War-saxaafadeed Shirkii Golaha Wasiiradda Gollaha Wasiirada Oo - TopicsExpress



          

War-saxaafadeed Shirkii Golaha Wasiiradda Gollaha Wasiirada Oo Warbixino Ka Dhagaystay Gudiyo Loo Kala Diray Gobolada Shabeelooyinka Muqdisho, 21, Nov, 2013..Shirka Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaaka ee Soomaaliya oo uu maanta shir guddoominayey Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa looga hadlay ammaanka guud ee dalka , colaado maalmihii ugu dameeyey ka jiray gobolada Shabeelooyinka . Golaha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya ayaa warbixin ka dhegeystay guddi wasiirro ah oo xukuumaddu u dirtay gobolka Shabeellaha Hoose, waxana guddigaasi oo ka koobnaa Wasiiradda Gaashaandhiga, Arrimaha Gudaha iyo Caddaaladdu ay sheegeen in ay la kulmeen waxgaradka dadka Shabbeelaha Hoose, iyagoona la soo qaybsaday dareenka raadkii uu reebay iska-hor-imaadkii halkaasi ka dhacay. Guddiga Wasiiradda ah ayaa sheegay in ay isku afgarteen bulshada Shabeellaha Hoose In la nabadeeyo gobolka, islamarkaasna la abuuro jawi nabadeed iyo kalsooni ay ciidamada dowladda iyo dadka degaanku ku wada shaqayn karaan. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay dagaalada soo noqnoqday ee halkaasi ka dhacay , loona baahan yahay in laga wada shaqeeyo Soomaaliya oo nabad ah oo horumar ku tallaabsanaysa. “ Aaad ayaan uga naxay dagaalada halkaasi ka dhacay, maanta ma joogno xilligii aan dad ku khasaarin lahayn dagaalo aan qiimo weyn ugu fadhiyin qarankeena oo ka soo kabanaya colaado, maanta waxaa innala gudboon in aynu afka qorigeenu u wareejino dhinaca Al-shabaab oo ah cadawga ummadda.Maanta aan ka wada shaqayno Soomaaliya oo nabad ah oo samaynaysa horumar” Sidaasi ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid. Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Saacid ayaa uga digay saxafiyiinta in ay buunbuuniyaan colaadaha u dhexeeya beelaha Soomaaliyeed, taa beddelkeedana loo baahan yahay in laga shaqeeyo nabadda iyo horumarka. “ Saxafiyiinta Soomaaliyeed waxaa looga baahan yahay in ay qaataan kaalintooda kaga aadan nabadaynta dalka iyo horumarkiisa, waa in aan la buunbuunin colaadaha beelaha. Dhamaanteen aan ka wada shaqayno Soomaaliya oo nabad ah oo xoogga aan saarno wararka dhinaca horumarka iyo nabadda ah” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu Sidoo kale, Golaha Xukuumaddu waxa uu ka hadlay colaadihii ka jiray gobolka Shabeellaha Dhexe, waxana warbixin laga sugayaa guddi arrintaasi loo xilsaaray, iyadoo goluhu sheegay in ay meel fiican marayaan waanwaantii u dhexeysay beelihii halkaasi ku dagaalamay. Ugu danbayntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa tacsi u diray shacabka iyo dowlada Djabouti “Waxaan halkaan tacsi uga dirayaa askarigii ka dhintay ciidamada walaalaheen ah ee” Hiil Walaal” ee dalka Djibouti oo inooku yimi in ay inna garab istaagaan xilligan adag.Weerarada noocaasi ah waxa ay muujinayaan sida dagaalka dhulka ah loogu jebiyey kooxda Sharka iyo Argagaxisada ee Al-shabaab” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid ---DHAMAAD--- Diraac Salaad fasgaase Communication Director Office of the PM Mogadisho-Somalia [email protected]
Posted on: Thu, 21 Nov 2013 11:54:41 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015