marku Qaar Waa Bahalo” Home About Us News News in - TopicsExpress



          

marku Qaar Waa Bahalo” Home About Us News News in English News in Somali Blog Arimaha Bulshada DIINI Education Health Jaceylka iyo Dhalinta Manta Police Abuse of Somali Refugees Sheekooyin Sports NGO Services Vacancies Contact Us March 2012 M T W T F S S « Feb Apr » 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 24 25 26 27 28 29 30 31 Waxaan ku dhashay deegaanka Maxaas ee gobolka Hiiraan, waxaana kusoo barbaaray isla deegaankaasi, waxbarashadeeda hoose,dhexe ayaa waxaan kusoo qaatay isla deegaanka Maxaas, sanadkii 2000 ayaa waxaan imaaday magaaladda Balad Weyne ee xaruunta gobolka Hiiraan, halkaasi ayaan kusoo qaatay waxbarashadeeda heerka dugsiga sare. Sanadkii 2005-tii ayaa waxaan xal u arkay in aan iskaga tago dalka Soomaaliya, si aan wax u qabsado, xilligaasi waxaan aad u xiiseen jiray dalka Koonfur Afrika, nasiib wanaag sidii ay rajadeedu ahayd ayaa helay, isla-markaana waxaa noqday ruux ka shaqeystay magaaladda Cape Town ee dalka Koonfur Afrika. Muddo kadib ayaa waxaa khadka Shabakadda Msn-ka ku bartay gabar, gabadhaasoo noqon doonto midda iga fajacisay, iyadoo noqon doonto gabadha kaliya ee aan calman doono, markii inoogu horeysay oo aanu Msn-ka isku aragno ayaa bilownay dagaal xoogan, wuxuuna salka ku haayay adiga ayaa igu soo darsaday, iyo inkaar Allaha kuugu ridee war adigaa igu soo darsaday, dagaal khadka uun ku eg kadib, ayaa waxaa noqonay laba qof oo si wanaagsan isku barta. Waxay ii sheegtay in Naciima la-yiraahdo, anna waxaan u sheegay in uu magacaygu yahay Salaad, muddo laba bilood markaan khadka ku wada sheekeysaneynay ayaa waxaan Naciima u arkay in ay tahay gabar fur furan oo dabeecad wanaagsan leh, deetana waxaan xal u arkay in aan sheeko la-wadaago, isla-markaana waxaa Naciima u soo bandhigay in aanu noqono laba ruux oo sheeko wadaag ah, wixii inagu soo kordhana, ayaa waxaan ugu baaqay in aan isku af-garano, sidii ayay Naciima iiga aqbashay, xilligaasna waxay ku nooleed caasimadda dalka Kenya ee Nairobo. Waxaanu bilownay inaan hawada iska dhaafsano dhambaalo ay ku qoran yihiin ereyo wan wanaagsan oo laabta u roon, oraahyo mac macaan oo aysan indhuhu akhriskoodu ka daalin, waxaana dhihi karaa Naciima waxay ahayd boqoradii hanatay qalbigayga, iyadoo ay inoo xigtay in aan khadka isku balansano, si aan iskaga aragno Shaashada Kaamirada (Web Camera), aragtidii aan Naciima arkay ayaa waxaa noqday ruux ay ku furmaan mowjadu kala duwan, kuwaa oo ku aadan sidii aan Naciima gacanta ugu dhigi lahaa, iyo sidii aan ku adkeyn lahaa xiriirka inaga dhaxeeya, waxaana Naciima isku af-garanay in uu ina dhex maro Jaceyl diiran, sidii ayaanu yeelnay. Marka ay Naciima igala hadleyso khadka ayaa waxaan ahaa nin kusoo cesh-ceshta ereyada mac-macaan ay gacmaheedu igu soo qoreyso Naciima, xaqiiqdii ebid maanan arag gabar ka sheeko iyo qosol macaan Naciima (Ileen Ruuxa Aad Jaceshaay malab waa uu kaala macaan yahay), runtii waxay ahayd gabar si weyn ii soo jiidatay, anna waxaan ula dhacay si kal iyo laab leh. Naciima waxay ii soo bandhigtay in aan kasoo qaado dalka Kenya, si ay u soo gaarto dalka Koonfur Afrika, deetana aanu ku aqal-galno caasimaddii hore dalka Koonfur Afrika ee Johannesburg, inkastoo aan anna ku noolaa magaaladda Cape Town, codsiga ay i soo bandhigay gabadha aan ifka ugu jeclahay ayaa runtii u riyaaqay, waxaana xilligaasi ahaa nin lacag iska haysta, waxaan u diray lacag dhan 3500 oo lacagta Maraykanka ah (3,500 Us D). Waxaan iska soo iibiyay goobo ganacsi oo aan ku lahaa magaaladda Cape Town, si aan u aado magaaladda Johannesburg, deetana aan ula aqal-gallo gabadhii aan ifka kasoo xushay ee Naciima, sidii ayaan yeelay balse maxaa dhacay? Alle wuxuu qadaray in Naciima oo nabad qabta ay soo gaarto dalka Koonfur Afrika, waxaana Naciima ku sugaayay goobaha ay gawaarida kusoo xirtaan (Boosteejo), markaan arkay aragtidii Naciima ayaan ku farxay, waxaana iga soo fuqday Neef weyn, hase ahaatee isla goobtii Boosteejada ahayd ayaa waxaa Naciima ku sugaayay seddex gabdhood, oo aan dhihi karo waa shayaadiin. Naciima ayaa gees iskula soo baxnay markaan wada hadleenay muddo dhan shan daqiiqo ayaa waxay aragtay gabdhihii oo u gacan haatinaaya, waxayna ay igu tiri, shan daqiiqo i sug gabdhahaasi ayaan aqaanaa oo aan soo salaamaayaa, 10 daqiiqo ku dhawaad ayay iga maqneed, deetana waxay igu tiri, waxaan kaa qabaa shaki oo armaadan ahayn Salaad, intaan carooday ayaa waxaan ku iri, haa waxaan ahay Salaad ee sifiican ii fiiri, waxay igu tiri, waan ka xumahay oo inta aan soo kala ogaanaayo iga war sug, anaa kusoo wici doonee. Yaab iyo amakaag ayay igu noqotay, waxaan sameeyo ayaa garan waayay, xitaa haddii aan dagaalami lahaa, sharci kuma lihi dalka Koonfur Afrika, waxaana xal u arkay inaan iska fasaxo, waxa sidaan ii galeysa waa gabadhii aan xaruumahayga ganacsi daraadeed u soo iibiyay, isla-markaana xitaa maysan iga mahad-celin, wax kale iska dhaafee. Hada waxaan ooggaa dukaamo ku yaalla magaaladda Johannesburg oo ay lee-yihiin wiilal aanu qaraabo nahay, meel aan u raadiyana garan maayo Naciima, waayo dalkaan waa dal aad u balaaran, kaaga daranee xitaa ma-xasuusto sida uu u yaallo muuqaalka seddexdii shayaadiin ee gabadha iga watay, magac-yadooda iyo teleefanadooda iskaba daayee. Ugu dambeen markaan waayay Naciima ayaa waxaan bilaabay in aan hal-hees ka dhigto Ileen Dumarku Qaar Waa Bahalo. BY ADMIN IN JACEYLKA IYO DHALINTA MANTA, SHEEKOOYIN Adduunka wax kasta ka fillo, wax kastana waa la maqlayaa, waan hubaa in uu kusoo jiitay ciwaanka sheekada, laga yaabee in aad u malaynayso in aan ka hadlayno gabar waalidkeed guurkeeda lacag ku qaatay, maya taasi ka hadli meeyno, waa qiso layaab leh uu qoray wargeeska ADuun ee kasoo baxa dalka K/Afrika. Ma aamineysid marka aad u dhacdo dulucda sheekada, wiil dhalinyaro ah ayaa Paltalk-ga (aalad internet-ka ka mid ah oo lagu haasaawo) ka bartay gabar soomaaliyeed oo dibadaha ku nool, muddo ayay wada sheekeysanayeen oo shukaansi iyo sheeko wadaag ahaayeen. Muddo kadib waxaa la gaaray xiligii la guran lahaa mirihii jacaylka, waxaa lagu heshiiyey in gabadha timaado halkan oo la’is guursado, laakiin markii ay gabadha tahay inay soo ambobaxdo ayuu wiilkii ogaaday da’deeda oo ahayd mid aad oga weyn tii ay sheegatay. Tallo ayaa ku cadaatay, wuxuu sameeyo ma garanayo, ma xumeyn karo mana xalaaleysan karo oo waa qof aad uga weyn, maalinkii dambe ayaa waxaa kusoo dhacay fakir cajiib ah, oo waa maxay? Hoteel uu degenaa ayaa waxaa la degenaa mid buufis madax maray oo ku waashay haweenka dibada jooga, malaha markaas ayuu tuulada kasoo baxay oo waa uu kululaa, wiilkii gabadha u imanaysay wuxuu arkay fursad ah in uu gabadha ka qarxisan karro ninkani hororka ah. Wuu u yeerey, sheekadii ayuu u sheegey, wuxuuna ka dhaadhiciyey in uu gabadha ku wareejiyo, oo isaga u imaanayso gabar kale, ayna jiraan rag kale oo lacag diyaar la ah, wuxuu u sheegey in haddii uu doonayo in booskani uu galo ay fursad u tahay oo uu durbo dhoofayo, laakiin uu bixiyo lacag R40 kun dhan. Waa uu ogolaaday kii kale, waana la gorgortamay, waxaa lagu heshiiyey in uu bixiyo R30 kun oola dhigayo meel xawilaad ah marka uu gabadha guursadana la siinayo kan kale , kadib muddo 2 todobaad ah waxaa wiilkii la barayay sheekadii kadhaxaysey wiilka iyo gabadha, mudadaas 2da todobaad ah ayaa laga bixiyey tabobar layaab leh oo ku saabsan wax alaale wixii hadal ahaa ee labada qof dhex maray. Maba ahan wax maskaxda caadiga ah ay ka fikiro karto, waana wax ay adagtahay in la rumeysto, laakiin waa qiso dhacday. Markii ay gabadhii soo degatay waxaa garoonka ka dooney kii iibsaday, soona qaaday, gabadha waxbo meeysan dareemin maadaamaa aysan wiilka horey u arag sawirkiisa, waayo iyada meeysan ogoleyn in sawirkeeda ay dirto ama sawir gasho oo gabar wadaad ah ayay ahayd, isaguna sawir umaba dirin iyaduna kama codsan. Habeenkiiba dambaba meher ayaa qac laga siiyey, waana la aqal galay, haddii dhowr habeen la’isla hoydey ayaa laga sheekeystey waxyaalihii hore ee dhexmaray, ma iyagaaba ah wax lasoo koobi karro,kow iyo labbo haddii sheekada la wadayba wiilkii gabi ayuu kolba ka dhacaa. Gabadhii shaki ayaa loo taagay, waxay gashay “war maxaa ku heley, miyaadan hebelkii aan aqiiney ahayn, sidee wax kaa yihiin, mise gadaasheey ayay maskaxdii kaa masaxantay”, markii dambe waxay ogaatay magaciisa dhabta ah oo dabcan ka duwan ninkii ay taqiiney, codkii ma ahan kii hore, kaftankii iyo haasaawihii iyo waliba dabeecadii ma ahan wixii ay taqiiney, tallo ayaa ku cadaatay. Habeenkii dambe ayay dhaarisey, kuna kashiftey arrinta, howshiina waa ku cadaatay, gabadhii waxay dib u laqi weeysey waxa lagu sameeyey, haddii ay ninkeeda iska sii heysan lahayd ma ahan nin dhaqan ujeed ah ee waa nin dhoof doon ah oo doonaya markii ay halkaasi geeyso in uu furo, kaaga sii darane waa ninka wax ka maleegey qayaanada heerkaasi la’eg. Kalarka ayay ku dhegtey, waxayna ugu hanjabtay in ay xireyso haddii uusan dalaaqin,ama furin" isagiina halkii ayuu ku furey waayo waxay awoodey in ay xirto sanooyin badan. Gabadhii oo dhulku la wareegayo oo shalaay joogta ayaa dalka ka dhooftay. Wiilkii iibsaday gabadha oo dib ugu laabtay gabadhii uu iibsaday . dhacdadani ayana waxa ay kutuseesaa qasarha uu PalTalka iyo shukaansiga Internetyadu leeyihiin mana ahn dhacdadii ugu horeesay oo nuucaan oo kalaa ah dhowr mar ayaan qasaarooyin iyo kala tag ay kadhaceen meelo badan oo katirsan caalamka. somali waxay dhahda > HAdal badan haan ma buuxsho midaaas na been ma ahan oo wa tan wad aragtan waxa dhacay lkn dad badan san ujeedo hada ma filayo in ay hada kadib dhaceyso QOFkale amini doono asigoona arkin live by camera or picz Lkn sheekoyinka dhan isku mid ma ahan oo kan haduu been shegay kaga been in uu sheegayo lama hubo nin walbe wuxuu kasbadu leyahay adi been sheeg asigana been uusheegaya Jacayl kan sanadkan 2010jira wa mid been iyo ciyaar ciyaar ah its not real love wlhi. ma dhahayo labadii is jecel wabeen aniga waxan ka hadlaya ADUUnka dhan mostly 85% waa been 15%wa run so waxan rajeyna somalida dhan in ay ka mid noqdan 15% wana ku mahadsan tihiin. QORAA: riki cade Tags: REAL, story Like 4 members like this ShareTwitter Views: 5090 ▶ Reply to This Replies to This Discussion Permalink Reply by Ahмed Freedoм Stylêz◄▬ on April 11, 2010 at 9:21pm waraa caadi maha cml noh nice qiso cml rawaahu riki cadee ▶ Reply Permalink Reply by ahmed ali on April 11, 2010 at 11:12pm waa sheeko aad aumacaan ▶ Reply Permalink Reply by hanaan wanag on April 11, 2010 at 11:37pm maansha alaah sax been taa mahan walaal aduunka halees aamino yaa lees aamini ayaa karoon dadkana leskuma halen karo meeskiina gaba dha walahi waan ka xumahay gabdha somali yeed dhibatadaa in aay ku dhacdo ▶ Reply Permalink Reply by Daad on April 12, 2010 at 2:47am Qisadaan waa qiso yara murugo leh oo Gabadhii ayaa safar dheer soo gashay ... ee walaalyaal mid yaan la hilmaamin ,Hubsiimo hal baa lasiistaa, ama intaadan falin ka fiirso,baa Soomaali maahmaahyadooda ka mid ah ▶ Reply Permalink Reply by saacid omar on April 12, 2010 at 3:55am kkkkkkkkkkkkk,, waa sheeko aad iyo aad aan ula dhacay,, waana sheeko cajiib ah,, waa wax dhacay, oona dhici karo,, ▶ Reply Permalink Reply by King Of aduun on April 12, 2010 at 4:51am AQIyarta horta waxa been aheen qofta in uu dhib qabsaday lkn wiil walbe ama gabar walbe uma qorna in uu dhib qabsado marka KEEP up yaqey waxaaas waa qadarka marka nin ba tiisa fiirsado ▶ Reply Permalink Reply by King Of aduun on April 12, 2010 at 4:55am ismahan cali Farahaga isku mid miyaa WAAA maya marka raguna wa sida gabdhahana ▶ Reply Permalink Reply by bile baashi mahamed on April 12, 2010 at 5:01am asc asxaabta aniga wan kahelay washeeka cajiiba ▶ Reply Permalink Reply by saara on April 12, 2010 at 5:02am waaw waba wax cajaayib ah ▶ Reply Permalink Reply by carab on April 12, 2010 at 5:04am asc dhamaan walahi sheekadaan waasheeko cajiib ah lakin waxaan ornlahaa aniga waxaa qasaaray ninka dhoor habeen lacagtiisii kugubatay waxaa kaloo qasaaray ninka lacag qayaano ah wax kugatay marka waxaan leeyhay dadka ilaah iimaanka hausugo waayo waa saman aaqir gabadhaana waxaan leeyahay miisaanka ilaah hakuugu buuxiyo wixii laguugu sameeyay marka badanaa weey dhacdaa qiyaanada ama beenta lakin inta fiican ayaan kasooqaadeeynaa waayo xumaan waxaa daba socda wanaag dadkana waxaan leeyahay runta xigsada hadaad gabar tahay ama wiil waadna mahad santihiin ollll ▶ Reply Permalink Reply by sahro ismaacil on April 12, 2010 at 5:50am waa masha alaaaaaah qsadan lakin iyada marihoraba benata kuhoreysay oo daded kshegtay been mahadsanit ▶ Reply Permalink Reply by royalfamilyboy on April 12, 2010 at 5:54am masha laha waye shekadan ee weey jiirta cml lolz lakiin aniiga ah royal waxan isdhahayeey waa waxa diiyar saan ee hadeey tahay saan aniiga muku jiire hee waxan kala maxay tafta cml bo boyz ▶ Reply ▶ Reply to Discussion ‹ Previous 1 2 3 … 10 Next › Page RSS Welcome to Aduun Sign Up or Sign In Or sign in with:
Posted on: Sun, 08 Sep 2013 20:48:00 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015