Sheeko Aad U Xiiso Badan Obama baa wuxuu booqosho kutagay KENYA - TopicsExpress



          

Sheeko Aad U Xiiso Badan Obama baa wuxuu booqosho kutagay KENYA si uu arimo saliid kusaabsan ay uga wada hadlaan madaxweynaha Kenya ee KIBAKI. Obama iyo Kibaki oo sheekada meel fiican umareeso baa korontada katagtay Nairobi dhan, Obama oo aad u xanaaqsan baa dhahay "Waxaan idiin heystay in aad dad hormarsan tihiin, waa maxay korontada iska tageyso? Kibaki oo ka xun falka dhacay baa wuxuu SMS casilaad ah u diray wasiirka korontada. Lix bil kadib Kibaki baa wuxuu booqosho u aaday Washington si uu ula soo kulmo Obama, xili maqrib ay tahay Kibaki iyo Obama ay wada fadhiyaan balakoonka guriga cad baa Kibaki wuxuu arkay Dabaq dhan oo mugdi ah, Kibaki oo aad u faraxsan baa wuxuu kudhahay Obama, "Waxaad imaatay wadankeyga kadibne waad i aflagaadeesay hada kahor koronto darteed, ee idinkane ma dhibaato koronto baad qabtaan, waa maxay meesaash mugdiga ah? Obama oo argaxgaxsan baa wuxuu u wacay nimanka ilaalada mid kamid ah kadibne wuxuu waydiiyay, meesaash waxay tahay, ninkii baa obama dhagta wax ugu sheegay, Obama ne qosol ayuu la dhacay ilaa ay indhihiisa ilin katimaado, Kibaki oo yaaban baa yiri, "Maxaa kugu dhacay oo aad la qosleysaa? Obama baa kujawaabay, "Meesaash aad ujeedo waa Safaarada KENYA. kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
Posted on: Sun, 15 Sep 2013 05:17:13 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015