WARARKA DOWLADDA SOOMAALIYA EE MAANTA Moqdisho: Jimco Agoost 2, - TopicsExpress



          

WARARKA DOWLADDA SOOMAALIYA EE MAANTA Moqdisho: Jimco Agoost 2, 2013 Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Max’ud Axmed Nuur Tarsan oo ka hadlayay Banaanbax looga soo horjeeday weerarkii Ismiidaamin oo Al Shabaab ay ku qaadeen Dhismo Magaalada Muqdisho ay ka degnaayeen diblumaasiyiin Turki ah ayaa sheegay in Odayaasha dhaqanka ku sugan Muqdisho iyo siyaasiyiinta ay Masuul ka yihiin falalka Amni darri ee ka jira Muqdisho. Mudane Tarsan ayaa sheegay in Waxgaradka Soomaaliland iyo Puntland ka soo jeeda ay iyagu abuureen Nabad gelyo kadib markii ay wacyi gelin sameeyeen taa bedelkeedna kuwa Muqdisho ay yihiin wax uu ugu yeeray damiir laawayaal , gacansaar dhowna la leh Ururka Al Shabaab. Sidoo kale guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa isagoo kor u haaya Calanka Turkiga waxa uu cod dheer ugu baaqay shacabka Muqdisho in la difaaco Muwaadiniinta Turkiga ee ku sugan dalka oo uu sheegay in ay Mashaariic horumarineed ka sameynayaan dalka. Al Shabaab ayaa dhawaan weerar ismiidaamin ah ku qaaday diblumaasiyiin Turki ah iyagoo ku hanjabay in ay sii wadi doonaan weerarada ka dhanka ah Turkiga ku sugan Muqdisho. Beledweyne: Jimco Agoost 2, 2013 Iska Hor’imaadyo Khasaaro geystay ayaa xalay waxa ay ka dheceen Magaalada B/weyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan. Xalay abaaro 12 kii saqda dhexe ayaa iska hor’imaad khasaaro sababay waxa uu ka dhacay galbeedka Magaalada B/weyne kaas oo u dhexeeyay Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo Kuwa Ururka Al Shabaab. Iska Hor’imaadka ayaa yimid kadib markii kooxo ka tirsan Al Shabaab ay soo weerareen fariisimo Ciidanka dowladda ay ku leeyihiin Galbeedka Magaalada , iyadoo la isku adeegsaday hubka Nuucyadiisa kala duwan . Dad deegaanka ah oo Shabelle la hadlay ayaa sheegay in iska Hor’imaadku uu soconayay Muddo saacado ah inkastoo aan la’ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay iska hor’imaadkaas xalay ka dhacay duleedka Magaalada B/weyne. Sikastaba deegaanada lagu dagaalamay ayaa saaka xaaladoodu tahay mid degan iyadoona halkaasi ay Howl gallo ka sameynayaan Ciidamada dowladda iyo Kuwa AMISOM. Kismayo: Jimco Agoost 2, 2013 I Wararka ka imaanaya degmada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya maanta halkaasi inuu gaaray Madaxwaynaha Maamulka Jubbaland Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madobe) oo bilihii ugu danbeeyay ku sugnaa magaalada Nairobi. Madaxwaynaha ayaa waxaa kusoo dhaweyay garoonka diyaaradaha Axmed Gurrey Madaxwayne ku xigeenka Jubbaland iyo saraakiil ka socotay Kenya. Axmed Madoobe ayaa la sheegay in inta uu kismaayo ka maqnaa in uu wada hadalo kula jiray dawlada dhaxe ee dalka ee uu hogaamiyo madaxwayne Xassan Sheikh Maxamuud waxaana sidoo kale la sheegay in uu beesha caalamka u soo bandhiagayay fikirka maamulkisa ee Dhawaan lagu dhisay degmada Kismaayo. Axmed Madoobe ayaa Magaalada Kismaayo bilo ka hor ka tagay Asago hogaaminaya wafdi balaran oo garaya dhowr iyo toban waxaana manta uu magaaladaasi ka soo dagay asago aysan cidna safarkiisa ku wehelin.
Posted on: Fri, 02 Aug 2013 08:41:14 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015