k28, 2013 (QOL) Qaar ka mid ah warbaahinta Wadanka Ethiopia ayaa - TopicsExpress



          

k28, 2013 (QOL) Qaar ka mid ah warbaahinta Wadanka Ethiopia ayaa ka faalootay Wadahadaladii waayadanab al ahdal hayay ee u dhexeeya Jabhada Wadaniga Xoreynta Ogadenia iyo Xukuumada Gumeysiga Ethiopia oo ay Dowlada Kenya iyo Dowlado ka mid ah Dalalka reer galbeedku ku Howlanyihiin. Waxaa muuqata in aduunku u soo jeedsaday sidii xal waara looga gaadhi lahaa Qadiyadda Ogaadeenya waxaana soo baxaya warar sheeagya in uu maqifkii Ethiopia ee qadiyada Ogaadeenya ku aadanaa wax weyni iska badalay, qaar ka mid ah Warbaahinta Ethiopia ayaa soo bandhigtay qoraal ay kaga faaloonayaan wadahadalada la filayo inay dhacaan Bilaha soo socda. Qoraal ku soo baxay wesite-ka lagu magcaabo Ethiopiareview ayaa ka faalooday arrimo aysan dadku ka wada warqabin oo gudaha Ethiopia ka jira, qormadaasi waxay u qorntahat sidan "Ethiopia waxay Diyaar u tahay inay aqbasho Ogaadeeya inay noqoto dal madaxbanaan oo Ethiopia jaar la ah ama in ay Shacabka Somaalida Ogaaadeenya in ay noqdaan Shacab awood aad u balaadhan ku dhaxle Dalka Ethiopia intiisa kale. Faaladan ayaa intaas ku dartay in Raysal wasaaraha Ethiopia uu ku qanacsanyahay qaabka wadahadaladu u bilaabanayaan balse aysan Madaxda Ciidamada Ethiopia oo ubadan Qowmiyadaha Tigrey iyo Amhara aysan ku qanacsanayn.,waxaa kale oo warbixinta lagu sheegay in qaabka ay wax u socdaan ay ku qanacsanyihiin Madaxda ONLF iyo Dowladaha Dhexdhexaadinta khilaafka ONLF iyo EPRDF si xalwaara loga gaadho colaada daba dheeraatay u dhaxaysa shacabka Ogaadeenya iyo guamysiga Abasiiniya. Warbixinta ayaa ugu danbeyn lagu sheegay inay Qowmiyada Amhara ay aqbali doonto Madaxbanaanida Ogadadeenya iyo in shacabka Soomaalida Ogaadeenya uu yeesho Dowlada Ethiopia daris la ah sidii Eritria 1990. balse Qowmiyada Tigrey Nabadgaliyo ka dhacda Ogaadeenya dani ugu majirto ayay warbixintu hadalak ku soo gunaanaday, qoraalka rasmiga ah ee arrintaas lagaga hadlay halkan ka akhriso.
Posted on: Mon, 02 Sep 2013 20:42:59 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015