Soomaaliya oo si weyn uga dhex muuqatay doroashada ANOCA Madaxdxa - TopicsExpress



          

Soomaaliya oo si weyn uga dhex muuqatay doroashada ANOCA Madaxdxa ugu sareysa guddiga Olombikada Qaranka Soomaaliyeed ayaa ka qeyb galay shir weynaha doorashada ururka guddiyada Olombikada qaramada ee wadamada Afrika, shirkaas oo magaalada Abidjan ee dalka Ivory coast lagu qabtay 12-13 July 2013, waxaana dhanka Soomaaliya ku matalayay guddoomiyaha GOS Cabdullaahi Axmed tarabi iyo Xoghayaha guud ee GOS Duran Axmed Faarax. Soomaaliya ayaa ka mid ahayd dalalka isbahaysiga xoogan ku dhex lahaa shirka iyadoo hogaanka sare ee ururka guddiyada Olombikada qaramada ee dalalka Afrikana loo doortay murashixiintii ay wateen wadamo is bahaysi ah oo Soomaaliya ay ku jirto, wadamadaas oo la filayo in ay saameyn xoogan ku dhex lahaan doonaan ururka ANOCA mudada ay xilka hayaan masuuliyiinta la doortay. Jimcihii oo ahayd maalintii furitanka ee shirka ayaa waxaa la dhageystay warbixinada dalalka ay soo jeediyeen iyo sidoo kale warbixinada dadkii isusoo taagay xilalka kala duwan oo shir weynaha u sheegay waxyaabaha ya qaban doonaan hadii la doorto. Intaa kaddib ayaa waxaa la guda galay doorashada waxaana xilka guddoomiyenimada ANOCA ku guulesytay General Plenfo oo u dhahay dalka Ivory coast iyadoo aanay jirin cid la tartantay, halka guddoomiye ku xigeenka 1-aadna loo doortay Mustafa Berraf oo u dhashay dalka Algeria waxaana xilkaas kula tartamay Mr. Aggrey oo u dhahay dalka Chad. Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee ANOCA waxaa loo doortay Joao Da Costa oo u dhahay Sao Tome, waxaana uu xilka kaga guuleystay Mr. Reddy oo South African ah, iyadoo uu guddoomiye ku xigeenka 3-aadna noqday Philippe H Shun oo u dhashay jasiirada Mauritius oo si weyn uga adkaaday Gilbert oo u dhashay dalka Afrikada dhexe iyo Mamadou Talata oo xilkaa kula tartamayay. Guddoomiye ku xigeenka 4-aad ayaa isna loo doortay Madla oo Lethoso u dhashay wuxuuna ka adkaaday Phophina iyo Nadia Cruzoo u kala dhashay dalalka Rwanda iyo Angola. Is jiid jiidka ugu badan waxaa laga maray xogheynta guud waxaana isu soo taagay Tomy Sithole oo Zimbabwe u dhashay iyo Khaled Zeindin oo Masaari ah waxaana wareegii hore ay kala heleen min 25 cod balse wareegii dambe ayay ku klala bexeen Sithole oo helay 26 cod iyo Khaled oo helay 24 cod sidaana waxaa lagusoo gabagabeeyay doorashadii ANOCA oo lagu doortay madaxa hogaamineysa ururka ANOCA afarta sano ee soo socota. Intaa kaddib ayaa waxaa warbixino laga dhageystay hey’ado caalami ah oo ay ka mid yihiin ururka guddiyada qaranka Olombikada aduunka ee ANOC, Olomypic Solidarity, OlympAfrica foundation, Sports and environment, women and sport iyo hey’ada WADA. Waxaa kaloo iyagana warbixino laga dhageystay magaalooyinka kala marti gelinaya cayaaraha olombikada dhaliyarada aduunka iyo kuwa Afrika ee sanadka 2014, magaalooyinkaas oo kala ah Nanjing oo shiinaha ah laguna qabanayo cayaaraha youth Olympic Games 2014 iyo Gaborone Oo Botswana ah laguna qaban doono cayaaraha African youth Games ee sanadka 2013. Waxaa kaloo warbixino laga dhageystay magaalada Rio De Janerio ee dalka Brazil oo marti gelineysa cayaaraha olombikada aduunka 2016 iyo magaalooyinka Istanbul (Turkey) iyo Madrid (Spain) oo ku loolamaya marti gelinta cayaaraha olombikada aduunka 2020. Labadii malamood ee shir weynuhu socday ayaa madaxda guddiga Olombikada Soomaaliyeed ee GOS waxaa ay kulamo gooni gooni ah la qaateen madaxdii shirka kasoo qeybgashay gaar ahaana madaxada guddiga Olombikada aduunka iyo kan Afrika iyagoo kala hadlay arrimo dhowr ah oo quseeya horumarinta Isboortiga dalka Soomaaliya. Xoghayaha guud ee GOS Duran Axmed faarax oo isagoo ku sugan Magaalada Abidjan la hadlay wariyeyaasha ayaa sheegay in madaxdii ay la kulmeen ay ku guuleysteen in ay ka dhaadhiciyaan qorsheyaashii ay hor dhigeen ee ku aadanaa sidii Soomaaliya looga gacan siin lahaa dhanka horumarinta cayaaraha xili dalka soomaliya ay xaaladiisa amaan soo wanagsanaaneyso. “Madaxda la doortay ee ANOCA markii horaba waxaan ahayn rag isku wanaagsan hadana adoorashadii kaddib waxay noo balan qaadeen in ay Soomaaliya si gaa rah xaaladeheeda ula socon doonaan intii karaankooda ahna gacan ku siin donaan guddiga Olombikada Soomaaliyeed ka guul gaarida istaraatiijyada xaga horumarinta ee noo dagsan afarta sano ee soo socota”ayuu saxaafada u sheegay xoghayaha guud ee GOS Duran Axmed faarax. “Dhamaan madaxdii aanu la kulanay si wanasgan ayaan isugu afgaranay arrimihi aan hordhignay”ayuu yir Mr Duran Axmed faarax oo sidoo kale sheegay in kulamo ay la qateen xiriirada caalamiga ah qaarkood oo shirka joogay ayna kala hadleen sidii ay gacan balaaran usiin lahaayeen xiirarada iyaga ka tirsan ee ka dhisan dalka Soomaaliya. Ugu dambeyntii natiijada shirka ANOCA oo lagu doortay rag ay aad isugu dhowyihiin Soomaaliya ayaa la rajeynayaa in ay kaalin weyn ka geystaan sidii loo dar dar gelin lahaa dhaq dhaqaaqyada horumarineed ee cayaaraha dalka Soomaaliya oo hada kasoo kabsanaya in ka badan 20 sanadood dagaalo dalka ka ololayay.
Posted on: Sun, 14 Jul 2013 22:51:34 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015