Taariikhda Puntland State 1. Hordhac 1.1 Taariikhda - TopicsExpress



          

Taariikhda Puntland State 1. Hordhac 1.1 Taariikhda Puntland Taariikhda Gobalada Waqooyi Bari oo ilaa Bartimihii 1998 lagu magacaabo Dowlad Goboleedka Puntland ee Somalia, Inkasta oo gumaystaha ka hor bulshada soomaaliyeed aysan lahayn Dowlad dhexe oo dhisan iyo xuduudo cayiman, Gobolada Waqooyi bari waxay lahaayeen qaab dowladeed oo soo jireen ah, ilaa bilowgii qarnigii 19aad, kuwaas oo lagu magacaabi jiray sida, Boqortooyadii Majeerteenya (1901-1927) oo ka dhisnayd Gobolada bari iyo nugaal, Boqortooyada Mudug (1885-1925), Boqortooyada Sanaag Bari (1896-1925) Boqortoyooyinkaasi uma dhisnayn qaab maamul dowladeed oo casri ah, laakiin waxay lahaayeen maamul iyo ciidan dhisan oo ilaaliya Nabdgelyada, Arimaha bulshada, iyo siyaasada, Sadexda saldano waxay lahaayeen xiriir ganacsi dhaexdooda iyo mid ay la lahaayeen India iyo gacanka carbeed. Waxay dhoofin jireen Xoolaha nool, Maydi iyo malmalka, Waxayna ku soo bedelen jireen raashin iyo qalab.ganacsigaasi wusuu si gaar ah u horumariyey Boqortooyadii Majeerteeniya qaybtii dambe ee qarnigii 19aad iyo bilowgii qarnigii 20aad. Gumaystaha Talyaaniga iyo Ingiriiska ayaa xoog ku qabsaday saldanooyikaas (1923-1927), Kuwaas oo dumiyey qaabkii dhaqaale iyo siyaasi oo jiray. Gumaysiga Talyaanigu wuxuu si gaar u burburiyey ganacsigii jirey, wuxuuna khasbay in Dalka talyaaniga laga soo dejiyo waxkasta oo ganacsi ah, loona dhoofiyo cusbada, maydiga, mooska kuwaas oo ay dhoofinayaan shirkado talyaani ah lagana soo dejiyo Magaalada Muqdisho. Burburinta ganacsigii iyo awoodii soo jireenka ahayd ee goboladan waxay waxyeelo weyn u gaysatay dhaqaalihii iyo qaabkii nololeed ee shacabka., sidaa darteed waxay kaliftay inay ganacsatadii iyo xirfadlayaashii goboladan ay u guuraan koonfurta Soomaliya si u helaan fursad ganacsi iyo mid shaqo. Sidoo kale gumaystihii talyaanigu wuxuu si khasab ah ugu musaafuriyey magaalada muqdisho, qoyskii, qaraabadii iyo taageerayashii muhiimka ahaa ee Saldanadii Mudug. Si la mid ah Saldanadii Bariga Sanaag waxaa gumaystaha Ingiriisku ugu masaafuriyey si khasab ah Jasiirada Seychelles . Burburinta dhaqaalaha iyo minguurinta ay Gumaystayashu u gaysteen saldanooykii soo jiraaka ahaa ee goboladan, waxay ku salaysnayad in laga ilaaliyo bulshada soomaaliyeed kacdoon xornimo doon ah. Gumaystahu wuxuu dalka ka talinayeen Bartamihii (1920 – 1960), ka dibna dowladahii soomalidu waxay ka talinayeen ilaa 1960-1990 Ka dib burburkii Dowladii Somaaliyeed bilowgii 1991, SSDF oo ka mid ahayd jabhadahii ka soo hor jeeday dowladii markaa jirtay oo keliya ayaa ku sugnayd gobolada markaa la oran jiray Waqooyi Bari hadana ka mid ah gobolada ku bahoobay Dowlad Goboleedka Puntland. Madaxdii SSDF oo taageero buuxda ka haysata shacabka, waxay culayska saareen siday goboladan uga daafici lahaayeen xoogaga ka soo duulay koonfurta Soomaliya oo ay horkacaysey jabhada la yiraahdo USC (1991-1993), iyo urburkii Al-itihad oo isku dayey inay xukuntka goboladan si xoog ah ula wareegaan 1992, labada xoogba waa laga adkaaday, guulahaasi waxay SSDF u yeeshay awood siyaaso iyo mid ciidan oo aad looga tixgeliyey soomaaliya inteeda kale. 1.2 DHISMIHII DOWLAD GOBOLEEDKA PUNTLAND: Ka dib markii wadatashiyo badan ay yeesheen isimada, siyaasiyiinta, aqoonyahanka, ganacsatada, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku nool goboladan, ayaa waxaa la go’aansaday in magaalada Garoowe lagu qabto shir loo wada dhan yahay kaasoo ujeedadiisu ay ahayd in la dhiso maamul dowlad goboleed. Islamarkaas waxaas ku soo biiray Gobolada Sanaag iyo Sool oo kula bahoobay Maamulaka cusub Goboladii laysku oran jiray Waqooyi Bari. Shirkaas waxaa ka soo baxay bartamihii 1998, Dowlad Goboleedka Puntland, taasoo leh sadexda awoodood oo kala ah, Golaha Wakiilada oo dhan 66 Xilibaan oo lab iyo dhedigba leh, Garsoorka , iyo Golaha Xukuumada oo leh Madaxwayne iyo madaxwayne ku-xigeen. Sida uu qeexayo Xeerka 1aad,. ee axdiga ku meel-gaarka ah ee lagu dhisay Puntland. Puntland waxa ay ka mid noqonaysaa Dawlad Soomaaliyeed oo habka Federaaliga ah ku dhisan, waxayna wadahadal la geli kartaa qayb kasta oo Soomaaliya ka mid ah oo aaminsan raadinta iyo ka-mid-noqoshada dawlad soomaaliyeed oo ku dhisan habka federaaliga ah. Puntland waxay ka kooban tahay todobo Gobol oo kala ah. * Bari * Karkaar * Nugal * Mudug * Sool * Ayn * Sanaag 2. JUQRAAFIGA IYO CIMILADA 2.1 JIHADA AY DHACDO: Puntland waxay khariidad ahaan dhacdaa Bariga Soomaliya, Waxay xuduudo la wadaagtaa. Galbeedka waxaa ka xiga Gobolada Waqooyi-Galbeed, Waqooyiga Gacanka Cadan , Koonfur-bari waa Bad waynta Indian ocean, Koonfur waa Gobolada dhexe ee soomalia, Koonfur-Galbeedna waxaa ka xiga Wadanka Ethiopia. 2.2 BEDKA DHULKA : Dowlad Goboleedka Puntland baaxadeedu waa 212,510 Km2, waxay u dhigantaa sadex meelood-meel (1/3) qiyaastii baaxada guud ee Soomaliya. 2.3 CIMILADA: Cimilada Puntland waa kulayl, Celceliska Cimilada maalintii waxay u dhaxaysaa 27C ilaa 37C, gobolada qaarkood sida Howdka mudug, Gobolka sool, sanaag bari dooxooyinka Nugaal iyo buuralayda bari waxay leedahay hawo furan iyo kulayl dhexdhexaad ah. 2.4 ROOBKA: Roobka waxaa la helaa xiliyo kala duwan, waxaa lagu qiyasaa 400mm oo roob ah sanadkii, Reer guuraagu waxay inta badan Biyaha ka helaan ceelal iyo harooyin, waxaa jira afar xili oo kala ah * Jiilaal. Bilaha (January – March), Waa qalayl * Gu. (April –June), Waa Xiliga la helo roobka ugu badan * Xagaa. (July – September), Waa Qalayl * Dayr. (October – December), waa xili roobaad Goos -Goos ah. 3. MAAMULKA DOWLADA IYO QAYBAHEEDA. 2.1 Qaab dhismeedka Dowlad Goboleedka Puntland. Dowlad Goboleedka Puntland waxay leedahay sadex waaxood oo dowli ah. Golaha Xukuumada (Madaxwayne, Madaxwayne Ku-xigeen, iyo Golaha Wasiirada oo madaxwaynuhu magacaabo), Golaha Wakiiladaoo ka kooban (66 Xilibaan oo ka wakiil ah dhamaan todobada gobol ee puntland), Garsoorka o leh (Maxkamada Sare, Maxkamad Rafcaanka, Maxkamad Hoose) HOGAANKA. Madaxwayne :Dr.C/raxman moxamed Moxamuud(faroole) Waxaa doortay Golaha Wakiilada 8da Janaayo, 2009. Madaxwayne Ku-Xigeen : Jeneraal Cabdisamad Cali Shire, Waxaa doortay Golaha Wakiilada 8da January, 2009. Golaha Wakiilada : 66 Xilibaan oo ka Wakiil ah Dhamaan Gobolada. Madaxwaynhii Kowaad ee Puntland: Cabdullaahi Yusuf Axmed (1998-2004), Madxwaynihii Labaad ee Puntland: Maxamed Cabdi Xaashi oo xukunka hayey muddo kooban (Oktoobar, 2004 – Janaayo, 2005) Mdaxwaynihii 3aad ee puntland: moxamuud Muuse Xirsi (Cadde Muuse) 3.2 CAASIMADA Caasimada Dowlad Goboleedka Puntland Waa Garoowe, Qiyaastii waxaa ku nool dad garaya ilaa 50,000 3.3 Magaalooyinka Kale ee Waawayn waa: Bosasso, Galkacyo, Las Anod, Gardo, Baran and Buhoodle. 3.4 DEKEDA UGU WAYN: Dekeda ugu wayn Puntland waa. Dekeda Bosaa 4 TIRADA DADKA: Waxaa lagu qiyaasaa Puntland inay ku nool yihiin dad gaaraya, 2.7 Milyan. 4.1 QORSHAYNTA MUHIIMKA AH: Dowlad Goboleedka Puntlad waxaa aad u kordhaya tirada dadka ku nool, Waxaana keenaya dadka ka soo barakacaya Koonfurta Soomaliya, iyo kuwa ka imanaya Dowladaha deriska ah. Bulshada reer Puntland 30% waxay degen yihiin Magaalooyinka aad u koraya sida, Bosaaso, Qardho, Laas-Caanood, Garoowe iyo Gaalkacayo, Qiyaastii 70% Bulshada Da’doodu waxay ka yar tahay 30 Sano. 5. DIINTA Bulshada Puntland ku nool dhamaan waa Muslim . 6. LUUQADAHA: Luuqadaha Rasmiga ah waa Soomaali iyo Carabi, English iyo Talyanai in badan ayaa isticmaasha. 7. XOOLAHA NOOL: Xooluhu waa tiirka dhaqaalaha gobolada Puntland, Isticmaalka xooluhu kuma eka reer guuraaga keliya ee waxaa quud maalmeedka u istimaala inta badan bulshada miyi iyo magaalaba. Dhaqaalaha Puntland waxuu aad ugu xiran yahay dhoofinta xoolaha, taasoo laga helo 80% Lacagta qalaad, 40% dhaman dhaqaalaha waxsoo-saarka iyo 60% fursadaha shaqada. 8. QAYBTA KALUUMAYSIGA : Guud ahaan Wadanka Soomaliya xeebtiisu waa 3,300 Km2, Puntland qayb ahaan waxay u leedahay 1,600Km2, laga bilaabo Magaalada Garacad oo ku taala badwaynta India ilaa Laas Surad oo xigta Gacanka Yemen. Biyaha Bada ee ku wareegsan Puntland waa meelaha ugu qanisan Kaluunka iyo khayraadka kale ee bada ku nool. Biyaha xeebta Puntland waxaa laga helaa noccyo fara badan oo kaluun ah, waxaa ka mid ah noocyada sida (yellow fin tuna, long-tail tuna, bonito, skipjack, and Spanish mackerel,) Waxaa ganacsiga u badan (demersel fish) waa ( groupers, snappers, grout and sea beam). Waxaa kaloo ku badan libaax badeedka, agagaarka xeebta waxaa laga helaa (spiny lobster, genus panulirus), bada guahaeedana 150 -400 Meters, waxaa kaloo laga hela and noocyada sida ( Puerulus Sewell iyo Puerulus Carinatus ), Badnaanshaha khayraadka badda ee puntland, waxaa lagu qeexaa halka ay kaga taalo khariidada aduunka, Istimaalka aan cilmiyaysneen iyo Kaluumaysiga sharci darada ah ee ajnabiga waxay khatar ku yihiin khayraadka badda hodonka ah ee xeebaha Puntlad. Sidaa darteed markii la asaasay Dowlad Goboleedka Puntland, waxaa markiiba la dhisay wasaarada Kaluumaysiga, Dekedaha iyo Kheyraadka Badda si looga hortago Kaluumaysiga sharci darada ah isla markasna ay wasaaraddu ay u dejiso qoshe horumarineed si ay uga faa’idaysan lahaayeen kaluumaysatada reer puntland iyo kuwa mustaqbalka. Kaluumaysiga waxaa si toos ah uga shaqeeya kumanaan qof siddeeda bilood (Oktoobar – Maajo) oo ah Xiliga la kaluumaysto, waxaa kaloo si dadban uga shaqeeya oo ka faaidaysta shaqaalaha makhaayadaha iyo kuwa shirkadaha la xiriira ganacsiga Kaluumaysiga. Xiliga Kaluumaysiga waxaa kaloo samaysma tuulooyin ama degaamo aan joogto ahayn, meelahaas oo ay ganacsi yar yar ka helaan dumarka iibiya qalabka ay u baahan yihiin kaluumaysatada. Kaluumaysigu wuxuu galaa fursada labaad oo ugu dhaqaalaha badan marka laga reebo xoolaha.. 9. DHAQAALAHA : Dhaqaalaha Dowlad Goboleedka Puntland waxaa ugu muuhiimsan Afar qaybood oo kala ah, Xoolaha, Kaluumaysiga, Beeraha, iyo Lacagta ay qurba-joogtu u soo diraan dalkooda. Bulshadu waxay si toos ama aan toos ahayn noloshoodu ugu xiran tahay xoolaha la dhoofiyo ama isticimaalka cunto ahaan, lacagaha ay soo diraan qurba joogta reer puntland iyadana waxay kaalin wayn ka qaadataa nolosha bulshada. 10. ISGAARSIINTA: Isgaarsiinta Puntland waxay samaysay horumar aad u balaran intii ka damaysey burburkii dowladii soomaaliyeed, waxaa jira shirkado badan oo isgaarsiineed, kuwaas oo isticmaala qalab casri ah dhinaca Taleefonada, Fax, iyo Internet-ka oo hada laga sameeyo faa’iido dhaqaale, waxaa kaloo puntland leedahay idaacadaha hirarka gaagaaban, FM-ka, oo ku kala yaala Magaalooyinka waawayn ee Puntland, sida Laas-caanood, Bossaao, Garoowe, Gaalkacayo, iyo Buuhoodle, waxaa kaloo Puntland leedahay telefishano casri ah. 11. KAHYRAADKA DABIICIGA AH: 1991 Cilmi baaris dhinaca Khayraadka dhulka hoostiisa oo uu maalgeliyey Bankiga aduunka, si loo ogaado khayraadka ku jira sideed wadan oo ku yaala qaarada Afica. Isla markaana loogu dhiirigeliyo shirkadaha maalgashiga, Waxaa ka soo baxay in Wadamada Sudan iyo Soomaliya ay yihiin kuwa ugu badan ee laga heli karo shidaal ganacsi geli kara. Dhulka Puntland waxaa ku jira khayraad aad u badan, kaasoo qayb aad u yar hada ay Dowlada Puntland ay abto in ay ka miro dhaliso kasoo ay ka mid yihiin kayd shidaalka laga qudayo ceelasha shebeele1 iyo libaax1. shabeele1 oo lagu qiyaasay aduun dhan $19.0 trillion Xukuumada Dowlad Goboleedka Puntland waxay wadaan dadaal ay ugu jiraan sidii loogu dhiirigelin lahaa cid kasta oo Maalgelin ku samaynaysa khayraadkeeda dabiiciga ah ee dhulkeeda ku jira
Posted on: Sun, 18 Aug 2013 17:49:53 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015