613 Caruur ah oo la ildaran cudurka Jadeecadda dalka Holland - TopicsExpress



          

613 Caruur ah oo la ildaran cudurka Jadeecadda dalka Holland Tirada dadka uu asiibayo cudurka jadeecada ayaa sii kordheysay,cadadka la diiwaangeliyeyna ilaa hada wuxuu sii marayaa 613 xaaladood,in ka badan todobaadkii hore oo aheyd 147ruux. Lix ruux oo kale ayaa la dhigay isbitalka sida ay maanta sheegtay hayada caafimaadka iyo deegaanka ee marka magaceeda la soo gaabiyo la yiraahdo ? (RIVM) Gaar ahaan gobolada webiyada ku yaalo ayuu si aad ah ugu fiday todobaadkii hore.waxaana la filayaa in dad aad u badan uu soo rito cudurka jadeecada,waayo qofwalbo horey kama aadayo dhaqtarka. Afar meel oo ay ku yaalaan GGD Netherland ayaa markii ugu horeysaytodobaadkii hore laga soo sheegay cudurka jadeecada inuu ka jiro gobolada GG iyo GD Utrecht,GGD Denhaag,GGD Flevoland iyo gobolka Brabant. Inka badan 96 percent ayaan la talaalin waxaaney u nugul yihiin iney qaadaan cudurka. Tan iyo inta uu bilowday faafida waxaa soconaya talaalo looga hortaga cudurkan si looga hortago carruur badan inuu galaafto.
Posted on: Thu, 25 Jul 2013 22:34:48 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015