WARARKA DOWLADDA EE MAANTA Adis-ababa Juun 18, 2013 Afhayeenka - TopicsExpress



          

WARARKA DOWLADDA EE MAANTA Adis-ababa Juun 18, 2013 Afhayeenka Dowladda Jubbaland State C/naasir Seeraar oo La hadlayay Warbaahinta ayaa faah faahin ka bixiyay Socdaalka Madaxweynaha Maamulka Dowladda Jubbaland State Mudane Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe) uu ku joogay Magaalada Adis-ababa ee dalka Ethiopia isagoona sheegay in Marti qaad uu ka helay Dowladda Ethiopia islamarkaana uu kala hadlay taageero Dowladda Ethiopia ay u fidiso Dowlad Gobaleedka uu Hoggaamiyo Madaxweynaha Maamulka Dowlad Gobaleedka Jubbaland State Mudane Axmed Maxamed Islaan "Ahmed Madoobe" Iyo Madaxweyne Ku-Xigeenka Mudane Janaraal Cabdillaahi Shiikh Ismaaciil C/Naasir Seeraar Afhayeenka Dowladd Gobaleedka Jubbaland State ayaa xusay in Madaxweyne Axmed Madoobe uu si fiican ugu la hadlayo Siyaasadda Maamulkiisa Dowladda Ethiopia taasoo si wayn u taageersan maamulkaas. . Sidoo kale Afhayeenka C/Naasir Seeraar Afhayeenka Dowladd Gobaleedka Jubbaland State ayaa sheegay in aysan ka qeyb gali doonin shirka ay iclaamisay Dowladda Fadaraalka ee Soomaaliya ee looga hadlayo Arrimaha Jubbooyinka kaasi oo la filayo in lagu qabto Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho waato waxuu runta u sheegay inay Dowladda Fadaraalka ay sababtay dagaalkii ka dhacay gudaha Kismayo ayadoo Dowladda Fadaraalka lagu soo doortay ay waliba taageero siisay Ururka Al-Shabaab taasoo haatan ay Dowladdaha adduunka layaaban yihiin asagoo sheegay inay khalad tahay wax sidan oo kale oo foolxumo iyo sumcad xumo ku riday inay ku kacaan madaxda ugu saraysa dalka ayagoo aan wax awood ah u lahayn inay si nabad ah u dhex maraan gudaha magaalada Moqdisho taasoo ay ku waardiyeeyaan ciidamadda AMISOM. Sikastaba dhawaan ayaa Madaxweynaha Maamulka Dowladda Jubbaland State Mudane Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe) iyo wafdi uu horkacayo waxa u ambabexeen Dalka Ethiopia halkaas oo ay casuumaad uga heleen Xukuumadda Awooda badan ee Adis-ababa. Xafiiska Warfaafinta Dowladda Gobaleedka Jubbaland State Dib-u Noolaynta Waxbarashada Soomaaliya Muqdisho: Juun 18, 2013 Mudanayaal, marka ugu horeysa dhamaantiin waad salaamantihiin. Waxaa sharaf weyn ii ah in aan idinkala soo qeyb galo, rasmi ahaana u furo Shirka Waxbarashada Soomaaliyeed. Ugu horeyn, waxaan u mahadcelinayaa, Wasiirka iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Horumarinta Adeega Bulshada iyo Agaasinka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Wasaaradda. Waxaan kaloo u mahadcelinayaa, ka qeybgalayaasha iyo hay’adaha UNICEF iyo UNESCO oo ka qeyb qaatay suurto galinta shirkaan. Shirkaan oo ah mid ummadda Soomaaliyeed aad ugu hanweyn tahay, kuna soo beegmay waqti is beddel taariikhi ahi dhacayo oo laga gudbay dagaalkii sokeeye iyo dawladihii ku-meel gaarka ahaa, mar labaadna aan dib u hananay dawladnimo rasmi ah ee dalkeena, ayaa shirkaan waxaa laga sugayaa qaabeynta nidaamka waxbarasho ee dalka. Sida la ogyahay, waxaa dhalatay Dawlad Federaali ah oo hogaan u ah Soomaaliyada cusub una heelan inay aqoonta ku gaarto dhamaan noocyada horumarka banii’aadamku u baahan yahay sida dhaqaale, tiknologiyo iyo mid bulsho. Shirkaan wuxuu qeyb weyn ka yahay dadaalka dawladdu ugu jirto kobcinta tacliinta ubadka Soomaaliyeed, ayna kula dagaalamayso jahliga, cudurka, gaajada iyo dhamaan duruufaha kale ee aqoon daradu sal-dhiga u tahay. Waxaad tihiin aqoonyahano iyo xulka xeel-dheerayaasha tacliinta oo laga doonayo inay ka talo bixiyaan sidii mar kale dhidibada loogu taagi lahaa nidaam waxbarsho oo tayaysan oo la jaanqaadi kara cilmiga iyo tiknologiyada qarnigan 21aad, isla markaana la wada awoodo. Waxaa waajib dastuuriya ah in ilma kasta oo Soomaali ahi helo wax-barasho illaa heer dugsi sare gaarsiisan oo lacag la’aan ah. Taasi waa waajib culus ooy tahay inaan u tabaabushaysano dawlad iyo shacabba. Qiimaha Waxbarashada Waxbarasho tayaysan waa kaabaha dhaqaale ee ugu muhiimsan ee umaddeenu yeelan karto. Waxay noo suurto galinaysaa in bulshadeeno gaarto hadafkeeda dheer ee ah inaan dalkeena horumarinno. Waxay xoojinaysaa wadaniyada, waxayna gaashaan nooga tahay caddawga ummadeena ee ah jahliga, cudurka iyo faqriga baahay. Ka sakow qiimaha weyn ee bulshadeena ay ugu fadhido waxbarshadu, waxaa hubaal ah in ahmiyad gaar ah u leedahay horumarka qoska iyo himilada ardayga Soomaaliyeed. Waxbarashadu waxay ardayda dhaxalsiisaa dhawr-sanaan, ixtiraam, dulqaad, wax isla-wadaag iyo asluub wanaagsan oo intuba aasaas u ah nolosha qofka, loona baahan yahay in lagu ababiyo ubadkeena. Tacliinta oo aan ka baahi tirno shacbkeena waa jidka ugu haboon een ku abuuri karno bulsho midaysan oo qof kastaa uu door muuqda ku leeyahay horumarka iyo wax-soo saarka dalka. Si aan hadafkaas muqadaskaa u gaarno dawladdu waxay ku dadaalaysaa inay waxbarashada u qoondayso miisaaniyad lamid ah midda amniga iyo difaaca dalka u qorshaysan. Hafadka Dawladda Waxaan doonaynaa inaan ubadkeena ku ababino wadaniyad anagoo ka hortageyna afkaaraha guracan iyo xagjirnimada oo aan midkoodna manfac u lahayn ummaddeena. Dugsiyadeenu waa inay noqdaan kuwo ahmiyada koowaad siinaya ku barbaarinta ardayga akhlaaqda suuban, baranna dhaqankiisa iyo taariikhda dadkiisa iyo dalkiisa. Barayaashu waa inay had iyo jeer ku baraarug-sanaadaan mushkilada ay bulshada ku hayaan qabyaalada iyo quursiga, ayna ardayda ku barbaariyaan sinaan, walaaltinimo iyo is-ixtiraam. Si wada-jir ah, waa inaan ardaydeena iyo dhalinyaradeena ugu baarbaarinaa qiimaha wadanka iyo in qofku aamino qofnimadiisa, diintiisa, dalkiisa iyo dhaqankiisa suuban. Dugsiyadu waa halka ugu haboon ee laga baahin karo dhaqanka suuban, diinta hufan iyo wadaniyada, waana meesha lagala dagaali karo afkaaraha qaldan ee lagu dhibaataynayo ummadeena. Fasahaadka Caqiidada Qaar dhallinteena kamid ah laga marin habaabiyay caqiidada Diinta Islaamka taas oo jaah-wareer weyn ku ah bulshadeena guud ahaan. Jaah-wareerka diimeed ee ummadda la soo gudboonaaday waxaa ka dhashay khatar aad u weyn. Waxaana ku khasbanahay inaan ka hortagno khatartaas anagoo xoogga saarayna inaan ubadkeenna si fiican u fahamsiino caqiidada suuban ee Islaamka. Hirgalinta Qorshahan Haddaba, si qorshaha waxbrashadu u hirgalo waxaa ka go’an dawladda, in wasaarada loo fududeeyo dhaqaalaha iyo tas-hiilaadka kale ee ay u baahan tahay. Sidoo kale, dawladdu waxay iska xil-saaraysaa diyaarinta macallimiintii hawshaas fulin lahaa. Xirfadda macallinimadu waa inay noqoto mid lagu tartamo oo dhallinta dugsiyada ugu fiican ay soo dalbadaan. Waxaana ku hamiyaynaa inaan kor u qaadno nolosha iyo tayada macallimiinta. Dawladdu waxay ku guda jirtaa soo celinta iyo dib-u soo noolaynta dhammaan dugsiyaddii dawladda ee shacbiga Sooomaaliyeed ay iskaa wax u-qabso ugu dhisteen intooda badan. Dadka deggan dugsiyadda iyo dhismayaasha kale ee dawladda waxaan ugu baaqaynaa inay si deg deg uga guuraan goobahaas waxbarasho. Waxaan soo celinaynaa dugsiyaddii farsamo ee dawladda kuwo cusubna waan hirgelin doonaa. Sidoo kale waxaan ka shaqeynaynaa sidii dib loogu hawlgelin lahaa Jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed waxaana lagu soo kordhin doonaa kulliyado hor leh iyo machadyo sare oo iyada hoos yimaada. Gunaanad Mudanayaal, martida sharafta leh ee shirweynahan qeybta ka ah, waxaan idinka sugaynaa inaad fikir cad ka dhiibataan nidaamkii iyo qorshihii waxbarashada dalku ku socon lahaa sanooyinka soo socda. Waxaan doonaynaa nidaam waxbarasho oo leh manhaj midaysan oo awood u leh inuu soo saaro jiil Soomaaliyeed oo cusub, isla markaana ahmiyad gaara siinaya barashada iyo kor u qaadidda afka Soomaaliga. Manhajkaas waa inuu soo saari karaa jiil cusub oo Soomaalinnimo, waxgaradnimo, karti iyo aqoon casriyana leh, maskax fayoow. Waxaan idinka sugaynaa inaad soo jeedisaan qorshe waxbarasho oo u qalma dalkaan, kaas oo hoorseedi kara in ummadeenu ku tilaabsato horumar dhan kasta oo nolosha la xiriirta ayna ka baxdo jahliga iyo gaajada. Waad mahadsan tihiin dhammaan. Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaliga ah Ee Soomaaliya Muqdisho: Juun 18, 2013, Sida Goob Joogayaal ay u Xaqiijiyeen Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho Kooxo Hubeysan ayaa Barqanimadii Maanta waxa ay Rasaas ku fureen Ciidamo Ka tirsan Hay’adda Nabad Sugida Qaranka. Rasaastaasi Kooxaha Hubeysan ay ku fureen Mooto sida la sheegay ay wateen Labo Askari oo ka tirsan Hay’adda Nabad Sugida dowladda Soomaaliya oo sida la sheegay mid ka mid ah uu yahay Sarkaal ,waxaana inta La xaqiijiyay Rasaastaasi ku dhintay 1 Askari halka mid kalana uu dhaawac ka soo gaaray ,iyadoo Labadooduba la geeyay Saldhiga degmada Yaaqshid ee Gobolka Banaadir. Goob Joogayaasha ayaa intaasi kudaraya in markii Kooxaha Hubeysan ay Rasaasta Huwiyeen Ciidamadaasi ka tirsan Nabad Sugida Mootada oo la dhacday kadib uu jiiray Gaari nuuca dadweynaha qaada oo la sheegay isagu qudhiisa in uu ka baxsanayay Rasaasta ay soo Fureen kooxahaasi Hubeysnaa oo aan weli la shaacin heybtooda. Goobta ay shaqaaqadu ka dhacday ayaa La sheegay in durbadiiba ay Gaareen Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya kuwaasi oo billaabay baaritaanno ku aadan Kooxihii ka dambeeyay weerarkaasi. Lama Shaacin weli Cid lagu soo qabtay Howl galladaasi ay Ciidamada dowladda ay ku baarayeen Kooxihii ka dambeeyay dilka Askar ka tirsan Hay’adda Nabad Sugida dowladda Soomaaliya somaligov.net/
Posted on: Tue, 18 Jun 2013 12:18:04 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015