60-kii sano ee u danbaysay Siyaasiyiinta Qowmiyada Digil iyo - TopicsExpress



          

60-kii sano ee u danbaysay Siyaasiyiinta Qowmiyada Digil iyo Mirifle Dagaal iyo Qayladhaan bay ku jireen, sanadkaan 2013 duqowdooda, waxgaradkooda, hablahooda iyo Dhalinyaradooda ayaa mar qura kuwada biiray Dagaalka iyo Qeylo dhaanka, ay ku difaacayaan dhulkooda, waxaa layaab ah maanta in lagu gorgortamayo kala qeybsiga dhulka Qowmiyada Digil iyo Mirifle oo ah Qowmiyad Facweyn. Kooxda Xasan Guurguurte heshiiska ay Dhulka Digil iyo Mirifle ugu hibeysay Beesha Ogaadeeniya ma Boob cusub baa? Mise waxa uu lamid yahay kan beelaha Hiraab ay ku doonayaan inay kula wareegaan gobolka Barwaaqo sooranka ah ee Shabeelaha Hoose.? Dhanka kale inay jirto shirqool fog oo dhulka Digil iyo Mirifle lagu qaybsanayo oo ay dowlado shisheeye qayb ka yihiin waxaa inoo cadeeyay heshiiskii Addis Ababa Digil iyo Mirifle dhulkooda ay ku kala qeybsadeen Isbaheysiga Cusub ee Daarood iyo Hawiye. Sheekh Kashka oo ka hadlayey heshiiskii Anwar Asadat la saxiixday Isreal 17/9/1978-kii (Camp Devid agreement) waxuu yiri “Masar oo 7-kun oo sano xadarad ah leh oo ka soo jeeda Faraaciintii inay Yahuud oo fitnadooda Alle noo sheegay heshiis la saxiixato waxay muujinaysa Anwar inuu ka liito xitaa Siyaad Barre oo madaxweyne u ah shacab aan xadaarad lahayn oo diiday inuu Yahuud heshiis la saxiixdo, maanta sow ma dhihi karno heshiiskan dhulka Digil iyo Mirifle lagu siinayo Jabhad Kenya iyo Ethiopia ay dabada ka riixayaan uu ka shiddo badan yahay maalintii Beelaha Mareexaan iyo Habargidir ay xasuuqeen shacbweynaha Digil iyo Mirifle. Arinta iigu yaabka badan ayaa waxay tahay markii xalay aan daawaday khudbadii Xasan Guurguurte uu ka jeediyay Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay oo ka hor sheegay in dowladiisu ay Maamulada Puntland iyo Jubba ay u aqoonsan tahay Dowlad Goboleed. Isbaheysiga Daarood iyo Hawiye Boobka aad ka wadaan Dhulka Digil iyo Mirifle iyo garabka dowladaha deriska aad ka helaysaan Xaaraan bay ka tahay inaydan kula wareegeen dhulka DM. Digil iyo Miriflow Dagaal Huri Maysaane u Diyaar Garoowa.
Posted on: Fri, 27 Sep 2013 15:32:12 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015