sida aynu nolol maalmeedkeenna ugaga faa’iidaynno bisinka - TopicsExpress



          

sida aynu nolol maalmeedkeenna ugaga faa’iidaynno bisinka haddana waxaynu arkaynaa sida aynu nolol maalmeedkeenna ugaga faa’iidaysan lahayn aayadda 2aad ee suuradda Faatixah oo ah الْحَمْدُ لِلَّهِ رَبِّ الْعَالَمِينَ . Ugu horrayn waxaa loo baahan yahay in aynu isku dayno in aynu macnaynno weedhaha aayadda gaar ahaan kuwa muhimka ah si cadna u qeexno. Inta aan laga hadlin sida nololsha loogu dabaqi karo aayaddan waxaa haboon in si buuxda loo garto macnaha aayadda. Waxaan marka hore ku bilaabayaa macnaha ereyada aayadda oo kala ah الْحَمْدُ لِلَّهِ oo ah erey ka soo jeeda ereyga حمد oo ah mahadin waxayna aad isugu dhow yihiin ku shukrinta, mahadintu الْحَمْدُ waxay ku saabsan tahay gacan iyo gacan la’aanba. Waxaan uga jeedaa waxaa lagu amaanaa qofka markii uu wax ku siiyo iyo isaga oo aan waxba ku siin astaamo dhaqameedkiisa gaar ahaaneedba, hase yeeshee shurkigu wuxuu ku kooban yahay gacan wax lagaa taro oo keliya. Waxaan dulucda hadalkan uga jeedaa Ilaah keliya ayaa la odhan karaa الْحَمْدُ lagumase dhihi karo شكرا, waxaase شكرا lagu odhan karaa dadka oo keliya. Ereyga رَبِّ waa kan abuuray ee iska leh sidii uu doonana ka yeela cid ku qabasnaysaana jirin. Ereyga الْعَالَمِينَ waxay ka soo jeeddaa ereyga العالم oo ah uunka hase yeeshee ereyga الْعَالَمِينَ –na waa wadar oo macnihiisu yahay uuman fara badan. Waxaan dhegaystay sh. Umal oo leh waxaan dadka ogaysiinayaa in aan bilaabayo tafsiirka Quraanka kariimka ah. Markaas ayuu sh. Ilaahay raalli ha ka ahaado eh raaciyey Quraanka tafsiirkiisa ugu sarreeyaa waa midka aayaduhu is fasirayaan. Markaas ayuu u soo qaatay tusaale رَبِّ الْعَالَمِينَ wuxuuna sheegay in culumadu isku qilaafeen macnaha ereyadaan, hase yeeshee wuxuu shiikhu soo qaatay in ereyga الْعَالَمِينَ ay macnaysay aayadda markii uu Fircoon Muuse ku dhahay waa ayo رَبِّ الْعَالَمِينَ ayuu Muuse ugu jawaabay waa kan abuuray, iska leh wax alla wixii uu doonana ku samayn kara cirarka, dhulka iyo wax kasta oo laga helo kaas weeye رَبِّ الْعَالَمِينَ. قَالَ فِرْعَوْنُ وَمَا رَبُّ الْعَالَمِينَ(الشعراء 23). قَالَ رَبُّ السَّمَوَاتِ وَالْأَرْضِ وَمَا بَيْنَهُمَا إِنْ كُنْتُمْ مُوقِنِينَ(الشعراء 24). قَالَ رَبُّكُمْ وَرَبُّ ءَابَائِكُمُ الْأَوَّلِينَ(الشعراء 26). Halkaas ayaad ka garan karaysaa in الْعَالَمِينَ ay tahay caalamyo ama uuman fara badan oo la soo maray ama la mari doono oo weli noo dhiman. Haddaba aayadda macnaheedu wuxuu noqonayaa: Waxay tahay in loo mahad naqo man iska leh ee abuuray uumanka (cirarka, dhulka iyo wax kasta oo laga dhex helo) oo dhan oo keliya. Marka aayad ahaan maxaynu nolol maalmeedkeenna ka qaadan karnaa? Waxaan odhan karaa ugu horrayn in mar kasta oo aynu doonayno in aynu Alle barino aynu gaar yeelno oo aynaan cid kale u ekaysiin. Waa in aynu garanaynaa in isaga mooyee aynaan cid kale u baahnayn dhibna isaga mooyee cid kale uga cabsan dheefna isaga mooyee cid kale ka sugin, haddii aanay ina raalli gelinna aynaan wax yeeli karin isagase aanay waxba ku ahayn in uu si kasta noo cadaabi karo. Marka waxaa caqliyadda toosani sheegaysaa in wax kasta abaar iyo aaran, cudur iyo caafimaad, gaajo iyo dhereg iyo wax kale oo dhanba isaga lagu mahadiyo. Taas oo muujinaysa in aad Eebahaa raalli ku tahay wixii uu kuu garto iimaan ka weynina ma jiro. Haddaba ma in الْحَمْدُ لِلَّهِ رَبِّ الْعَالَمِينَ keliya afka laga yidhaahdaa maya ee waa in camal khayr ah la sameeyo waana kaas xamdinta ama mahad naqa ugu qiimaha iyo qaayaha weyni. Waxaan horay u soo sheegnay in uu qofku wax kasta oo uu bilaabayo uu bisinka u qabtaa, markii uu dhameeyana waa in uu dhaho الْحَمْدُ لِلَّهِ رَبِّ الْعَالَمِينَ . Bal ila arka aayaddan yaabka badan: الْحَمْدُ لِلَّهِ الَّذِي خَلَقَ السَّمَوَاتِ وَالْأَرْضَ وَجَعَلَ الظُّلُمَاتِ وَالنُّورَ ثُمَّ الَّذِينَ كَفَرُوا بِرَبِّهِمْ يَعْدِلُونَ(الأنعام 1). Waxaa mahad oo dhan iska leh Allaha abuuray cirarka iyo dhulka ee u yeelay mugdiga iyo iftiinka ka dibna kuwa Eebahood diiday in ay rumeeyaan u cadaalo sameeyey. Sidaas oo kale ayaa innagana nalaga doonayaa in midka ku xumeeya aad wanaajiso, kan ku qadiya aad wax siiso, kan ku abaara u ducayso kun ku caaya cafiso iwm. Bal aayadan kale ee iyana qalbiga qofka faraxa gelinaysa day. وَنَزَعْنَا مَا فِي صُدُورِهِمْ مِنْ غِلٍّ تَجْرِي مِنْ تَحْتِهِمُ الْأَنْهَارُ وَقَالُوا الْحَمْدُ لِلَّهِ الَّذِي هَدَانَا لِهَذَا وَمَا كُنَّا لِنَهْتَدِيَ لَوْلَا أَنْ هَدَانَا اللَّهُ لَقَدْ جَاءَتْ رُسُلُ رَبِّنَا بِالْحَقِّ وَنُودُوا أَنْ تِلْكُمُ الْجَنَّةُ أُورِثْتُمُوهَا بِمَا كُنْتُمْ تَعْمَلُونَ(الأعراف 43). Waxaanu kuwa jannada gala qalbigooda ka siibnaa wax kasta oo xumaan ahaa markaas ayay odahnayaan waxaa mahad oo dhan mudan Allaha meeshan nagu soo toosiyey iyada oo haddii uusan nagu soo toosin lahayn aannu ku soo toosneen runtii rusushii naloo soo diray run ayay noo sheegeen, markaas ayaa laga ag odhanayaa tani waa jannadii aad camalkiinna ku dhaxasheen. Jooji aayadaha ku qaban mayso midiba midda kale ka sii macaan badan hal aan milicsanno nebi Ibraahiim csw oo Eebihiis u mahad naqaya. الْحَمْدُ لِلَّهِ الَّذِي وَهَبَ لِي عَلَى الْكِبَرِ إِسْمَاعِيلَ وَإِسْحَاقَ إِنَّ رَبِّي لَسَمِيعُ الدُّعَاءِ(أبراهيم 39). Waxaa mahad oo dhan iska leh kan aniga duqoobay i siiyey Ismaaciil iyo Isxaaq sida runta ah Eebahay baryo loogama bixin oga. Marka in ubadka iyo wax kale oo dhan oo khayr kuu ah ee Alle ku siiyey aad ka mahad naqdo waa lagama maarmaan. Marka waxaa la doonayaa in ay ka mid noqoto nolol maalmeedkeenna mahad celinta Alle la mahadinayo.
Posted on: Mon, 26 Aug 2013 09:27:52 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015