WARARKII UGU DEMBEEYEY EE SOOMAALIYA MAANTA Muqdisho: Isniin - TopicsExpress



          

WARARKII UGU DEMBEEYEY EE SOOMAALIYA MAANTA Muqdisho: Isniin Luulyo 15, 2013 (Wararka Dowladda):Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaliya Nicholas Kay ayaa soo dhaweeyay dib u dhigista Doorashooyinka Maamul gobaleedka Soomaliyeed ee Putland. Mr. key ayaa ku tilmaamay Go’aanka dib loo gu dhigay Doorashooyinka la filayay in ay ka qabsoomaan Maamulka Puntland arin geesinimo, oo aqli ku dheehan, kadib markii Rabshado iyo iska Hor imaadyo ay ka qarxeen maalmihii ugu dambeeyay qaybo ka Tirsan Ismaamul gobaleedka Soomaliyeed ee Puntland. Niclos Kay, ayaa sidoo kale tacsi tiiraanyo leh u diray dhamaan Dadkii ku dhintay Iskahor imaadyadii ka dhacay qaybo kamida Maamul Gobeleedka Putland. Kay, ayaa sidoo kale cambaareeyay Rabshadihii maalmihii lasoo Dhaafay ka socday deegaano ka tirsan Maamul gobaleedka Putland, kuna dhiira galiyay dhamaan dhinacyada isku hay Siyaasada in ay si wada jir ah u wada shaqeeyaan si loogu xaliyo Dhibaatooyinka ka jira deegaanada Putland iyadoo la adeegsanayo Hanaan dimuqraadi ah oo Nabad ku dhisan. Kampala: Isniin Luulyo 15, 2013 (Wararka Dowladda): Kadib kulamo gaar gaar ah oo ay Magaalooyinka Kampala iyo Nairobi ku yeesheen Siyaasiyiin kala duwan ayaa qaarkood Dowladda federaalka Soomaaliya ku eedeyay in ay ka gaabisay waxyaabihii loo igmaday. Dr Cabdi Raxmaan Macalin Baadiyow oo ka mid ah Siyaasiinta Soomaaliyed oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay in Dowladda Federaalka Soomaaliya waxyaabaha qaar ay ku yeelaneyso dhaliil isagoo Carabka ku adkeeyay in ay ka gaabisay Dowladdu waxyaabihii loo igmaday oo uu Ammanku ugu horeeyo. Dhinaca kale Dr Baadiyow ayaa waxa uu tilmaamay in arimo badan oo loo baahnaa in ay Dowladda wax ka qabato aysan wali wax ka qaban hayeeshee ay SiyaasiyiintaSoomaaliyeed dib kasoo Cadeyn doonaan sida uu hadalka u dhigay. Dhaliisha ay Siyaasiinta soomaaliyeed qaarkood ay u jeedinayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay imaaneysa Xilli maalmihii ugu dambeeyay ay qaraxyo ka dhacayeen Magaalada Muqdisho kuwaasi oo sababay qasaaro isugu jirta Dhimasho iyo Dhaawac oo soo gaaray Shacabka Soomaaliyeed. Moqdisho: Isniin Luulyo 15, 2013 (Wararka Dowladda): Xildhibaanada Barlamanka DF Somalia ayaa maanta 15 July,2013 dib u celiyay hindise sharci-yeedka Gardoon oo ay soo gudbisay wasaarada Cadaalada ,diinta iyo arrimaha awqaafta Somalia. Gudoomiyaha guddiga garsoorka iyo arrimaha diinta ee Barlamanka Aadan Sadiiq ayaa barlamaanka Soomaaliya ka hor aqriyay hindise sharciyeedka, waxaana cod loo qaaday ka hor yimid 106 mudane, iyadoo ay ogolaatay 49 xildhibaan halka Toban xildhibaan ay ka aamustay go’aanka hindisaha lagu diiday. Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Barlamanka Jaylaani Nuur Iikar oo shir gudoominayay ayaa codeynta ka dib sheegay in guddiga garsoorka ay celiyeen hindisaha Gardoon, isla markaana uusan meelmari karin. Fadhigan oo aan caadi ahayn ayaa horay mudanayaashu ugu ansixiyeen sharciyo kale oo ay soo gudbisay xukuumada ka dib markii ay wasiiradu soo meel-mariyeen. Moqdisho: Isniin Luulyo 15, 2013 (Wararka Dowladda): Hay’adda Caalamiga ah ee u dooda xoriyadda saxaafadda caalamka ee Suxufiyiinta aan Xuduuda Laheyn ee RSF ayaa maanta wal-wal ka muujiyay khatarta weyn ee ku timid xoriyadda saxaafadda Soomaaliya kadib markii golaha wasiirada Soomaaliya ay meel mariyeen 11kii July hindise sharci oo lagu doonayo in lagu nidaamiyo saxaafadda Soomaaliya. Qodobada sharcigan ayaa waxaa ka mid ah in maxkamadda awood loo siinayo in ay amarto in suxufiga uu soo bandhigo il-wareedkiisa, taasoo ah xadgudub cad oo ka dhan ah xoriyadda saxaafadda. Meel marinta ay meel mariyeen hindisahan sharciyeed, golaha wasiirada waxaa uu baylah uga tagay suxufiyiinta iyo mabaadiida aas-aasiga ah ee xoriyadda saxaafadda ayay tiri hay’adda suxufiyiinta aan xuduuda laheyn ee fadhigeedu yahay magaalada Paris ee dalka Faransiiska. iyadoo Soomaaliya ay tahay meelaha ugu khatarta badan ee suxufiyiinta caalamka, ayaa is-faafreebida ka dhalanaysa sheegista ila-wareedka waxaa ay keeneysaa in ay aamusiso suxufiyiinta Soomaaliyeed, ayay ku dartay RSF oo si weyn uga hadashay dhibaatada uu keeni karo sharcigan qabyada ah haddii uu baarlamaanka ansaxiyo. RSF waxaa ay ugu baaqday baarlamaanka Soomaaliya in uu difaaco xoriyadda saxaafadda Soomaaliya uuna si deg deg ah u diido sharcigan caburinta leh. Hindisahan Sharciyeed waxaa uu aas-aas sharci u sameynaa cadaadis xoogan oo maamulada Soomaaliyeed ay ugu hayeen saxaafadda Soomaaliyeed iyo midda shisheeye. Mid ka mid ah qodobada dareenka xoogan keenay ayaa ah erayada aan cadeyn ee ku jira hindisaha sharciyeed kuwaas oo la xiriira gafafka ay saxaafaddu gasho. Sharcigan ayaa sidoo kale waxaa uu meesha ka saaraya madax-banaanida Golaha Saxaafadda Qaranka. RSF ayaa taageersan hadal kasoo baxay Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ oo kasoo horjeestay qeybo badan oo ka tirsan hindisaha sharciyeed. Nairobi: Isniin Luulyo 15, 2013 (Wararka Dowladda):Dowlad kenya ayaa gaashaanka u daruurtay eedeyntii maalintii Shalay, ay u soo jeedisay Kooxda La socodka Xayiraadaha Saaran Soomaliya iyo Eretria, sheegtayna in ay san wax lug ku la hayn Dhoofinta Dhuxusha Sharci darada ah. Ciidamada Kenya ayaa ku tilmaamay Warbixintaasi mid aan si wanaagsan loo hubin ayna tahay Eedayn aan sal iyo raad toona Lahayn. Afhayeen u hadlay Ciidamada Kenya oo lagu magcaabo Bogita Ongeri Ayaa sheegay in aysan wax lug ah ku lahayn ka ganacsiga Dhuxusha Sharci darada ah, uguna baaqay Baarayaasha Qaramada Midoobay in ay dib u hubiyaan warbixintooda si ay u ogaadaan Xaqiiqda jirta. Axmad Islam axmad Madoobe oo sheegta Madaxwaynaha Maamulka Jubaland ayaa asagana dhankiisa beeniyay Warbixinta,kuna tilmaamay Eedayntaasi dacaayad looga golleeyahay in lagu sumcad dilo Magaca Ciidamada kenya ee ku sugan Magaalada kismaayo ee Xarun gobeleedka Jubada Hoose. Sikastaba war shalay ka soo baxay Qaramada Midoobay ayaa Ciidamada Kenya loogu eedeeyay in ay ku lug leeyihiin Dhoofinta Dhuxusha Sharci darrada ah somaligov.net/
Posted on: Mon, 15 Jul 2013 23:46:05 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015