Xuquuq Intee la’eg Ayey Isku Leeyihiin Lamaanaha Isqabo “Wax - TopicsExpress



          

Xuquuq Intee la’eg Ayey Isku Leeyihiin Lamaanaha Isqabo “Wax Ka Baro Nolosha” Sep 14, 2013 - Asalamu aleykum, XUQUUQDA AY ISKU LEEYIHIIN LABADA QOF OO ISQABA Xaqa ugu horeeye oo labada qofood laga doonaayo waxa weeyaan waa in ay noqdaan labo qofood oo isjecel, oo walaala ah, oo iswanaajiya, oo isku xiran. Sababtaasu waa maxay, waxwalba waa inay ka wada hadli karaan, oo katashan karaan. Wax walba dad kamidaysan inay yihiin oo wanaag ah, xumaantana iska celin karaan, waayo intaysan isguursan walaaley ahaayeen, diinta islaamka ayaa walaaleysay, walaalnimadii Islaamka oo awal isku xiriiriya oo walaalo ku noqda lagu yiri, Waxaa ku sii korortay mid aad u cajiib badan oo isku xiraan guur ah, oo jirkoodii la’isku soo dhaweeyey. Waayo Allaah wuxuu quraanka ku yiri:“Mu’miniintu waa uun walaalo, ee wanajiya walaalihiin dhexdooda“. Iyagoo awalba halkaa ku jirey, oo maslaxada, wanaajinta dhexdooda, wax isa siinta ay ka dhaxeysey baa haddana guur siidhexmaray, marka waa inay sii laba laabaan, oo ay noqdaan dad isjecel iskuna naxariista. Waayo Rasuulka SCW wuxuu xadiis saxiixa kuyiri:“U naxriista waxa dhulka jooga, waxaa idiin naxariisanaya waxa samawaadka jooga.” Waa inay ayagu isku naxariistaan si Alle ugu naxariisto”.Dad iswanaajiya, oo wanaaga ku dadaala waa inay noqdaan. Si fiican dad iskugu xiran, ma’ahan dadka kala shakisan inay noqdaan labadaa qofood, laakiin waa dad aad iskugu xiran inay noqdaan. Arinta labaad waa in ay is’aaminaan, qof walba waa inuu kan kale aaminaa. Hadday in yar oo shaki ah kala qabaan ma wada noolaan karaan. Maalintii uu midkood guriga soo galo, oo midka kale uu wax ku tuhmo, aqalkaas burbur iyo dhibaataa ku soo food yeelatay, ilmaha aabo la’aan iyo hooyo la’aan ayaa soo qaabishay. Waa marka odayga iyo habarta kala shakiyaan, oo uu ninka ka shakiyo xaaskiisa, gabadhuna ka shakiso ninkeeda, oo ay nafsadeeda iskugu sheekeyso ninkaan dad kaluu hoos wax uga wadaa, isaguna uu uga shakiyo balaayey hoos kawadaa. Waayo labo qofood iyo sadex iyo wixii ka badanba Allaah SW ayaa micigooda ah, dadka shirkada ahna Alle ayaa micigooda ah, wax shirko noqdana waxaa ugu cajiib badan nin iyo naag isqaba. Shirkadooda hadday wanaajiyaan aqalkoodu barakuu yeelanayaa. Hadday qaa’iniin noqdaana Ilaahey dhexdooduu ka baxayaa, markaasaa burbur iyo dhibaato halkaa Alle ka bilaabayaa. Waxay aqaladu u hagaagi lahyihiin waa noocaas, la’ismaba aaminsanaba, qofba qofka kale ayuu tuhunsan yahay oo waxbuu ku tuhsanyahay.
Posted on: Mon, 16 Sep 2013 20:28:47 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015