maxay tahay faa,iidada Arsenal ugu jirta qilaafka Liverpool iyo - TopicsExpress



          

maxay tahay faa,iidada Arsenal ugu jirta qilaafka Liverpool iyo Suarez. Tababaraha kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa qirtay inaysan haatan waxba ka sameyneynin arinta doonistooda Luis Suarez ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in xiddiga reer Uruguay uu sharciga la tiigsan doono Liverpool si uu u qasbado in la iibiyo. Gunners ayaa durbaba laga soo diiday dalab oo ay ku doonayeen Luis Suarez, waxaana Suarez uu furtay afka markii uu sheegay in Liverpool ay uga baxday balantii ay ka qaadeen ee aheyd inay iska iibin doonaan hadii aysan u soo bixin Champions League. “Xilligaan la joogo xaalada waxa ay jirtaa hakad.” ayuu Wenger u sheegay Al Jazeera Sport. “Waxaan maqlay in Suarez uu ka fiirsanayo inuu talaabo sharci ah qaado si loo iibiyo, laakiin mararka qaar waxaa lala xiriirinayaa ciyaaryahanka waxyaabo aadan ogeyn marka aad tahay qofka wax iibsan lahaa. “Sheekadaas waa mid u dhaxeysa Suarez iyo Liverpool, ma aqaano wixii la is yiri, wixii la iska balanqaaday, iyo wixii la qoray, kaliya Suarez iyo Liverpool ayaa go’aansan kara taas. “Wax anaga naga galay ma lahan. Waxaa naloo sheegay in ciyaaryahanka uu doonayo inuu ka tago Liverpool, taasna waa sababta aan u dalbanay.
Posted on: Wed, 07 Aug 2013 12:21:42 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015