maxad kataqan jumhuriyada somaliland Jamhuuriyada SOMALILAND - TopicsExpress



          

maxad kataqan jumhuriyada somaliland Jamhuuriyada SOMALILAND waa Dal Xornimadiisaa dib ugala soo Noqday [[Soomaaliya] Sanadkii 1991 Jamhuuriyada Somaaliland waxay xad la wadaagtaa Xagga Bari (east) [[Somalia Soomaaliya], Galbeed (west) (Djibouti|Jabuuti]],Koonfur (south) [[Ethiopia Itoobiya] Waqooyi (north) Gulf of Aden Bada Cas (Yemen). Jamhuuriyada Somaliland waxey ka mid aheyd Dalalkii Afrika Africa ee UK Ingiriisku Xukumi jirey, Jamhuuriyada Somaliland waxey xornimadda ka qaadatey UK 26 Juun 1960 afar maalmood ka dibna 1 july 1960 Jamhuuriyada Somaliland waxay israaceen Soomaaliya Somalia oo Talyaanigu guumeysan jiray. oo isla Maalintaa 1 July 1960 Xornimada Qaadatay, Waxayna la Baxeen Labaddii Dal ee Israacay SOMALI REPUBLIC. Mudo yar ka dib Waxay Dadka Reer Somaliland Saluugeen Israacaas Jamhuuriyada Somaliland waxa ka soo Gaadhay Israacaas XASUUQ aad u Ba,an Dawladdii Milatariga ahayd ee Maxamed Siyaad Bare ee Soomaaliya Waxay Sanadaddii 1980-1990 Somaliland ku XASUUQDAY Dadka Asalkoodu ka soo Jeedo Jamhuuriyada Somaliland. Waxaana lagu XASUUQAY Dad lagu Qiyaaso 200,000 Qof. Tiro lagu Qiyaaso 2,000,000 oo Qofna waxay Qoxootinimo ugu Carareen Dalka Jamhuuriyada Somaliland la Walaalaha ah ee Ethiopia. Caasimada Somaliland ee Hargeysa Waxay Dawladdii Soomaaliya ku XASUUQDAY Dad lagu Qiyaaso 70,000 oo Qof, Magaaladana Waxa lala Simay Dhulka. Waxay sidoo kale Dawladdii Soomaaliya XASUUQ ka Gaysatey Magaalooyinka Waaweyn ee Jamhuuriyada Somaliland sida Burco, Gabiley, Ceerigaabo, Berbera, Garadag Sheekh iyo Magaalooyin yar yar oo badan. iyadoo Magaalooyinkana la Wada Burburiyey. Dhaqdhaqaaqii Xornimo Doonka Somaliland ee SNM ayaa Waxay dib u Qabsadeen Dhamaan Dhulka Somaliland. Sanadkii 1991 Isla Sanadkaa 1991.05.18 ayey Somaliland Xornimadeeda dib ugala soo Noqotay Soomaaliya, waxaana Mar kale Dib Loogu Dhawaaqay in Jamhuuriyada Somaliland Madax Banaan tahay Magaalo- Madaxda waxaa u noqotay magaalada Hargaysa Mar kale. Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur) oo ahaan jirey Hogaamiyihii Ururkii Dhaqdhaqaaqa Wadaniga Somaliland ee SNM, ayaa loo doortay inuu noqdo madaxweynahii ugu horeeyay ee Jamhuuriyada Somaliland.
Posted on: Wed, 14 May 2014 10:12:06 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015