Shirweynihii Shuurada Jamaacada Al-ictisaam oo soo gabagaboobay + - TopicsExpress



          

Shirweynihii Shuurada Jamaacada Al-ictisaam oo soo gabagaboobay + Bayaan (Akhriso) Muqdisho:Kulankii 18aad ee golaha shuurada guud ee Jamaacada Al-ictisaam Bilkitaab Wassunnah oo halkudhaggiisu ahaa : aan wada xiqiijinno horukac dacwadeed oo ka dhacay magaalada Muqdisho, socdayna intii u dhexeysay 24-26/08/1434 oo waafaqsan 2-4/7/2013, oo lagu falanqeeyay arrimo badan oo khuseeya dacwada islaamka iyo aayaha umadda soomaaliyeed ee muslimka ah dibad iyo gudaba waxaa ka soo baxay bayaankan: 1.Waxaan umadda soomaaliyeed ee muslimka ah ugu baaqeynaa in ay wada qabsadaan shareecada islaamka, kuna dhaqmaan, khilaafaadkoodana ku xilliyaan,waxaana xusuusineynaa in shareecadu tahay waddada kaliya ee ay kaga bixi karaan dhibaatada dheeraatay ee ku habsatay,waxaana soo jeedineynaa in shuruucda iyo xeerarka waddanka la waafajiyo shareecada islaamka. 2. Waxaan umadda soomaaliyeed xusuusineynaa madax iyo shacabba xilka ka saran dacwada islaamka, iyo faafinta aqoonta diinta,iyo in ay isu kaashadaan faafinta wanaagga iyo ka hortagga xumaha 3.Waxaan umadda soomaaliyeed uga digaynaa khataraha fara badan ee ku xeeran,ee halista ku ah jiritaankeeda,si gaar ah waxaan u tilmaameynaa faragalinta shisheeye ee isku diraysa si loo burburiyo inta ka hadhay dadkii iyo hantidii soomaaliyeed,sidoo kale waxaan tilmaameynaa khatarta qabyaaladda ee qaybneysa bulshada. 4. Waxaanu qabaa’ilka soomaaliyeed iyo dhinacyada siyaasadeed ee is haya ugu baaqaynaa inay khilaafaadkooda ku xaliyaan si nabadgelyo ah oo waafaqsan shareecadda islaamkamayna joojiyaan dhiigga xurmada leh ee macno la,aanta ku daadanaya, si gaar ah waxaan ugu baaqeynaa hoggaanka dhaqanka ee bulshada in ay dadaal ku bixiyaan sidii loo soo afjari lahaa colaadaha beelaha ka dhex aloosan,waxaana caddeyneynaa in jamaacadu diyaar u tahay in ay qaadato kaalinta kaga aaddan dhexdhexaadinta iyo heshiisiinta dhinacyada is haya. 5. Waxaan bulshada soomaaliyeed u caddeyneynaa in fikirka leexsan, fahamka qaloocan,iyo ficillada gurracan ee ururka al shabaab aan midkoodna sal ku laheyn shareecda islaamka,ee uu yahay xad gudub magac diineed la siiyay oo lagu nabayo shareecada islaamka ee naxariista badan. 6. Waxaan ururka alshabaab ugu baaqeynaa in ay ka soo noqdaan,waddada khaldan ee iyaguba ay arkeen halka ay ku dhammaaneyso,oo ay ilaahay u towbad keenaan umaddoodana u soo noqdaan. 7. Waxaan DFS iyo maamulada kale ee dalka ugu baaqeynaa in ay dadaal ballaadhan galiyaan sidii loo xallin lahaa mushkiladda shabaab,waxaana ku baaqeynaa in xukuumaddu la timaddo siyaasad bisil oo lagu furdaaminyo dhallnyarada la marin habaabiyay ee u qafaalan fikirka shabaab ee munxarifka ah. 8. Waxaan adkeyneynaa dowrka hoggaamineed ee culimda, iyo kaalinta ay ku leeyihiin ka talo bixinta aayaha umadda,iyo waajibnimada in wax lagu dhiso taladooda. 9. Waxaanu adkaynaynaa ahmiyadda ay leedahay manaahijta waxbarashadu iyo inay tahay wixii lagu barbaarinayey faca soo koroya, waxaana ka digaynaa in la marin habaabiyo mustaqbalka da’yarta ee caqiido ahaan iyo dhaqan ahaan.. 10. Waxaanu xasuusinaynaa dawladda waajibnimadda xulashada iyo shaqaaleynta dadka aqoonta, kartida iyo ammaanadda leh, daacaddana ah. 11. Waxaanu ku baaqaynaa in la dhowro madax banaanida wadanka soomaaliyeed,waxaana soo jeedineynaa in la dhiso ciidan qaran uu ku filnaada ilaalinta danaha qaranka si looga kaaftoomo ciidamada shisheeye,waxaana ka digeynaa damacyada foosha xun ee ku wajahan dhulka soomaaliyeed bad iyo barriba, sidoo kale waxaan soo jeedineynaa in ilaaliyo midnimada isku xidhnaanta bulshada soomaaliyeed lagana feejignaado wax kasta oo dhaawacaya, waxaa kale oo aanu ku baaqaynaa in dadaal la geliyo sidii loo soo celin lahaa kalsoonidii iyo walaaltiniadii bulshada soomaaliyeed. 12. Waxaanu ugu baaqaynaa bulshada soomaaliyeed ee debeda ku nool inay ilaashadaan diintooda, dhaqankooda, ubadkooda, kuna xidhnaadaan culimada iyo xarumaha islaamiga ah. 13. Waxaan ku baaqaynaa in la xoojiyo luuqada carabiga, lagana dhigo luuqada waxbarashada dalka, sidoo kale waxaanu ku baaqaynaa in laga hortago ololeyaasha lagu doonayo in lagu fogeeyo luuqadda quraanka. 14. Waxaanu adkaynaynaa ahmiyadda wadashaqaynta iyo iskaashiga, sidaa awgeed waxaanu ugu baaqaynaa dhammaan ururada iyo jamaacaadka islaamiga ah inay isu kaashadaan koryeelidda diinta Illaahay, anagoo soo jeedinayna inay sameystaan goleyaal ay kaga wada arinsadaan danaha ummadda. 15. Waxaanu ugu baaqaynaa dawladaha iyo bulshooyinka islaamka inay si dhinac taagaan bulshada soomaalyeed, si ay cagaheeda isugu taagto ugana soo kabato dhibaatooyinka haysta. 16. Waxaanu ugu baaqaynaa dawladaha iyo shucuubta islaamka inay u hiiliyaan shacabka reer suuriya ee dulman, si ay xaqooda sharciga ah u helaan. 17. Masar waa waddan udub dhexaad u ah dunida muslimka ah i yo caalamka carabtaba,waxaana aad uga xunnahay xaaladda uu maanta marayo,waxaana ku baaqeynaa in la ilaaliyo dadka iyo dadka reer masar,oo aan laga tallaabsanin sharciyaddii bulshadu soo dooratay iyo waxyaabihii lagu heshiiyay,waxaana ka digeynaa in la furo is reebreeb aan dhammaaneynin umadduna ku baaba’ayso. Shirweynaha 18aad ee Jamaacada Al-citisaam Bilkitaab Wassunnah Muqdisho 26/8/1434- 4/7/2013
Posted on: Sun, 07 Jul 2013 08:34:28 +0000

© 2015