war bixin Xog dhab ah xanbaarsan: Raysal wasaarihii hore ee - TopicsExpress



          

war bixin Xog dhab ah xanbaarsan: Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya hadana ah musharax u taagan Doorashooyinka Madaxtooyada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa kala siiyey labo waraysi TV-yada Somali Chanel iyo Universal mar uu ku suganaa todobaadkan Magaaladda Nairobi ee xarunta Dalka Kenya wuxuuna kaga hadlay waraysiyadaas Puntland, Musharaxnimadiisa & Qorshihiisa waxqabad hadii loo doorto Xafiiska . Puntland. Dr. Gaas wuxuu sheegay in Puntland ku sugan tahay marxalad uu ugu yeeray tii ugu xumaday ee soo marta abid isagoo xusay inay jirto Nabadgelyo xumo, Dhaqaale burbur, Mushahar la’aan, Kala furfurasho iyo Go’doon siyaasadeed isla markaana loo baahan yahay in la helo hogaan marxaladaas wax ka qaban kara uuna isagu isu arko shakhsiga ugu haboon ee maanta hogaamin kara Puntland. Nabadgelyada. Wuxuu xusay in ay Dalka ka jirto Nabadgelyo xumo baahsan taasina ay sababtay in Dilala qorshaysan ka dhacaan Magaalooyinka qaar Gaadiidkana lagu kala dhaco inta u dhaxaysa Boosaaso iyo Qardho . Amaanka Puntland ayaa ah wakhtigan mid degan Dowladuna waxay la tacaalaysaa sidii ay wax uga qaban lahayd kooxaha argagixisada ah (Al-Shabaab) oo khatar ku ah amaanka Dalka iyo Guud ahaan xasiloonida Gobolka iyadoo dhigtay inta u dhaxaysa Boosaaso ilaa Kalabayr inka badan 1,400 oo Askari si ay uga hortagaan in kooxda Al-Shabaab firxadkoodu soo galo buuraha Galgala oo dhowr jeer oo hore maamulku kula galay Dagaalo xoog leh . Falalka guracan ee Argagixisadu waa kuwo ay beesha caalamku dhibane u tahay had iyo jeerna ka dhaca meelkasta waxaana ugu danbaysay dhacdadii Waste Gate ee Magaalada Nairobi hase yeeshee Xukuumada Puntland waxay dadaal dheer u gashay sidii ay u xakamayn lahayd falalkaas isugu jira Dilalka Qorshaysan iyo Qaraxyada waxaana lagu guulaystay in si weyn loo wiiqo waana Deegaanka ugu amaanka fiican Soomaaliya wakhtigan iyadoo la ogyahay dhibaatooyinka ka jira Dalka intiisa kale kuwaas oo markasta saamayn ina ku yeelan kara. Mudadii Madaxweyne Faroole xilka hayey wuxuu ku guulaystay dhismaha Laamihii Ciidamada oo hortiisa ahaa kuwo magac ahaan u jira sida Daraawiishta, Booliska, Asluubta iyo Ciidamada La dagaalka burcad badeeda si loo helo Ciidamo awood u leh wax ka qabashada Amaanka kana difaaca Puntland kuwa khatarta ku ah jiritaankeeda. Burbur dhaqaale. Dr. Gaas wuxuu sheegay inay Puntland ka jirto burbur dhaqaale taasna ay sabab u tahay aqoon yari iyo Maamul xumo wuxuuse hilmaamay in dhaqaale xumada ka jirta guud ahaan Soomaaliya ay sabab u tahay iyadoo suuqyada laga waayey lacagtii Shilin Soomaaliga ahayd taasina ay sababtay inuu hoos u dhac ku yimaado doolarkii Dowladii uu hogaanka u hayeyna ay ku guuldaraysatay inay soo daabacdo lacago cusub oo wax ka qabta hoos u dhaca dhaqaale iyadoo fulin weyday heshiisyo dhowr ah oo ay Puntland kula gashay soo daabicida lacago cusub. Mushahar La’aan. Wuxuu ku sheegay Waraysiyadii uu bixiyey inay Puntland ka jirto mushahar la’aan baahsan aana la siin shaqaalaha Dowlada mudo ka badan 7-bilood oo xiriir ah wax mushara ah eedayntaas oo ah waxba kama jiraan. Xukuumada Madaxweyne Faroole waxay ku guulaysatay inay si joogta ah oo aan dib u dhac lahayn u bixiso adeegyadaiyo iyo Musharka shaqaalaha bil walba iyadoo kordhisay in ka badan 200% waana markii ugu horaysay taariikhda Puntland si joogta ah loo bixinayey mushaharka shaqaalaha tan iyo asaaskii Maamulka 1998. Waxaa jirtay bilihii ugu danbeeyey dib u dhac ku imanayey bixinta mushaharka Hay’adaha qaarkood taasina maahan mid ay sababteeda leedahay Xukuumadu laakiin waxaa sabab u ah hoos u dhaca ku yimi miisaaniyadii Dowladda kadib markii suuqyada ay ku yaraatay lacagtii shilin soomaaligu sidaas oo ay tahay Dowladu waxay wax ka bedel ku samaysay miisaaniyadeedii si looga gudbo dhibaatadaas. Si loo xaqiijiyo inay si joogta ah u helaan shaqaalaha Dowladdu mushararkii loona sii wado habsami u socodkii shaqada, Dowladdu waxay ku dadaashay sidii ay muhiimada koowaad u siin lahayd hay’adaha muhiimka ah sida laamaha Amaanka (Ciidamada) iyo Shaqaalaha Ilaha dakhliga kuwaas oo si joogta ah u hela xuquuqdoodii bil walba halka shaqaalaha Hay’adaha kalena ay u helaan xuquuqdooda si joogta ah inkasta oo mararka qaar ay wajahaan dib u dhac aan sidaa u sii buurnayn. Midnimada Puntland. Cabdiweli Gaas wuxuu sheegay inay Midnimadii Puntland khatar ku jirto kadib markii beelaha qaar ay samaysteen maamulo u gaar ah sida Khaatumo halka beelo kalena ay ku hawlan yihiin samaynta maamulo cusub . Wuxuu ku eedeeyey Dowladda Puntland inay bixisay Caasimadii Gobolka Sool ee Laascaanood waxna ka qaban weyday taas oo sabab u noqotay dhismihii Maamulka Khaatumo . Dadka reer Puntland waa kuwo Ab & Isir wadaag ah suurtagalna maaha inay ku kala tagaan si fudud waa dhici kartaa in shakhsiyaad leh dano siyaasadeed ay ka dhaadhacsiiyaan bulshada qaaybaheeda kala duwan fekrado khaldan si ay ugu raadsadaan jagooyin siyaasadeed . Xukuumada Madaxweyne Faroole kuma lahan wax eed ah Arrinta Laascaanood mana joogin xafiiskii wakhtigii maamulka Somaliland qabsaday doorashadeedii kadibna ma jirin Ciidamo Puntland ah oo awood u leh inay xoreeyaan markii lagu guulaystay in la soo dhiso Ciidamo fursad looma siin inay soo gacan geliso magaaladaas waxaana soo baxay kooxo kale oo leh dano siyaasadeed kuwaas oo carqalad joogta ah ku noqday dadaaladii Dowladu ugu jirtay dib u xoraynta deegaanada maqan ilaa ay asaaseen Ururkii SSC iyo Khaatumo si ay ugu gaaraan dano siyaasadeed. Dowladda Puntland waxaa ka go’an difaacida xuduudaha Dalka iyo Ilaalinta wada jirka Umada waxaana tusaale kuugu filan mudadii Madaxweyne Faroole xafiiska joogay Puntland in aanay lumin taako dhul ah iyadoo la iska difaacay weeraro dhowr ah sida qabsashadii Galgala iyo duulaankii ugu danbeeyey ee Somaliland ku soo qaaday Gobolka Sanaag dhamaadkii Nov, 2012 si ay uga qabato doorashooyinkii Golayaasha Deegaanka markaas oo Xukuumadu Gobolkaas u dirtay Ciidamo xoog leh kuwaas oo u saamixi waayey Maamulka Hargaysa inuu gudaha u soo galo Gobolkaas. Go’doon Siyaasadeed . Dr. Gaas wuxuu sheegay inay Puntland ku jirto go’doon siyaadadeed loona baahan yahay in hogaanka Puntland loo dhiibo si uu ugu xiro beesha caalamka maadaama uu xiriir fiican la leeyahay wadamada dibada sida uu ku doodey . Muwaadin kastaa wuxuu ka dheregsan yahay in Madaxweyne Faroole iyo Xukuumadiisu ay guulo aan la dafiri Karin ka soo hoysay xiriirka dibada ayna ka saareen Puntland qoqobnaantii siyaasadeed ee ay horay ugu jirtay iyagoo ka dhigay mid xiriir adag oo ku dhisan jewi saaxiibtinimo iyo mid iskaashi la leh dunida inteeda kale. Horumarinta Puntland. Dr. Gaas Wuxuu sheegtay inuu horumar balaaran gaarsiiyey Puntland uuna wax badan u qabtay mudadii uu Xafiiska joogay isagoo tusaale u soo qaatay Garoonka Diyaaradaha Boosaaso iyo Deeqo Waxbarasho . Wuxuu hilmaamay inuu masuul ka ahaa dib u dhaca ku yimi dhismaha Garoonka Diyaaradaha Boosaaso kadib markii uu dhaqaalihii Telyaanigu ugu talo galay u weeciyey meelo kale oo ka mid ah Soomaaliya sida Jowhar iyo Beledweyne taas oo qayb ka ahayd ololihii uu ugu jiray sidii loogu dooran lahaa Madaxweynaha Soomaaliya, Waxayna ku qaadatay Madaxweyne Faroole wakhti badan sidii uu dib ugu soo celin lahaa dhaqaalihii Dr. Gaas kala dhantaalay ilaa uu ugu danbayntii ku soo guulaystay qandaraaska dhismaha Garoonkuna maanta yahay mid dhegan oo gebo geba ah . Wuxuu kale oo ku guuldaraystay inuu Puntland ka soo gaarsiiyo qaybteeda dhaqaalihii faraha badnaa ee Beesha Caalamku ku soo daabulaysay Muqdisho gaar ahaan kaalmadii Turkiga iyo Deeqihii Waxbarasho oo ka badnaa kumanaan Kun oo boos. Dastuurka Soomaaliya. Wuxuu ka gaabsaday inuu si qumaatiya uga jawaabo Laba su’aalood oo ku saabsanaa wax ka bedelka Xukuumada Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ku samaysay Dastuurkii Federaalka Soomaaliya maadaama uu xogogaal badan u ahaa Dastuurkaas. Isagoo jawaabtiisii ku soo koobay Puntland ha cadayso qodobada la bedelay kuwaas oo ah kuwo mar hore Dowladu soo bandhigay lana gaarsiiyey Warbaahinta taas oo muujinaysa karti daradiisa siina xoojinaysa shekigii horay looga qabay inuu xiriir hoose iyo is gaashaan buuraysi siyaasadeed la wadaago Madaxtooyada Villa Somaliya. Anigaa ku haboon. Wuxuu si weyn ugu dooday inuu ku haboon yahay hogaaminta Puntland uuna ka saari doono wuxuu ugu yeeray dhibaatooyin baaxad leh ee Gobolkaas ka jira isagoo taas sabab uga dhigay aqoontiisa dhaqaale iyo Waayo aragnimadiisa siyaasadeed . Mudo badan kuma soo jirin masraxa siyaasada, Kama soo shaqayn wadanka gudihiisa, Fursadna uma helin inuu xil ka soo qabto Dalka, Mudadii burburkana wuxuu ahaa dibad joog (Qurbaawi) taas oo u saamixi lahayd inuu Dalka u yeesho khibrad fiican, Shaqada Dowlada wuxuu ka bilaabay Raysal Wasaare ku xigeen isagoo ku dhamaystay Raysal Wasaare mudo ka yar 2 sano qofkastaana waa dareemi karaa mudada sidaa u kooban khibrada uu kasban karo shakhsi socod barada ah oo ku cusub masraxa Siyaasada . Wuxuu hilmaamsan yahay raga uu kula tartamayo hogaanka Puntland oo uu ugu horeeyo Madaxweyne Faroole inay leeyihiin waayo aragnimo gaamurtay ayna mudadii Puntland jirtay iyo ka horba ahaayeen kuwo u adeegayey bulshada . Ma filayo inuu jiro shakhsi uga aqoon badan dhaqaalaha Puntland Madaxweynaha hada Xafiiska jooga waayo wuxuu leeyahay khibarad dhaqaale oo uu kaga soo shaqeeyey wadanka gudihiisaiy dibadiisa isagoo Dalka ka soo qabtay xilal fara badan oo maaliyadeed sida Agaasimiha Bankiga Ganacsiga Soomaaliya, Wasiirka Maaliyada iyo Wasiirka Qorshaynta Puntland ilaa uu soo gaaray jagada Madaxweynenimo waana wax lala yaabo Dr. Gaas inuu ku eedeeyo Xukuumada Madaxweyne Faroole inay haysato aqoon yari dhaqaale iyadoo uu horumaad u yahay shakhsi waayo aragnimada baaxadaas leh xanbaarsan. Qof aan ii furi doonin iima raro . Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) hadii uu leeyahay karti iyo aqoon hogaamineed kuma soo hungoobeen doorashadii Madaxweynaha Soomaaliya iyo Dhismihii Xukuumada Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud waxaase cadaan ah inuu lunsaday malaayiin doolar oo beesha caalamku ugu deeqday Dadkii abaaruhu saameeyeen iyo dib u dhiska Dalka sida ay sheegtay Qaramada Midoobay dhaqaalahaasina waa kii uu u adeegsaday ololihii doorasha Soomaaliya hadana ula soo socdo Puntland meelkastana kaga faanayo waxaan haystaa dhaqaale iga badan. Eedaha uu maanta u soo jeediyey Xukuumada Madaxweyne Faroole waa mid siyaasadeed oo uu ku doonayo inu ku galo doorashada balse hadii ay yihiin kuwo xaqiiqo ah wuxuu ka hadli lahaa mudooyinkii hore ama markii uu ahaa Raysal wasaaraha Soomaaliya . Shacabka Reer Puntland iyo Kuwa uu hada u doodayo si uu codkooda u helo ee degan Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn waa kuwii uu horay wax ugu qaban waayey kuna dari waayey wada hadaldii Dowlada Ingiriisku u fidisay Dowladiisii iyo Somaliland sida bareerka ahna uga aamusay halka Madaxweyne Faroole meelkasta kaga doodayey in laga qayb geliyo wada hadaladaas si ay u hordhigaan caalamka tacadiyada Maamulka Haragysa ka wado Deegaanadaas iyo rabitaanka dhabta ah ee shacabka Goboladaas. Shiiine Culay Wariye madaxbanaan
Posted on: Fri, 27 Sep 2013 07:43:45 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015