ADI IYO BISADAADA UUNBAAN IDIIN KALA TURJUMAYAY Nin marqaansan - TopicsExpress



          

ADI IYO BISADAADA UUNBAAN IDIIN KALA TURJUMAYAY Nin marqaansan ayaa hada kahor ah soo galay meel Kawaan ah oo hilibka lagu gado, gadaashiisa waxaa taagneed Bisad, bisadii ayaa 'Miyaaaw miyaaaw' dhahday, markaasuu kii marqaanka la hadlay ninkii hilibka gadaayay waxa uu dhahay: 'Kiilo beer ah bisada sii', Hiliblihii bisadii ayuu kiiladii beerka siiyay, kadibna horey ayay ka dhameesatay, oo hadana 'Miyaaw miyaaw' ayay dhahday, kii marqaanka hadana waxa uu dhahay: 'Bisada kiilo hilib ah sii markaan' isla markiiba bisadii kiiladii hilabkii way cuntay, ninkii marqaanka ahaana albaabka ayuu kasii baxay, kii hiliblaha ahaa ayaa ka daba imaaday, aaway lacagteydii?? ayuu dhahay, kii marqaanka waxa uu dhahay: 'maxaa iga galay lacagtaada, adiga iyo bisada ayaa idiin kala tarjumaayay bes'.hiliblihii naxdin kkk
Posted on: Tue, 23 Jul 2013 07:18:52 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015