waa maqaal farshaxanimo ku dheehan tahay oo u qoray aqoon yahan - TopicsExpress



          

waa maqaal farshaxanimo ku dheehan tahay oo u qoray aqoon yahan gees Dharaaro xusuustood 6 Xasanaw xoolodhaqasho iyo markaad xilli ka weynaatid Saw dharaaro tegay xusuustood dib uma soo gocatid Nin la odhan jiray Richard Burton oo ahaa dalmare Ingiriiska u dhashay oo qarnigii 19aad booqasho ku yimi Somaliland oo socdaal ku maray Saylac ilaa Harar ilaa Berbera, isaga oo sheeganaya Sheekh Cabdulla ayaa Berbera lagu dhaawacay markii la ogaaday inuu gaal yahay ee aannu muslin ahayn. Afcarabiga ayuu aad u yiqiin oo waxa uu Afka Ingiriiska u tarjumay sheekooyinka Carabiga ahaa ee Kun Habeen iyo Habeen, taas ayaa u suurtagelisay inuu Sheekh Cabdalla sheegto. Waxay sheeko aan la hubin tidhaahdaa, nin sheekh ah oo indhoole ah ayuu Berbera ku gacan qaaday, Sheekhii ayaa yidhi; ‘Waar gacantani mid Muslim ma aha ee ha la baadho. Sidaas ayaa lagu ogaaday oo dabadeed la doonay in la dilo, waase ka badbaaday isaga oo dhaawac ah. Waxa uu qoray Buugga uu u bixiyey ‘First Footsteps in East Africa.’ kaas oo uu kaga sheekaynayo wixii uu socdaalkiisa carriga Soomaalida kala kulmay. Waxa aan ka soo qaadanayaa laba arrimood oo ku sheegay Soomaalida kuwaas oo kala ah: In Soomaalidu tahay dad isqabad iyo muran badan oo weliba baryo badan oo Carabtu dalkood u bixisay Bilaad Wax-isii. (dalkii wax isiida). Labadii arrimoodba weli waa wadanaa. Hadda, beryahan waxa lagu muransan yahay wadahadlkii Somaliland iyo Soomaalia ee dhawrka jeer lagu kulmay marar kala duwan wadammada Boqortooyada Midawday, Turkiga iyo Isutagga Imaaraadka Carabta. Muruq laba suule, ninba si ku ah ayey Soomaalidu tidhaahdaa. Labada dhinac (waa Somaliland iyo Soomaaliya) midba si ayey ugu fasirtaa dadweynaheeda inkasta heshiisyada la soo wada saaray uu yahay mid qudha. Qolada Soomaaliya waxay tidhaahdaa waa soo wadnaa Somaliland inay ku soo noqoto midawgii. Qolada Somaliland-na waxay tidhaahdaa waan soo dhicinaynaa aqoonsigii gooni-isu-taagga Somaliland.Cajab! ninbaa yidhi’ ‘ma aniga ayaa waalan, mise Cadan ayaa laga heesayaa.’ Markuu maqlay Soomaali Cadan-weyn ka botarinaysa. Arrintaas oo uu liqi kariwaayey. Bishii Abriil 24keedii ee sanadkii 2002, markii Marxuun Cigaal loo qaaday Wadanka Koonfur Afrika ayaa diyaaradii nala sii fadhiisatay magaalada Daarasalaam ee caasimada dalka Tansaaniya, si ay shidaal uga qaadato. Haddaba intii diyaaradda shidaalka lagu shubayey ayaanu yara fadhiisanay qolkii VIP-da oo qaboojiye ku jiray, maagaalada oo xeeb ahayd oo kululayd awgeed. Waxa gidaarka sudhnaa sawirkii Neereeri oo ahaa Madaxweynihii ugu horreeyey ee dalkaasi markuu gobanimada qaatay. Marxuun Cigaal oo ay is yaqaaneen ayaa qoslay oo farta ku fiiqay oo yidhi; ‘habaarqabe.’ Waxa uu markaas marxuum Cigaal ka sheekeeyey arrin dhexmartay Nereeri (madaxweynihii hore ee Tansaaniya). Waxa uu yidhi; ‘waxa uu noo qabtay shir wadahadal aniga oo markaas ahaa Ra’iisal-wasaaraha Jamhuuriyadii Soomaaliyeed iyo Madaxweynihii Keeniya ee markaasi Joomo Keeniyaata (waa madaxweynaha Keeniya ee hadda Uhuru Keeniyaata aabihii, innagu Cigaal innankiisa maynaan dooran!!), deeto intuu iskaaya horfadhiisiyey ayuu yidhi; ‘waakaase wada hadla.’ Waannu isku qaadqaadnay oo muranay, cid na kala qabtaana ma jirin oo Neereeri waa noo aamusay. Waxba islamaanu gaadhin ilaayn cidi nama dhexdhexaadinayn eh.’ Sida aan dad ka maqlay labada wefdi ee Somaliland iyo Soomaaliya marka ay kulmaan waa la isaga tagaa, dabadeed way isku qaadqaadaan oo cidina ma dhexdhexaadiso. Sidaas ayey arrintu ku dhamaataa. Arrinta wadahadalka labada dhinac waxay ka soo yeedhay shirkii London,warqad murtiyeedii ka soo baxday, hase yeeshee mar qudha ayey Dawladda Baqortooyada Midawday ee Ingiriisku martigelisay wadahadalka, ka dibna faryaro bidix ayey ka baxday. Faryaro bidix waxa laga soo qaatay marka Jinka qofka laga furdaaminayo ee qiiqa lagu shido ee neeftu qabato ayuu jinigu yidhaahdaa waan ka baxayaa, xagee ayaa lagu yidhaahdaa?, waxa uu yidhaahdaa faryaro bidix. Tolow maxa ay u doorteen faryarada bidix? Waxba ma qabto ayaan u maleeyey. Waxa la wareegay sheekadii dhexdhexaadinta Somaliland iyo Soomaaliya Dawladda Turkiga, waxa soo dhexgashay haddana dawladda Imaraadka Carabta hal mar keliya. Haddana Turkiga ayaa dib ugu soo laabtay, Saddexdaa Dawladood Ayaa ka codsaday in la wada hadalsiiyo labada dhinac, oo codsigu ka yimi. Ma Somaaliland mise Soomaaliya? Qolna inooma sheegin. Hase yeeshee, haddii aan soo dheegto xog-ogaalnimo hore mar aan ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland sannadihii 2002-2003, waxa martiqaad noo fidiyey Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Koonfur Afrika Mrs. Zuma oo hadda ah Xoghayaha Midawga Afrika oo marna ahayd Marwadii Madaxweynaha Koonfur Afrika ee hadda Mr. Zuma. Waqtigaas xidhiidh xooggan ayaa Somaliland la waday Konfurta Afrika. Waxay marwo Zuma noo sheegtay in Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya oo waqtigaas ahaa Yuusuf Dheeg uu ka codsaday in Dawladda Koonfur Afrika wada hadalsiiso Somaliland. Dawladaha, Boqortooyada Midawday (UK), Turkiga, Imaaraadka Carabta intaba waxa la xidhiidhay Dawladii Shariif Axmed ee Soomaaliya oo ku beerlaxawsatay inay Somaliland u soo xerageliyaan, Dawladdan cusubina halkii ayey ka sii waday. Haddii ay sidaasi tahay oo codsigu ka yimi dhinacaas, marka dawladahaas oo dhami waxay ku taageerayaan (maadaam ay ictiraafsan yihiin Dawladda Soomaaliya) Soomaaliya sidii Somaliland loogu qanci lahaa ku soo noqoshada midawgii Soomaaliya. Marka ujeeddada qabashada wadahadalka sida dawladda Soomaaliya sheegaynayso ayaa u eg mid u dhaw oo ay ka warhayaan dawladaha martigeliyaa. Garoonka kubadda lagu ciyaaro qoloba garoonkooga ayaa mar lagu ciyaaraa ee ma haysanaa garoon aynu leenahay oo dheesha aan mar keeno.? Wadahadalku ma xuma oo dadku hadalka ayey xayawaanka dheer yihiin. Waxa la sheegay in laba dadyaw waqti hore ay ku kulmeen Dhulwaynaha Yurub. Kuwa Afrika ka tegay iyo kuwa Yurub joogay. Waxa la ogaaday in kuwii Yurub loogu tagay ay dabar go’een. Kuwii Afrika ka tegay ayaa adkaaday oo dadka Yurub hadda ku nooli ka soo tafiirmeen. Waxa sababta loo aaneeyey, in kuwa Afrika ka tegay ay wada hadli jireen, kuwa Yurub loogu tegay aanay hadalka ama af la isku afgarto aanay lahayn oo sidaas darteed lagaga adkaaday noloshii oo ay galbadeen. Yuhuudii iyo Falasdiiniyiintii ayaa wada hadlaya, labadii Kuuriya (dalalka Kuuriyada Waqooyi iyo Kuuriyada Koonfureed) ayaa wada hadlayaa, sidaa darteed Soomaaliya iyo Somaliland-na waa wada hadli karaan. Waxa uun ka maqan cid itaal leh oo hoggaaminaysa wadahadalka oo dan ka leh Mandaqadan. Dalka Koonfurta Suudaan waxa uu ku yimi wadahadal ay dabadda ka riixayeen Dawladaha reer Galbeedka ee Kiristaanka ah; kuwaas oo ka hiiliyey Suudaanta Muslinka ah. Innagu wada Muslin ayaan nahay. Dawladaha Muslinka ihi laguma yaqaan u kaalmaynta xuquuqaha aadamiga ah. Waxay hadal kuugu soo horaysiinayaan wada jooga muslinka quwadiisa ha qaybinina, hadda waa meel lagu hoobtay oo mar hore goraygii ka hadaafay oo lagu kala tegay. Marka horena waxba kama qabtaan dhibaatada. Haddaba Turkiga oo dadka Kurdiyiinta ah xuquudooda u diiday, una hanjabay haddii Kurdiga Ciraaq Dawlad madaxbannaan ku dhawaaqaan inuu qabsanayo oo aannu oglayn, markaa Turkigu hadda muxuu soo wadaa oo ku kordhin karaa wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya? Dee waxba. Eriteriya iyo Itoobiya waxa isfahmay labadii Jabhadood ee Dawladdii Mengisto ee Itoobiya ka adkaaday, dabadeed, waxay isla ogolaadeen inay iska kala faataxaystaan oo iska kala tagaan. Ma dhici kartaa labadii jabhadood SNM iyo USC ee Dawladdii Siyaad Bare ka adkaaday inay sidaas oo kale isu afgartaan, iyada oo waddan saddexaad loo baahan? Ma suurtageli kartaa in qolada Ayuha Naastu inay u yara faqdayso, ilayn ood jiidis iyo qaadis waa isla gurigeyne? Waa su’aalo furan. Waxa loo baahan yahay in la raadiyo dal dhexdhexaadiya Somaliland iyo Soomaaliya oo rumaysa aayo-ka-tashiga iyo xuquuqda adaamig oo aan dano siyaasadeed ka lahayn Soomaalida. Waxa laga heli karaa dalalka Waqooyiga Yurub ee lagu magcaabo Dalalka Iskandaniifiya oo ay ka mid yihiin dalalka Sweden, Norway, Denmark, Finland Maxamed Siciid Gees Hargeysa
Posted on: Thu, 29 Aug 2013 19:16:02 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015