WARARKA DOWLADDA SOOMAALIYA EE MAANTA Moqdisho November 13, 2013 - TopicsExpress



          

WARARKA DOWLADDA SOOMAALIYA EE MAANTA Moqdisho November 13, 2013 Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa galabta isugu yimidi shir aan caadi ahayn kaas oo looga hadlayey Duufaanta ku dhufatay deegaano balaaran oo ku yaala Puntland taas oo dhalisay khasaaro lixaad leh, waxaana shir gudoominayey Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid. Dufantaan ka dhacaday xeebaha Puntlanad ayaa bilaabatay Axadii la soo dhaafay, waxaana laga cabsi qabaa inay sii socoto ilaa barito, iyadoo waxyeelo xoogan u gaysatay dhul gaaraya ilaa 700km oo dhanka xeebta ah, waxayna soo gaartay deegaamo ku yaala laamiga isku xira Garoowe iyo Boosaaso. Ra’iisul Wasaaraha saacid oo saxaafada la hadlay markii uu soo idlaaday kulanka Gollaha ayaa sheegay in uu tacsi tiiraanyo leh u dirayo qoysaska dadkii ku dhintay Dufantaas, uguna baaqay beesha caalamka in ay gurmad deg deg ah la soo gaarto deeganada ay Duufaantu ku dhufatay. “Waxaan halkaan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa qoysaska dadkii ku geeriyooday iyo kuwii xoolahoodu ku dhamaadeen Dabaylaha iyo Roobabka wada socday ee ku dhuftay dhul balaaran oo ku yaala Puntland. Anigoo aad uga xun kuna hadlaya magacayga, kan Xukuumadda iyo kan shacabka Soomaaliyeed waxaan diyaar la nahay inaan dhibka la qaybsano reer Puntland, ka xukuumad ahaana waxaan qayb weyn ka qaadanaynaa sidii loogu gurman lahaa dadka ku waxyeeloobay Dufaantaas. 24-kii saac ee la soo dhaafay waxaan labo jeer xariir la sameeyey Madaxweynaha Puntland si aan wax badan uga ogaado halka ay marayso xaaladu. Damqashada naga haysa daraadeed waxaan galabta isugu nimid shir deg deg ah oo aan uga xaajoonayno sidii gurmad loogu fidin lahaa” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid oo dhanka kalana sheegay in waxa meesha ka dhacay ay dowladda Soomaaliya u aqoonsantahay Masiibo Qaran, waana ka xunahay inay sii socoto. Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Cabdikarin Xusein Guleed oo faah-faahin ka bixinayey qaabka loo wajahayo masiibadaan ayaa carabka ku adkeeyey in dowladda Soomaaliya ay kaalin muuqata ka qaadanayso dhibaatada dabiiciga ah ee ka dhacday Puntland. “Dufaanta waxaa ka dhashay khasaaro aad u balaaran waxayna ku dhufatay laga soo bilaabo Laasqoray ilaa Hobyo, waxaana ilaa hada la xaqiijiyey inay ku dhinteen 101 qof, waxay saamayn ku yeelatay dad gaaraya 50,000, ilaa 5,000 oo ka mid ahna waxay ku go’doonsan yihiin deegaamada ay Duufaantu wax yeelaysay, iyadoo laga cabsi qabo in khasaaruhu intaas ka sii bato maxaa yeelay dad badan ayaa ku go’doonsan Tuuloyin badan oo ku yaala xeebta” ayuu yiri Wasiirku Ugu danbaynti golaha ayaa ka soo saaray baaq ku aadan beesha caalamka, iyo umadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka dibadiisa iyo gudihiisa in ay gurmad deg deg ah la soo gaaraan dhibaatada ka dhalatay Dufaantas. Baaqa Golaha 1. In Tacsi Tiiraanyo leh loo diro dhamaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka reer Puntland oo masiibadaan ku habsatay. 2. In Golluhu ku dhawaaqay waxaa meeshaas ka dhacay in ay tahay Masiibo Qaran, taas oo macanaheedu yahay in ay waajib tahay in dowladda Soomaaliya, Shacabkeeda iyo Beesha Caalamku ay u gurmadaan dhibaatada ka dhacday meeshaas. 3. In Wafti Heer Wasiir ah loo diro Puntland si ay u soo qiimeeyaan dhibaatoyinka ka dhashay duufaantaas, loolana qaybsado dhibka soo gaaray. 4. In dowladda Fedraalka Soomaaliya ay ugu deeqday dadka dhibaatadu soo gaartay lacag gaaraysa $1,000,000 (Hal Milyan oo Dollar), iyadoo shacabka kale ee Soomaaliyeedna loogu baaqay in ay deg deg u soo gaarsiiyaan gar-gaar kaas la mid ah. 5. Golluhu wuxuu isku raacay in la magacaabay gudi heer Qaran ah oo ka kooban · Wasiirka Arrimaha Gudaha · Wasiirka Maaliyadda · Wasiirka Adeega Bulshada · Wasiirka Gaashaandhiga · Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho · Laba Xubnood oo ka mid ah Ganacsatada Soomaaliyeed · Iyo Xubin ka mid ah Bulshada Rayidka ah Gudigaan ayaa waxaa uu noqonayaa wajibaadkiisa in ay abaabulaan kaalmooyinka ka imanaya shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dalka dibadiisa iyo gudihiisa. Sidoo kalana waxay qaylo dhaan gaarsiiyaan beesha caalamka sidii ay uga bixin lahayd jawaab deg deg ah masiibada ka dhacaday Puntland. —DHAMAAD— Addis Ababa November 13, 2013 Dowladda Itoobiya ayaa markii ugu horeysay waxay faahfaahin ka bixisay sababta ay ciidamadeeda ugu biirayaan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ay ka wadaan gudaha dalka Soomaaliya, waxayna sheegtay inay tahay oo keliya sidii ay Al-shabaab uga saari lahaayeen guud ahaan dalka Soomaaliya iyo dardargelinta dagaalka lagula jiro. Wasiirka gaashaandhigga Xukuumadda Itoobiya oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in sababta ay ciidamadooda ugu biirayaan kuwa AMISOM ay tahay inay ciidamadooda sii dardargeliyaan la dagaalanka Xarakada Al-shabaab, wuxuuna intaasi ku daray inay doonayan in marka ay AMISOM ku biiran ay Al-shabab ka saaraan Koonfurta Somaliya. Wasiirku waxaa kale oo uu sheegay in ciidamadooda ay horey uga sii socon doonaan deegaanada ay hadda joogaan dagaalyahanada Al-shabab, wuxuuna xusay in guud ahaan Soomaaliya ay ka saari-doonaan sida uu hadalka u dhigay, isagoo sheegay inay u diyaargaroobeen dagaal adag oo ay la galaan Al-shabaab. Dhinaca kale afhayaheen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya oo lagu magacaabo Dina Mufti ayaa isna sheegay inay bilaabayaan qorshe la isugu dhafayo ciidamadooda iyo kuwa kale ee AMISOM, wuxuuna hadalka Itoobiya uu imaanayaa iyadoo dhawaan ay dowladda Itoobiya shaacisay inay ciidamadeeda Soomaaliya jooga ku biirineyso howlgalka nabad ilaalinta ee ay ciidamada AMISOM ka wadaan gudahaSomaliya. UNSC November 13, 2013 Golaha amaanka ee Qaramada midoobe ayaa isku raacay in 4,400 oo ciidamo African ah Somalia lageeyo ku waa oo gaarsiinaya tirade ciidamada AMISOM ee joogta somalia22,100 ujeedkooduna uu yahay ladagaalanka Al-shabab. 15 xubnood oo kamid ah golaha ayaa codkooda siiyay in lasiyaadiyo ciidamada AMISOM ee jooga Somalia, sidoo kalana waxaa macquul ah in lasiyaadiyo waqtiga ay ku sii sugnaan doonaan Somalia. Tirada ciidamada AMISOM waa laga siyaadin doonaa tirade hada ay yihiin oo ah 17,700 oo cadad ahaan lagaarsiinayo 22,126,ciidamadan dheeraadka ahna waxay Somalia imaandoonaan sanada soosocota ee 2014. Ciidamada AMISOM ayaa dowladda Soomaaliya ka caawisay iney caasimada iyo Gobolada dalka ah kala wareegto Al-shabab mudo dhank 18 bilood ah, balse dagaalyahanada Xarakada Al Shabaab eek a tirsan ururweynaha Al Qaacida ayaa la’aamisanyahay iney ku jiraan xaalad weeraro lamid ah midkii kadhacay westgate ay qaadikaraan weerarkaa oo ay kudhinteen 67 ruux. Dhawaan weeraradii ay Al-shabab qadeen waxay muujineeysaa iney Qatar sameyn karaan ayuu yiri safiirka qaramada midoobe ufadhiya Britain Mark Lyall Grant, waxaana uu sheegay in loobaahanyahy in AMISOM hor u socod ay sameeyaan. Ciidamada AMISOM ka socda ee ku sugun Somalia ayaa waxaa kamid ah dowladdaha ay ka kala socdaan Uganda, Burundi, Djibouti, Sierra Leone iyo Kenya,ayadoo macquul ay tahay in dowlada Ethiopia ciidamo ku soo biiriso howlgalka AMISOM. UK November 13, 2013 Dowlada ingiriiska waaxdeyda hormarinta arimaha gudaha ayaa Somalia sanadkan kutaageeri doonta lacag gaareeysa 13 billion oo KSh oo u dhigan tan $15,294,118 . Faa’iidada maalkalintan dowlada Britain ayaa ah in ay caawinaat ay unoqoto qaxootiga somaalida ee Kenya ku sugan kuwaa oo doonaya ku soo laabashada dalkooda . Safiirka Ingiriiska ufadhiya Somalia Neil Wigan ayaa sheegay iney dowlada UK ay garab taagantahay qaxootiga somalida islamarkaana caawinaada qaxootiga ay siiso sii wadi doonto dowladiisa si xushmadi ay ku dheehantahay. Sidoo kalle safiirka ayaa soo dhaweeyay saxiixii sadax geesoodka ahaa ee ay wada saxiixdeen dowladaha Kenya iyo Somalia iyo hay’ada qaramada midoobe uqaabilsan qaxootiga ee UNHCR ee ujeedkiisu ahaa in dib looceliyo cid walba oo qaxooti ku ah dalka Kenya ee Soomaaliyeed. Dr. Christian Turner oo ah safiir sarre kana soo jeeda Britain ayaa isaguna amaanay saxiixan kuna tilmaamay mid taariikhi ah wuxuuna tilmaamay in dowlada UK ay taageereeso heshiiskan si loogaaro in qaxootigu iyagu ay go’aansadaan ku laabashada dalkooda . Dowlada ingiriiska waxa ay kamitahay dowladaha taageerada siiya ha’adaha ay ku jirto UNHCR oo ah hay’ada qaramada midoobe uqaabilsan qaxootiga iyo hay’ada cunada aduunka ee WFP, waxayna intii udhaxeesay sanadii 2012-2014 ku qarash gareeysay qaxootiga Somaliyed lacag dhan KSh 5 billion.
Posted on: Wed, 13 Nov 2013 08:18:09 +0000

Recently Viewed Topics




© 2015