligii uu Talyaanigu Gumeystey Itoobiya ee shanta sano ahayd in la yiraahdo waa: shan sano oo militari faashiiste ah haystey Itoobiya. Sababtaas ayaa keenta in buugaagta Itoobiya lagu qoro, haddiiba la qoro taraiikhdaas, sidan: “five-year military occupation of Ethiopia by fascists”. Taas oo lagu xoojiyo oraahda ah: Itoobiya waxay ku faraxsan tahay in ay tahay dalka keliya ee Afrika ee aan la gumeysan: “Ethiopia proudly claims to be ‘the only African country that has never been colonized’”. Halkii xaqiiqada laga qori lahaa: Ethiopia was colonized by Italy for five years (1936-1941) – ama (Italy colonized Ethiopia for five years). Waxaa wax aad loogu qoslo ah in buug ka mid ah kuwa taariikhda uu qoray sidan: “Brief History: The Ethiopian nation is something of a rarity in Africa – an independent country that has managed to avoid colanization by a western power (other than a five-year occupation by fascist Italy in the middle of the twentieth century)” – “Taas oo marka la tarjumo nuxur ahaan ah: “Itoobiya waa dal aysan gumaysan quwadihii reer galbeedku, marka laga reebo shan sano oo ay haysteen faashiistihii Talyaaniga bartamihii qarnigii labaatanaad”. Sow taasi wax lagu qoslo maaha in la yiraahdo waa dal aan reer galbeedku qabsan, Marka laga reebo shan sano oo faashiiste haystey – laakiin akhristow xusuusnow faashiistuhu waxa uu ahaa reer galbeed – laakiin haddii taariikhda laguu wanaajinayo cudurdaar laguu waayi maayo. Itoobiya iyo gumaystayaashii kale weligood kuma guulaysan in ay Soomaalida si rasmi ah u gumaystaan, balse waxaa Soomaalida gumaystay qabyaalada indhaha ka tuurtay oo kala qoqobtay, taas oo ilaa hadda loo adeegsado. Gabagabadii, Waxa ka jira geeska afrika waa arrin ay tahay in shacabka Soomaaliyeed ku baraarugaan ka hor inta aan laga masaxin khariidadda. Let us rewrite Somalia history: “Brief History: The Somalian nation is something of a rarity in Africa – an independent country that has managed to avoid colanization by a western power (other than a one-century occupation by Qabaliyah)” .
Posted on: Wed, 30 Oct 2013 18:34:16 +0000

Trending Topics



ple weeks I have
Figli di troia!!! Maledetti augoro tutto il male di sto mondo
So... what happened on a day like today? 2010, Led Zeppelin were

Recently Viewed Topics




© 2015