Waxaa xigay kuwo noqday Pro-Ethiopia kuwaas oo dalka burburiyay - TopicsExpress



          

Waxaa xigay kuwo noqday Pro-Ethiopia kuwaas oo dalka burburiyay aaminsanaana in dalka Somalia la hoosgeeyo Ethiopia, maantana waxaan arkeeynaa rag Pro-Kenya ah oo jecel in dalka aay nala wadaagto Kenya iyada oo la ogyahay in Kenya aay xornimadeeda qaadatay 1963, Soomaalida xiligaa waxaa aay ka mid aheeyd dalalkii u ololeeynayay sidii Kenya aay uga xoroobi laheeyd gumeeysiga cad. Waxaa ilaah mahadii ah in Muqdisho shacabka degani aay ka gudbeen colaada una gudbeen in aay nabad kuwada-noolaadaan,waxaa farxad ah in horumarka caasimada Muqdisho aay jiraan rag ka soo horjeeda diidana nabada iyo nimcada ku soo saa-iday Muqdisho, ragaasi waa kuwa adeegsanaya Geedi jecelna in aan dib ugu noqono mugdi iyo burbur. Geedi markii lagu meel-gaaray ee uu Muqdisho kula soo hogaanshay C/aahi Yusuf Ethiopia ayaa xilka laga qaaday welise ma garan xaqiiqda ,waxaa uu ku jiraa riyo aanan run noqoneeyn marnaba, waxaanse ku faraxsanahay in Dr.Baadiyow gartay xaqiiqda iyo shaxda iskaashato ujeedobadan kana muuqan xafladaa labaad ee Kenya lagu qabtay. Waxaa mudan in Dowlada Somalia aay ogolaato in Muqdisho aay ka furato xafiis aay leedahay Maxkamada Caalamiga ee aduunka ICC si Nin walba oo qeeyb ka noqday xasuuqa dadka iyo burburkii dalka looga soo gudbiyo si cadaalada loo hor-keeno. Welwel iyo welbahaar ayaa rag dheexaa ku dhici lahaa, waxaa aay ila tahay in dagaal Ooge kastaa uusan ka dhex muuqan laheeyn xafladaha lagu burburinayo dowlad shacabkeeda raali ka yahay. Ma-jeceshahay Akhristow in laguu adeegsado Shacab Rajo nabdeed Riyo wanaagsan arkaya in aad burburiso? Aniga Maya, Ummada Soomaali waa aay diiday.
Posted on: Fri, 16 Aug 2013 13:05:25 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015