TAHRIIB KA IYO DHIBAATADIISA gabay Tahriibtani lagu - TopicsExpress



          

TAHRIIB KA IYO DHIBAATADIISA gabay Tahriibtani lagu gumaadmay Waxay diinteenu tidhi Tafsiirka quraanka iyo Nusuustuba ay tabsheen Haddaan qaarkood tilmaamo Walaa tulqu baa caddaysay Inay dhagar toosa tahay Naftaadood tooganayso Cadaabtana aad ku tegi Haddii aanad toobbad celin. Alla taariikh fog iyo Waxaad tahay tahan ogsoon Tirbaana xadiis ku yidhi Tog maal ah haddaan ku siiyo Waxaad tebi layd mid kale Haddaan laba kugu tisane Saddex baad ku taami layd Turaab baa aadmi deeqa. Adduunyadu toomman weeye Sagaal aan tobanka gaadhin Aduun lama toogga beelo Markuu dhinac kuu tolmaba Dhan baa tabantaabo doona. Ilaahay u toobad keen Intaan geeriyi ku taaban. Arsaaqadana tawakaloo Adoo tabcay oo dadaalay Ilaahay talada saartay Dhulkaaganba wuu tebshee Tafta iyo turuqaaga xayd Nimcaada wuu soo tufiye
Posted on: Thu, 14 Nov 2013 05:17:17 +0000

Recently Viewed Topics




© 2015