WARARKA DOWLADDA SOOMAALIYA EE MAANTA Moqdisho Isniin, November - TopicsExpress



          

WARARKA DOWLADDA SOOMAALIYA EE MAANTA Moqdisho Isniin, November 11, 2013 Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Raiisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa mar kale soo kala dhex galay khilaaf cusub oo ku saabsan is bedelka Xukuumada, iyadoo khilaafkan si aad ah looga dareemay xafiisyada labada Masuul. Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heshay Jowhar ayaa sheegaya in kala aragti duwanayaasha labada dhinac ay aad u xoogan tahay, gaar ahaan arrinta is bedelka Xukuumada. Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu dalbaday in is bedel guud uu dhaco, sida Raiisul Wasaaraha iyo macal Xukuumada inay meesha ka baxaan, oo uu Raiisul Wasaaruhu is casilo, halka Raiisul wasaarahana uu doonayo in Xukuumada isbedel ku sameeyo. Ilo wareedyada ayaa sheegaya in Raiisul Wasaaraha uu diiday dalabka Madaxweynaha ee ahaa inuu is casilo, si uu is bedel u dhaco, iyadoo arrintan ay aad u kala fogeysay xafiisyada labada dhinac. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Beesha Caalamka ay ku canaanatay dowladda Soomaaliya is bedel laaanta Xukuumada, iyadoo muddo afar bilood la sugayo isku shaandheyn horay madaxda ugu dhawaaqeen in Xukuumada lagu sameynayo, balse taas ay wali dhici ladahay. Raiisul Wasaaraha ayaa todobaadkii hore u gudbiyay Madaxweynaha liiska xubno ka tirsan Golaha Wasiirada ee uu isku shaandheeyay, hase ahaatee Madaxweynaha ayaa dib u soo celiyay. Wararka qaar ayaa sheegaya in liiska uu gudbiyay Raiisul Wasaaraha oo tira ka laba jeer lagu soo celiyay uu ka saaray Faarax C/qaadir Wasiiru dowlaha Madaxtooyada oo aad ugu dhow Madaxweyne Xasan Sheekh. Khilaafka Madaxweynaha iyo Raiisul Wasaaraha ayaa laga yaabaa in saameyn ballaaran uu ku yeesho heyadaha dowladda dhexdooda, iyadoo ay soconayaan kulamo ay si kala gaar gaar ah ula leeyihiin Xildhibaanada Baarlamaanka. Si kastaba ha ahaatee khilaafkan ayaa noqonaya kii u horeeyay oo sanad kadib soo kala dhex gala Madaxweynaha iyo Raiisul Wasaare Saacid, iyadoo dhowaan Raiisul Wasaaruhu mar uu hadlay uu beeniyay wararka sheegaya inuu is casilayo, isla markaana xilkiisa uu ku eg yahay sanadka 2016. Moqdisho Isniin, November 11, 2013 I Wasiirka Arrimaha gudaha Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed ayaa ku baaqay shir dib u heshiisiin oo loo qabanayo beelihii ku dagaalamay duleedka bari ee magaalada Jowhar. Wasiirka oo shalay kulan la qaatay xildhibaanada baarlamaanka ee ka soo jeeda Gobolka Shabellaha Dhexe iyo Maamulka Gobolka ayuu kala hadlay colaadaha ka soo cusboonaaday duleedka Jowhar iyo xaaladaha fatahaadaha. C/kariin Guuleed ayaa sheegay in ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda inay kala dhex galayaan labada beelood ee ku dagaalamaya deegaanada bariga Jowhar, isagoo labada beel ugu baaqay inay qaataan heshiis xabad joojin. Waxaan labada beelood ee walaalaha ugu baaqeynaa inay qaataan heshiis xabad joojin ah, waxaa fareynaa ciidamada AMISOM iyo ciidamada dowladda inay kala dhex galaan labada dhinac oo xabad joojinta ay dhaqan geliyaanayuu yiri C/kariin Xuseen Guuleed. Wasiirka Arrimaha gudaha ayaa sheegay in shirka dib u heshiisiinta loo qabanayo labada beelood uu wajigiisa koowaad ka dhici doono magaalada Muqdisho, halka wajigiisa labaad uu ka dhici doono Gobolka Shabellaha Dhexe. Labada beelood ee wada dega magaalada Jowhar ayaa dhowr bilood ka hor la kala dhex dhigay heshiis xabad joojin ah, inkastoo lagu eedeeyay mid ka mid ah labada beelood inay xabad joojinta jebisay. Dagaaladii afartii maalmood ee u dambeeyay ka dhacayay duleedka bari magaalada Jowhar ayaa sababay in in ka badan 20-ruux ay ku dhintaan, boqolaal qoysas ka barakacaan tuulooyin ay degenaayeen, kadib markii la gubay. Moqdisho Isniin, November 11, 2013 Iyadoo muddo todobaad ku dhow dagaal beeleedyo lagu hoobtay ay ka socdeen degaano ku yaala bariga magaalada Jowhar ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay kulan looga hadlayey joojinta dagaalkaas oo ay iskugu yimaadeen wasiirka arrimaha gudaha iyo xildhibaanada ka soo jeeda gobolka Sh/dhexe iyo maamulka gobolka. Kulankan ayaa lagu lafa guray qaabka ugu haboon ee loo joojin karo dagaal beeleedyada ka socda duleedka magaalada Jowhar oo sababay dhimashada iyo dhaawaca dad tiro beelay iyo tuulooyin fara badan oo dab la qabadsiiyey. Xildhibaan Maxamed Cumar Ceymoy oo ka mid ah xubnaha ka qeyb galay kulankaas ayaa sheegay in la isla gaaray dhowr qodob oo ay ka mid yihiin in labada dhinac ay joojiyaan dagaalka iyo xabada, in ciidamada AMISOM ay kala dhex galaan maleeshiyada labada dhinac, in shir dib u heshiisiin ah loo qabto labada beelood kaasoo wejigiisa hore uu ka dhacayo Muqdisho kan labaadna Jowhar. Mar wax laga weydiiyey xildhibaanka sababta ciidamada dowlada aysan u dhex geleynin labada beelood oo ciidamada AMISOM kaliya loogu soo koobay ayuu sheegay in qaar ka mid ah ciidamada dowlada ay ka qeyb qaateen dagaalka iyagoo la safan hal beel sidaas awgeedna looga joojiyey maadaama beesha kale ay ka qabto xasaasiyad ku saabsan ineysan dhexdhexaad aheyn. Wasiirka arrimaha gudaha ee xukuumada Somalia X/kariin Xuseen Guuleed oo kulankaas ka hadlay ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay colaada soo laalaabatay ee labada beelood, isagoo ugu baaqay iney joojiyaan dagaalka kana shaqeeyaan nabada iyo horumarka. Moqdisho Isniin, November 11, 2013Madaxmeynaha Dowlada Jubaland Axmed Maxamed Islaam oo wali ku sugan Muqdisho ayaa maanta Diyaarad khaasa kasoo qaadeysaa wuxuuna ku wajahan yahay Magaalada Nairobi, halkaasoo uu kula kulmi doono Dowlada Kenya. Waxaa iyana iminka Nairobi ku sugan oo Madaxweynaha uga horeeyey Siyaasiyiin ka tirsan Muumulka Jubaland oo uu ka mid yahay Prof. Gaandi. Madaxweyne Axmed Madoobe marka uu dhamaysto booqashada uu maanta ku imanayo Kenya wuxuu u duuli doonaa Maalmo ka dib Magaalada Kismaayo. Waraka safarka Madaxweynaha oo ay Puntlandi ka heleen illo Dublamaasiyadeed ayaan sharixin ujeedada safarka Nairobi ee Madaxweyne Axmed Madoobe. Puntlandi Kismaayo Jowhar Isniin, November 11, 2013 Odayaal iyo waxgaradkii ku baxay Dagaal beeleedkii ka taagnaa deegaano dhaca duleedka Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegay in ay ku guuleeysteen in ay xabad joojin si Ku Meel Gaar ah ay u dhax dhigaan labadii dhinac ee dagaalamay. Xaaji Haaruun Xaaji Nuur oo kamid ah odayaashi ku baxay deegaanada dirirtu ka taagneed ee doonayey in la xaliyo dagaalka ayaa u sheegay Warbaahinta ee magaalada Muqdisho in ay ku guuleeysteen in deegaanada Zabuun iyo Labawaab, Geedo Bargaan Maleeshiyaadkii ku dagaalamay in ay kala dhex dhigeen xabad joojin si kumeel gaar ah. Sidoo kale waxaa uu sheegay in si rasmi ah ay ugu guuleeysteen in ay joojiyaan xiisadii colaadeed ee taagneed, waxaana uu sheegay in dib gogol nabadeed loo dhigi doono, balse haatan ay joojiyeen oo kaliya dagaaladii si ku meel gaar ah. Deegaanada Zabuun iyo Labawaab, Geedo Bargaan ayaa waxaa ay kamid ahaayeen deegaano maalmihii ugu dambeeyay ay ku dagaalamayeen labo maleeshiyo Beeleed, kuwaasi oo xiisadoodu mudo ay soo taagneed.
Posted on: Mon, 11 Nov 2013 08:22:36 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015