Xili lasoo gaba gabeeyey hawlgaladii ka socday xarunta Westgate ee - TopicsExpress



          

Xili lasoo gaba gabeeyey hawlgaladii ka socday xarunta Westgate ee magaalada Nairobi ayaa waxaa soo baxaya sheekooyin badan oo ay soo bandhigeen dadkii sabtidii kasoo baxsaday xarunta Westgate markii ay halkaasi qabsadeen kooxda Al Shabaab. Mid kamid ah sheekooyinka ay warbaahinta sida weyn uga hadlayaan ayaa waxaa kamid ah Sheeko dhexmartay Cunug yar oo 4 sano jir ah, kadib markii ay si fool ka fool ah isaga horyimaadeen kooxda Hubeysan. Cunugan oo lagu magacaabo Elliot Prior ayaa ah 4 sano jir wuxuuna la socday hooyadiis iyo walaashiis oo ah 6 sano jir. Wiilkan, hooyadiis iyo walaashiis ayaa ku sugnaa dukaanka weyn ee Nakumaat ee ku yaal Westgate, xiligii ay goobtaasi soo galeen maleeshiyaadka hubeysan ee Al Shabaab, waxaana rasaastii ay tuurayeen halkaasi ku dhaawacmay hooyadii dhashay wiilkan oo lugta xabad ka haleeshay. Hooyadan iyo labadeeda cunug ayaa ku dhuuntay qeyb kamid ah dukaanka Nakumaat halkaasi oo ay ku jireen muddo 1 saac ah intaan halkaasi ugu iman kooxdii hubeyneyd. “…Waxay kooxdan ku dhawaaqayeen Soo baxa, hadii ay Caruur joogaan si nabad ah baad ku baxeysaan…” ayey tiri hooyada dhashay wiilkan Elliot oo sheegtay inay go’aansatay inay banaanka halkaasi uga soo baxdo iyadoo gacmaha heysata wiilka iyo gabarta ay dhashay. alshabaab-elliot2Elliot Prior oo ah wiilkan 4 sano jir ah ayaa ku yiri mid kamid ah Maleeshiyaadkii hubeysnaa ee hortaagnaa “…You Are A Bad Man…” oo micnaheedu tahay “..Waxaa tahay Nin Xun…” ninkaasi ka tirsnaa kooxda Al Shabaab oo la yaabay cunugan yar, ayaa ugu jawaabay “…I am Sorry We are Not Monsters…” oo ah “..Raali Noqo ma nihin Bahalo…” ninkaasi ayaa sheegay inuu siiyey Elliot iyo Walaashiis jakolaato (Chacolate) isla markaana ka codsaday inay iska cafiyaan oo ay ka bixi karaan meeshaasi. Hooyada dhashay labadan cunug ayaa sheegtay in mid kamid ah kooxda Al Shabaab uu ugu baaqay iyada inay Qaadato Diinta Islaamka, isla markaana iska cafiso dhankooda wixii kasoo gaaray, sida ay u sheegtay warbaahinta. Reerkan ayaa kamid ahaa dadkii kasoo baxay xarunta Westgate gelinkii danbe Sabtidii oo ahayd maalintii ay xaruntaasi galeen kooxda Al Shabaab. Maalintii Sabtida oo ay halkaasi galeen Al Shabaab ayaa ahayd maalintii ugu danbeysay oo ay halkaasi kasoo baxaan dadka shacabka ah, sadexdii maalmood ee lasoo dhaafay ma jirin cid si nabad ah uga soo baxday xarunta Westgate.
Posted on: Thu, 26 Sep 2013 13:47:03 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015