Sir Culus” CIA-da Maraykan Ayaa MAAL -Gelisay MASKAXDII Weerarka - TopicsExpress



          

Sir Culus” CIA-da Maraykan Ayaa MAAL -Gelisay MASKAXDII Weerarka Westgate “Jaajuus Afka furtay . dayaxa Published on November 5, 2013 by wariye toosane · No Comments Hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA-da, ayaa si aan ku talo gal ahayn u maal gelisay dhistayna sumcadda hogaamiyihii iyo maskaxdii weerarkii West Gate ee Nairobi, waxaas sidaas shaaca ka qaaday jaajuus hore. Morten Storm oo ah nin u dhashay dalka Denmark, ayaa CIA-da waxa ay weydiisatay inuu xiriir la yeesho madaxa Al-Shabaab ee ka dambeeyey weerarkii West Gate, waxaana uu siiyey lacag iyo qalab isaga oo ka wakiil ah sirdoonka reer galbeedka, si uu u helo kalsoonida Al-Shabaab. 2008-di ayuu Storm billaabay inuu xiriir dhow la yeesheo Cabdulqadir Maxamed Cabdulqaadir oo oo yaqaan Cikramah, isaga oo isku dayay inuu ka helo akhbaar ku saabsan bartilmaameedyo muhiim ah iyo weeraro la qorsheeyey. Markii ugu horeysay ee Storm uu la kulmay Cikramah, waxa uu ahaa farriin side ka socday Axmed Cabdulqadir Warsame oo ah hogaamiye Al-Shabaab, sida ay ku warrantay warbixin ay diyaarsay CNN. Kullankii ugu horeeyey ayaa ka dhacay maqaayad Soomaali ay lee yihiin oo ku taalla dabaqa ugu horeeya ee Jamia Shopping Mall, oo ku dheggan masjidka Jamia ee Nairobi. Laba jihaadi oo kale ayaa la socotay Cikramah. storm Storm, ayaa ula kulmayay Cikramah si uu farriin iyo qalab ugu dhiibo Axmed Cabdulqadir, oo madaxda Shabaab ka tirsanaa. Storm iyo Axmed ayaa si fiican isu yaqaanay, Cikramana waxa uu saaxiib la1 a3h0aa Axmed. Hoos Ka Daawo Muuqaalka Kashifaad Culus
Posted on: Fri, 15 Nov 2013 10:12:25 +0000

Trending Topics




© 2015