allaah baa mahad dhamaanteed u sugnaatay nabad galyo iyo Naxariis - TopicsExpress



          

allaah baa mahad dhamaanteed u sugnaatay nabad galyo iyo Naxariis ha ahaato nabigeena Mohamed salla-allaahu caleyhi wa sallaam intaa ka dib asalaamu caleykum waraxmatullaahi wabarakaatu walaalayaal aqristayaal waxaan idin soo diyaarinay qoraal kooban misana ah qiso cajiib ah iyo toobad saalix ah wa qoraal ku aadan in dhalin yarada ah yihiin ayaga kuwa dhumiya dhalinyarada kale ama toosiya wa qiso ku bilaawaneesa sidatan,,,, aqristood barri baa waxaa jiray saddex wiil oo dhalin yaro saaxibo ahaa saddexdaan dhalinyaro waxey ahaayeen kuwa ka mid ah dhalinta samaankaan luntay oo sheydaanka ka qaalib noqday waxey ahaayeen kuwa isku caawiya xumaanta iyo dulmiga waxey ahaayeen kuwa reeba wanaaga oo xumaantana fara Mudo waxey sidaa ku dhex jiraab buu allaah la doonay midkood dhalinyaradii inuu hanuuniyo oo xaalkiisa toosiyo Markii uu wiilkii allah hadeeyay buu asna uu la doonay labadiisii saaxib toosnaan iyo hanuun iyo iney kheerka soo dhex galaan waxuuna ku dadaali jiray labadooda illaa uu allah ku hanuuniyay midkii labaad iyo sadaxaad. Ka dib waqti uu allah hadeeyay allaah mahadiis waqti ay ahaan jireen furayaasha xumaanta oo dhan maanta waxey noqdeen furayaasha kheerka kadib bey wacad adag ku galeen dhalinyaradii iney intii waqtigii ay danbi ku soo Dhumiyeen ay ku dadaalaan inta nolasha u dhiman iney siyaadiyaan acmaasha wanaagsan iyo daacada allaah oo habeen walba mid gurigiisa loogu cibaadeestaan xilliga uu allaah soo dago samada koowaad oo la aqbalo wax walbo soona dagato naxariista allah . markaas buu allaah naadiya asagoo leh ma jira mid toobad keenaayo aan ka aqbalee ma jira mid wax i weydiista ma jiraa mid ii soo laabta xiligaas bey balameen si ay allaah toobad weydiistaan habeenka xiligiisa danbe illa salaada subax la gaaro ka dib bey aadi jireen masaajid-ka mid ah masaajidda si ay ugu soo tukadan kali kali ama jamaaco siduu allah doono .waxeyna u qeebsadeen sidaa bey ahaayeen illaa waqti . Habeen habeenada ka mid ah baa midkii doorkiisa ah in gurigiisa lagu kulmo in uu maqnaaday illaa ay 30 daqiiqo ka hadhay salaadii subbax waxey dooneen labadii dhalinyaro kale iney ayaga ugu tagaan gurigiisa markii ay u dhawaaden guriigisa guri xooga u jiro waxey maqleen muusik cod aad u sareeyo lagu daaray gaarigii bey joojiyeen waxuuna gaarigii ku sigtay inuu la qarxo codkii dheeraa ee musikada ahaa waxey is weydiiyeen dhalinyaradii ma waxay moodayaan iney aheyn saacad mubaarag ah saacadaas miyeyna ogeen kuwa musika shiday . Waxey is weydiiyeen dhexdooda maan u galnaa dhalinyaradaan si uu allah u hadeeyo aanu ugu duceeno weyna u galeen qolkii musikad aka daarneed . markaas baa waxaa ka soo baxay wiil dhalinyara ah oo mooday iney dagaal u soo galeen illeyn waa waqti danbe oo habeen ah. markaas bey banaanka u soo baxeen asna wiilkii istaagay gaariga agtiisa asagoo taxdiran markaas buu ku yiri maxaad dooneesan . Markaas bey salaameen ayago leh ' As-salaamu caleykum waraxmatullaahi wabarakaatuh ' markaasu is yiri wiilkii dhalinyarada aha kuwani salaanta ku hor maray dagaal ma rabaan. Markaas bey ku dhaheen ma taqaan sacadaan waxey tahay ? saacadaan waa saacada ducda la aqbalo toobad kii la yimaadaana laga aqbalo wa saacadaha saacadda ugu weyn taasoo allah ducada aan soo celin miyeeyna aheen agtaada xaajo aad rabto inaad allaah weydiisato. waxuu yiri wiilkii Ma taqaanaan kumaan ahay aniga ? waxan fila inaadan i garareen qufkaan ahay aniga waxey dhaheen kumaa tahay adiga ? Aniga waxaan ahay Xassaan XASSAANKAASOO aan naarta loo abaarin illaa aniga mooyee inaan galo baa naarta loo abuuray !!! waxey ku dhaheen allah ka baq albaabada naxariista allaaha waa waasic allahna wa aqbalaa waxey wiilashii saddaxda ahaa bilaaween iney xasuusiyaan weynida naxariista allah ayagoo leh allah waa yiri (aniga waan u dhaafa kii ii toobad keeno ee i rumeeya ka dibna toosnaada ) allah waa ku yiri xadiis qudsi ]]] ((ina aadamoow hadaad i tuugto ina rajeeso wan kuu dhaafa waxaad danbiga aad leedahay, ina aadamoow hadii ay danbiyadaada gaaraan dhirikooda samada kadibna ii toobad keento waan ku dhaafa , ina aadamoow hadaad iila timaado dhulka mugiis oo buuxo oo banbiyo ah adoon i shariig yeelin waxaan kuula imaan intaad iila timid mugood oo danbi dhaaf ah )) allah waa kii yiri (( kii toobad keenaa oo rumeeya oo falaa camal saalix ah kuwaas waa kuwa loogu badalo xumaantoodii xasanaad allaah waa mid dhaafa misana naxariista ))) allah waa naxariis badane u anxariista kan u imaada allah waa dhaafe u dhaafa kan u toobad keena ee xassaanoow garaac albaabka toobada oo allah u laabo markaas buu xasaan bilaawy inuu ooyo oo yiraahdo ma i aqbalayaa allaah ka dib intaan sameeya sidaa iyo sidaa wuxuu bilaabay inuu xuso wixii xumaan uu sameeyay ma jirto albaab xumaan illaa haduu jiray waan galay ma jirto albaab musiibo illaa aan sameyay ka dib allah ma i aqbalayaa ? sidaa waxaa yiri xassaan markaas bey dhaheen HAA HAA waliba ku badalayaa allaah xumaanta wanaag. waxuu yiri xasaan hadda aniga waxaan ahay saqraan . ka dib wey wadeen waxeyna geeyeen guri u dhawaa kadib ayuu qabeestay uu labistay dhar wanagsan si uu u xaadiro salaadiisii ugu horeesay sanado badan ka dib wuxuu leeyahay wiilkaan sanado badan maan aqaanin allaah maan u tukan allah rakcad kali ah sanado badan hadaba xasaan wuxuu ballan qaaday ballan toobad ah Salaadi subax baa la galay imaamkii salaada tujinayay baa ku dhawaqay asagoo aqrinaaya aayada ugu rajada badan quraanka ee ah ' ku dheh (Nabiyoow ) adoomankeyga ku xadgudbay nafyaashooda haka quusanina Naxariista allah. allah waa dhaafaa dunuubta dhamaantood asaga allah waa mid dhaafa oo naxariista' Markaas ba masaajidka ka dhex yeeray sawaxan qeylo ah iyo cod dheer oo ooyin ah codkaasoo ka yimid xassaan Imaamka wuu aqrinayaa aayadaha quraanka xassaana waxa u siyaadaya oohinta XASSAAN WAA KII LAHAA NAARTA LOOMA UUMIN WAXAAN ANI AHEYN Markuu imaankii salaada dhameeyay waxuu bilaaway inuu ka heekeeyo nolashiisii waxuu ku daray hadalkiisii waxaan leeyahay hooyo iyo aabo waayeelo ah maan arag labadoodaba in mudo bilooyiin ah *Aqristoow maxey hooyada iyo aabahaas uga baahnaayeen wiilkooda oo xaajo ahaa inuu garabkooda istaago markuu weynaaday ? xasaan waxuu leeyahay asagoo sii wato hadalkiisii Hadda waxaan doonaya inaan arko aabaheey, aabaheey waxuu ku tukada salaada subax masajid hebel wuxuuna ku sugnaada masaajidka illaa qoraxda ka soo baxdo. ka dib waxey aadeen masaajidka aabaha lagu sheegay. markii ay gaareen meesha waxaa joogay oday waayeel ah aan si waanaagsan wax u arkin wey u yimaaden oo salameen kuna dhaheen waxa nala socdo xasaaan . aabihii markii uumaqlay magaca xassan wuxuu bilaaway inoo yiraahdo XASSAAN allaha ku gubo wajigaaga naarta Xassaanoow !! allaha kuu cadaabo sidaad ii cadaabtay xasaanoow waxuu bilaaway xassaan inuu ooyo , saddaxdii dhalinyaro ee la socotay xassaan waxey ku dhaheen odaygii xassan wuxuu kuu yimid assagoo toobad keenay oo hogaansan u laabtay allaah wuxuu yiri aabihii xassaan maa toobad keenay waxey dhaheen Haa wuxuu ku soo tugaday salaadii subbax jamaaco wuuna badalay nolashiisi hore. subxanallah aabihii wuxuu bilaaway inuu asna ooyo farxad darteed hadalkooda waxa kalaa ooyay saddax kaloo goobjoog ahaa farxadda toobadiisa darteed kadib wey baxeen waxeyna u sheegeen xassaan hooyadiis toobad wiilkeeda illaa ay oosay oohin daran laakin aqristoow waxaan leenahay dhamaan farxadooda waxaa ka farxad badan kana weyn farxada allah uu ku farxay toobadiisa. xasaan wuxuu bilaaway inuu masajida allaah quraanka ka barto saladahana ku tukado wuxuu gaaray inu maalin walbo sii siyaadiyo acmaashiisi illaa uu maalin naftiisa ku yiri waxaan leeyahay xumaan iyo danbiyo badan waxaana maleenayaa in allah ii dhaafeyn waxaan sameeyay oo danbiyo ahaa illaa aan nafteyda geeyo saaxada jihaadka si la iigu dhaafo dhibic walboo dhiig iga baxdoy wixii danbi aan galay illen nabiga S,C,W ayaa yiri 'shahiidka waxaa loo dhaafa wixii uu danbi wada galay dhibicda ugu horeesa ee dhiiga oo ka baxda naftiisa illaa deenta mooyee' markaas buu ku yiri aabihiis aabo waxan doonaya inaan u dhaqaaqo saaxada jihaadka si aan ugu qaado kalimad aallah kor si aan ugu yeelo kalimad allah korbuu ku cel-celiyay xassaaan. aabihi baa yiri xassaanoow waxaan ku farixnay soo labashadaadii iyo toobadaadii ee hanaga tagin hadda aaboow. xasaan baa ku yiri aabihiiss hadaad i jeceshihiin ha-dhex galina ani iyo u dirirka allah dartiis markaas buu yiri aabihii waxaa kuu sugnaaday waxaad doonto hadee ku fasaxdo hooyadaa. markaas buu u yimid xassaan hooyadiis oo uu ku dhagay lugaheedii asagoo leh hooyo waxan doonaya inaan u dhaqaaqo dhulka jihaadka ee i fasax illeen waxaa ii sugnaaday danbiyo badan aan la dhaafeen illaa aan u daadiyo dhibic walbo oo dhiigeyga ah dar allaah hooyadii baa tiri xassaanoow toobadadii baan ku faraxnay adna maad naga tageesa xasaanoow hada ? wuxu yiri hooyooy hadaad i jeceshihiin i daya aan tagee waxey tiri hooyadii waayahee hal shardi baan kugu xerayaa waxeyna tiri xassaan hoooyadii inaad noo noqto allaah agtiisa maalinta qiyaamo mid inoo shafeco qaado hadaad shahiido markaas bey ballameen hooyadii iyo wiilkeeda wuxuuna u baxay xassaan meeshii dagaalka iyo sharafta iyo cisda islaamka meeshaas oo muslimka ku dareemo karaamada iyo sharafta muslimka uu leeyahay dhalinyaro la socotay xassan ayaa ka shekeenayo xaalka xassan siduu ahaa markuu tagay goobta dagaalka ayagoo ku bilaaway sidatan ...... wuxuu ahaa geesi jir dhisan oo ad-adag waxaan ku aragnay arimo lala yaabo oo cajiib ahaa wuxuu ahaa mid soon badan waliba Habeenkii u istaaga salaatu leyl misana qidmo badan waxey dhaheen dhalinyaradi la socotay xassan waxaan joogan maalin Buur dhinaceed meesaas oo nalagu soo weeraray weerar culus waliba cadawga ayagoo watay diyaarado dagaal waxaan nagu bilaaway madaafiic iyo duqeymo ay na duqeeyeen diyaarado dagaal Subxanallaah bartilmaameedkii duqeyntaa meysan hilleelin illaa qofaan aheen xassan oo madaafiicdii duqeyta ku dhaceen Xassaan. ka dib waxaan u cararnay xassaan xagiisa markaan gaarnay xassaan agtiisa waxaan aragnay xassaan lafihiisii oo jajabeen dhigiisiina dhinac walbo ka daadanayo markaase baan ku dhahnay xassaaanoow sidee baa tahay? Markaas buu xassaan ku yiri saxibadiis AAMUSA AAMUSA AAMUSA wallaah wallaahi waxaan maqlayaa aniga Codka xuurul ceynta oo iiga yeereesa buurta dhabarkeeda. xassaan waa kii lahaa naarta looma abuurin waxaan ani aheen jannada buu ka galayaa albaabkuu doono kadib waqti uu ahaan jiray mid maqla yeeriytaankii sheydaaka maanta wuxuu maqlayaa xuurul ceynta - yeerintaankeeda oo u yeereesa xasaan xuurul ceyntii oo ku faraxsan la kulanka xassaan wey u xiistay xuurul ceyntii la kulanka xassaan sababtoo ah xasaan waa uu toobad kenay xaalkii buu badalay badalitaan wanagsan oo toosnaaday allaahna wuu ka aqbalay toobadiisa wuuna u furay albaabadiisa wanagsanaa al-baabkii toobada albaabkii naxariista iyo alaabkii shuhadada. Hadaba Aqristoow hadan u yara laabano bilaawga qoraalka toobada iyo toosnaanta xassaan allaah ka sokoow waxaa u sabab ahaa dhalin yaro doontay iney walaalkood u naseexeeyaan allaahna ku sugay dhalinyarada ayagaa ah kuwa dhalinta kale dhumiya ama toosiya arinka waa in la is kaashadaa oo lagu samra daacada allaah lagana samro xumaanta oo idil Wabillaahi tawfiiq...
Posted on: Tue, 16 Jul 2013 19:28:00 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015