YAAMAHA ADDUUNKU YAAB BADANAA! (2-2) Aboowayaal iyo Abaayayaal - TopicsExpress



          

YAAMAHA ADDUUNKU YAAB BADANAA! (2-2) Aboowayaal iyo Abaayayaal waad ku mahad santihiin sidaad u soo dhweyseen sheekadayda.. Waan ogahay qof walba oo idinka mid ahi inuu sheekooyin la werin karo, facyaalka loo reebi aro leeyahay, laakiin hadba waa sidii loo soo bandhigo.. Adduunyadu waa sida garan garta wareeganeysa.. Maalinba waa cayn.. Mar hore ayaa lagu misaaley hadhka labadiisa gelin.. Xaalna laguma waaro adduunyada.. Immisaa boqor ahaa oo faqiir noqday.. Immisaa faqiir boqor noqday.. Immisaa jab ku seexday oo guul ku waaberiistey.. Immisaa guul ku seexda oo jab kusoo kacay.. Immisaa faqiir fara madow ahaa oo hodon maalma isugu bedeley.. Immisaa isagoo sacabadu u buuxaan subixii dambe caydh noqday aan waxba isku furan.. Ilaahay keliya ayaa baaqi ah uunka oo dhammina waa dhamaadaan.. Walaalayaal aan sheekada cajaa ibka leh idiin sii wadee: Adduunyo wexey isa soo rog rogtoba waxaan cagaha soo dhigtay dalalkan yurub.. In kastoon dhibaatooyin badan iyo murugo soo maray, haddana marna kama quusan Rajada ilaahay.. Marna wuxuu ilaahay ii qray ma quursan.. Marna muraayada madow adduunka kuma eegin.. Waxaan had iyo goor lasoo kici jirey rajo, iyo yididiilo, cusub iyo in Ilaahay sabirka iyo wanaagga aanu marna kaa lumin.. Gurya qaraabada ah oo aan salaan ugu tegey ayaan waxaan isku baranay nin xushma leh.. Indha hayaga ayaa isku dhacay.. Malaha waa qalbiga ayaaba kolalka qaarkood indhaha jacaylka uga horreeya! Ninkii dareen gaara ayaa isu kaaya qaaday.. Sheeko ayaa noo bilaabatay.. Guur ayuu xila wadaag ayuu iisoo bandhigay..Anna waan soo dhoweeyey.. Qaban qaabo iyo xiriirkii ehelka ayaa noo bilawday.. Aroos iyo Ala lagtiisi ayaa noogu xigtey..Alxamdulilaahi weeye.. Waxaan dareemayaa farxadda noloshayda cusub.. Waxaan ilaahay ugu mahadinayaa wehel inuu isiiyey.. Waxaan dareemayaa ilaahay galadihiisa inaanan mahadeeda celin arin.. Ninkayga cusubi iima sheegin inuu xaas kale qabo..Aniga se noloshayda ayaa mar walba i khusaysey, ee tan dadka kale uma taag hayn.. Ayaama ka dib arooskaygi uur ayaan yeeshay.. Alxamdulilah..Ilaahay ayaa mahadaas leh.. Waxaan ogaadey ninkaygu inuu xaas kale isla beledka aan joogo ku qabo.. Laakiin aanu ii sheegin.. Waxaan gaadey oo kale iney dhawr sano hadda is qabaan, ubadna aaney kala helin.. Isaga markaan u sheegay inaan ogahayna si edebsan ayuu iiga cudur daartey..Jacaylkiisuna igama qarsoonayn.. Waxaase suaal ah: waa tuma gabadha walaashay ah ee aan markanna ninka wadaagnaa! Adduunyo xaalkeedu cajaa ib badanaa! Ma idiin sheegaa gabadha maantana ninka ila wadaagta? Waa gabadhii aanu ninkii hore ee naga dhintay wadaagnay! Ilaahay xikmadiisu badanaa!! Waa iyadii lafteedii oo yurub iyaduna soo gashay..ninkan ayey is heleen.. Waana is guursadeen.. Arkan iyadaa iga horreysey.. Laakiin ubad ma helin.. Dhawr sano ayey joogtey.. Wey isku dayday iney ubad hesho laakiin ilaahay keliya ayaa bixiya ama diida.. Gabdhii ay ma dhalayska ku oran jirteyna maalinkii u horreeyeyba uur ayey qaadday.. Waa ilaahay xikmadiis.. Gabadhii ayaan soo ogaadey..taleefan ayaan kula hadlay.. Heblaayo walaaley bal iska waran. Ma i taqaan? Mase i xasuusataa? Waa heblaayo, maanta calafkii ayaa mar kale nin inna wadaajiyey! Alxamdulilaahiye, uurna waan leeyahay, adigana khayr ayaan kuu rajaynayaa.. Anigu meeshaad ku jirtey oo iiga soo horreysey kaa bixin maayo.. Ninkii ayaa qisadii ogaadey.. Iyaduna sheekadii ayey u sheegtay.. Markuu ii yimi oo arrinta i weydiiyey oo aan uga sheekeeyey ilmo ayaa indhihiisa kusoo joogsatey.. Waxba yaanan hadalka idinku daaline, gabadhii ninkii wey ku masayrtay.. Noloshoodiina wey adkaatay.. Khilaaf ayey ka bixiweydey, wexeyna u istaagtey: i fur! Is jiid jiid kadibna wuu furay.. Weli waxaan jeclahay inaan xiriiriyo iyada iyo ubadkii ninkaygii hore ee aan eedada u ahay.. Anigana ilaahay Ubad ayuu isiiyey..waxaan Rabbi ka baryayaa inuu nolol wanaagsan iyo khaatima fiican iigu khatimo, dembigayagana dhaafo.. Waxaan sheekada kusoo gaba gabaynayaa: Ayaamaha adduunku waa caajib badan yihiin, garan gartuna weli waa wareegeysaa, ee mar walba dhanka wanaagsan ka istaag si aaney kuu jiidhin.. Wassalaam..
Posted on: Sat, 26 Oct 2013 19:49:20 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015