heshiiskii maamulka jubba loo bixiyay iyo df. sooomaaalia akriso - TopicsExpress



          

heshiiskii maamulka jubba loo bixiyay iyo df. sooomaaalia akriso oo fikir ka dhiiibo saaad u aragto QODOBKA KOOWAAD Dhisidda Maamulka KMG Dowladda federaalka Soomaaliya iyo wafdiga Jubba waxaay ku heshiiyeen in la sameeyo Maamul KMG oo uu leeyahay Jubba kaasoo ka kooban Gobalada Gedo, Jubada hoose iyo Jubada dhexe ayadoo aan looga eexaneyn wax alla wixii dadka deeganadan go’aansadan inta lagu guda jiro geedi socdoka dastuurka. Maamulkan KMG ah waxaa loogu yeeri doonbaa Maamulka Jubba ee KMG Inta uu jiraayo maamulka KMG ah ee Jubba waxaa uunan dhaafeynin muddo aan ka badneen 2 sano taasoo inta uu jiro ayadoo uu ku xiran tahay geedi socodka dastuur u sameynta la sameyn doono dowled goboleed ka tirsan federaalka. Ayadoo la maraayo dariiqa wada tashiga, qeybaha heshiiskan waa ay wada shaqeynaayaan iyadoo aan laga leexaneyn dastuurka KMG ee Soomaaliya. Maamulka KMG ee Jubba waxaa uu u dhisnaanayaa Gole Fulin iyo Kulan Goboleed. Madaxa Maamulka KMG waa madaxa seddaxda gobol ee Gedo, Jubbada hoose,iyo Jubadda dhexe, waana guddoomiyaha golaha fulinta, waxaana uu hoos tagayaa dowladda federaalka Soomaaliya. Madaxa maamulka waxaa uu magacaabaya 3 ku xigeen isaga oo kala tashanaayo dowladda federeaalka Soomaaliya waxaana ay xubin a yihiin golaha fulinta. Golaha Fulinta waxaa uu leyahay awood fulin ee maamulka KMG, waxaana xubnahoda magacaabi doono madaxa maamulka asagoo la tashanaayo lana kaashanaya dowladda federaalka. Dowladda federaalka waxaa ka saaran masuuliyad in ay xaqiijiso in loo dhan yahay. Kulan Goboleedka waxa uu noqonayaa mid loo dhan yahay oo matala dhamaan qeybaha ku nool gobolada iyo qabaa’ilka, waxaana soo dooranaya odayaasha dhaqanka ayadoo kuraasta loo qeybsanaayo si isku dheeli tiran oo degmooyinka seddaxda gobol ah ayadoo laga tusaale qaadanayo u dhamaansho, isku dheelitirnaan, iyo hab dib u heshiisiineed. Qodobada iyo nidaamka lagu dhaqaayo maamulkan KMG waxaa uu ahaanayaa mid waafaqsan dastuurka KMG ah ee Soomaaliya waxaana meel marin doono baarlamaanka federaalka. Marka sharciga dowlada hoose uu dhaqangalo, Gudoomiyayaasha Gobolada Jubada hoose iyo Jubada dhexe waxaa magacaabaya madaxa maamulka ayadoo lagu saleynaayo qeybta ku saleysan loo dhamaansho ayadoo lala tashanaayo oday dhaqameeydaya iyo dowladda federaalka Soomaaliya. Maamulka hadda ka jira Gedo waxaa uu u jiraa sida uu yahay. QODOBKA LABAAD Maamulka Hay’adaha federaalka iyo Ilaha Dakhliga 10. Hay’adaha federaalka iyo ilaha dakhli ee ay ku jiraan dekada Kismayo iyo Airporka iyo hay’adaha kale waxaa loo aqoonsan yahay in ay yihiin hanti iyo barwaaqo sooran dadka Soomaaliyeed ay leeyihiin. 11. Dakada iyo Airporka Kismayo waxaa loo isticmaalaya si u daneyneynsa nabada iyo barwaaqada dadka Soomaaliyeed ayadoo hogaankeeda iyo maamulka ay leedahay dowladad federaalka Soomaaliya. 12. Dakada iyo Airporka magaalada kismayo waxaa lagu wareejinayaa dowladda federaalka Soomaaliya muddo lix bilood ah gudaheeda iyadoo markaa kadib dowladda federalka ay soo magacabeyso maamul karti u leh in ay maamulaan ayadoo lala tashaneyso maamulka KMG waxaana lixda bilood ee hadda taagan sii wadaya howshooda maamulka hadda jira. Dowladda federaalka Soomaaliya waxaa ay magacabaysaa saraakiisha waaxda socdaalka. 13. Dakhliga ka soo galo Airporka iyo Dekada kismaayo waxaa loo maamulaa si cad oo taxader leh oo isla xisaabtan leh. 14. Dakhliga iyo dhaqaalaha kale ee ka soo galo Dekada kismayo iyo Airporka kismaayo waxaa loo isticmaalayaa oo kaliya, lagu maalgelinayaa, laguna bixinayaa muhiimada amniga, adeega bulshada iyo dhisida hayadaha Jubba. 15. Habkan KMG waxaa uu soconayaa ilaa laga gaarayo heshiis kama dambeys ah oo ku aadan qeybsiga dakhliga dalka sida lagu sheegayo geedi socodka dastuurka. QODOBKA SEDAXAAD Maamulka Hay’adaha Amniga iyo Isku dhafka Maleeshiyada 16. Dhamaan xoogaga Ciidan ee ay ku jiraan maleeshiyooyinka Raskambooni, Darwiish iyo kuwa kale waxaa lagu dhafaa kana amar qaadanayaan ciidanka qaranka Soomaaliya, ayadoo ciidanka booliska ay hoos tagi doonan maamulka KMG ee Jubba. 17. Dowladad Federaalka Soomaaliya iyo maamulka la sameeyay ee KMG ah ee Jubba waxaa la sameynayaa guddi farsamno oo amni oo isla eegaya sida maleeshiyada loogu dhafaayo ciidanka qaranka. Guddiga farsamo waxaa uu sidoo kale ka howlgalayaa in uu dib u habeyn ku sameeyo hay’adaha amniga. 18. Ku dhafida maleeshiyaadka ee Ciidanka Qaranka waxaa lagu fuliyanaya waqtiga uu dajiyo guddiga farsamo ee amniga ee fowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubba ee KMG ayagoo la kaashanaya AMISOM. 19. Dowladda federaalka waxaa ay ahmiyada siineysaa ciidankii dagaalamaya ee Al-shabaab looga soo wadi lahaa oo loogu dari lahaa cidanka dowladda ama ay kusoo laabtaan nolsha madaniga ah. QODOBKA AFARAAD Dib u Heshiisiin iyo Kalsooni Dhisid 20. Dowladda federaalka Soomaaliya waxaa ay abaabuleysaa ayna qabaneysaa muddo 2 todobaad ah gudaheeda shir dib u heshiisiineed oo Muqdisho ka dhaco. Shir nabadeed daba socda ayaa ka dhacaayo Kismaayo. 21. Shirka dib u heshiisiinta Muqdisho waxaa uu noqonayaa mid lagu wada tashanaayo si loogu dhameystiro dhismaha Maamulka KMG ah ee Jubba. 22. Inta uu socdo shirka dib u heshiisiinta ee Muqdisho waxaa la isla garan doona geedi socodka dhisida maamulka goboleedka habka federaalka. 23. Dowladda federaalka Dimuqraadiga ee Itoobiya ayaa waxaa ay tahay cidda damaanad qaaadaysa heshiiskan. Waxaa lagu heshiiyay 27ka August 2013 waxaa lagu galay addis ababa, Ethiopia. Hes
Posted on: Tue, 03 Sep 2013 20:17:06 +0000

Trending Topics



d didnt make money. God made
I was listening to Alex Jones on my phone application this morning

Recently Viewed Topics




© 2015