waxaa xusid mudan in war bixin ay dhawaan soo saartay kooxda - TopicsExpress



          

waxaa xusid mudan in war bixin ay dhawaan soo saartay kooxda qaramada midoobay u qaabisan soomalia iyo eritrea lagu sheegay in dagaal ooge yuusuf max’ed siyaad indha cadde iyo taliyaha guutada seedexaad ee ciidanka xooga dalka soomaaliyeed jeneral max’ed rooble jimcaale gobaanle ay yihiin qas wadayaasha deegaamada aynu kor ku soo sheegnay ee beesha biimaal degto. labadan nin oo ka wada tirsan ciidanka dawlada ayaa hadana ah kuwo kasoo wada jeeda beesha ku soo duushay deegaamada gobolka shabeelada hoose. hadaba iyadoo taasi ay jirto ayaa waxaa jira hadalo uu yiri wasiirka arimaha gudaha ee dawlada federaalka ah ee soomaaliya oo marka ay taariikhdu ahayd (28.07.2013) ay suaalo dhowr ah xubno ka tirsan baarlamaanku ku weydiiyeen qaabka iyo qorshaha dawlada ee ku wajahan xaga amniga iyo maamul u sameynta gobolka shabeelada hoose. kaasoo uu wasiirku ku hadaaqay in shir loogu qaban doono beelahaasi magaalada muqdisho. sidaa daraadeed beesha biimaal iyo beelaha kale ee dega deegaankaasi ma aysan dalban mana aqbali doonaan in shir loogu qabto meel ka baxsan deegaankooda, waana in ay dawladu martaa qaab la mid ah qaabkii deegaamada dalka ee horey loogu sameeyey maamulada sida gobolada hiiraan, bay & bakool, iyo shabeelada dhexe.
Posted on: Sat, 31 Aug 2013 17:45:24 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015