Waxa tumaya lix farood, waxayse ka xarago iyo danan wacan yihiin - TopicsExpress



          

Waxa tumaya lix farood, waxayse ka xarago iyo danan wacan yihiin muusig ay isugu yimaaddeen lix qof. Dadka qaarkood baa laxan iyo muusig ku sheega dhawaaq kasta, kanise ka duwan. Waxaad mooddaa in xadhkaha uu tumayo ee kabanka iyo xididdada quluubtu ay is isa sudhan yihiin. Dhalinyarooy aan dhiidhino, Dhulka maqan aan xorayno. Waa ereyo ka mid ah heestii u horraysay ee uu laxan u sameeyo sanadkii 1964-kii. Laga soo bilaabo wakhtigaa, Jiim Sheekh Muumin wuxuu ka mid ahaa foollaadka mullaxanka heesaha Soomaalida. Nuxurku maaha in kaban la tumayo, waase sida loo tumayo! Soomaalideenu waa xabaal-amaan qofka xusta oo amaanta marka uu god galo. Waxaan u mahadnaqayaa saaxiibkay Abdulkadir Farah Dulyar oo waraysigan taariikhda iyo xuskaba ah ka reebay Jiim Sheekh. youtube/watch?v=alALIY0BTXg
Posted on: Mon, 02 Dec 2013 09:51:28 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015