Agaasimaha cusub ee Madaxtooyadda Taabid Abdi ayaa sheegay inuu - TopicsExpress



          

Agaasimaha cusub ee Madaxtooyadda Taabid Abdi ayaa sheegay inuu bixiyay amarka lagu jibiyay qolka Korneyl Mohamud Koronto,wuxuuna amray in dhamaan alaabahiisa dibadda lagu daadiyo. Korneyl Mohamud Koronto oo ahaa Taliyahii Jazeera waxaa la deganaa Saraakiil ay ka mid yihiin Ahmed Omar Jees,Jeneral Caanood iyo Xildhibaan Ceeymooy lamana jibin qolalkooda. Inkastoo Korneyl Koronto ka gaabsaday inuu si faahfaahsan uga hadlo falka lagula kacay hadana waxaa la rumeeysan yahay in Madaxweyne Garguurte dagaal kula jira dhamaan dadka u dhashay beesha Madaxweynahii hore ,Shariif Sheekh Ahmed,wuxuuna Madaxtooyada ka sifeeyay dhamaan shaqaalahii beesha Harti Abgaal. Awood ku faan beeleeysan iyo xadgudubyo baahsan ayaa ka socda Villa Somalia kadib markii shaqsiyaad u dhashay beesha Madaxweyne Garguurte la wareegeen Xafiisyada Madaxtooyadda. Madaxweyne Garguurte wuxuu dhamaan Agaasimeyaasha Madaxtooyadda u magacaabay dad u dhashay beeshiisa Waceeysle . Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda Madaxtooyadda Dr Hilowle Abukar Mohamed oo u dhashay reer Mantaan ayuu Madaxweyne Hassan shaqadii ka eryay,wuxuuna booskiisa u magacaabay Gabadh u dhalatay beesha Waceeysle oo lagu magacaabo Muno. Mr Hilowle oo ka mida qurbajoogtii ka tegay Dalka Canada wuxuu ku gaabsaday inuu shaqada iska casilay kadib markii uu Cadaadis kala kulmay Madaxweynaha hasse yeeshee haweeneeyda lagu bedelay ee Muno waa Xaaska Agaasime ku xigeenka Madaxtooyadda Abdi Muhumud,oo isagana beesha Waceeysle u dhashay. Abdi Muhumud oo loo yaqaan HITLER. wuxuu soo maamulay Shirkadda Alba ee Reer Maalin Bariir. Madaxweyne Hassan wuxuu shaqadii ka fariisiyay Ibrahim Sheekh Muxudiin wuxuuna Agaasimaha Baratakoolka u magacaabay wiil uu adeer u yahay oo lagu magacaabo Abdirahman Adan Cismaan {Kampala}. Agaasimeyaasha beesha Waceeysle ee Villa Somalia maamula. 1-Agaasimaha guud ee Madaxtooyadda Taabid Abdi .- Waceysle Abgaal 2- Agaasime ku xigeenka guud ee Madaxtooyadda -Abdi Muhumud - Waceysle Abgaal. 3- Agaasimaha Baratakoolka Madaxtooyadda - Abdirisak Adan Osman {Kampala- Waceysle Abgaal. 4 -Agaasimaha Maaliyadda iyo Maamulka Madaxtooyadda - Muna Mohamed - Waceeysle 5- Khasnajiga Madaxtooyadda Ismail Wardheere - Waceysle Abgaal. Hadii Madaxweyne Hassan Garguurte sidaan qabyaaladeeysan ku rabo inuu dalka Somalia ku maamulo wuxuu mudan yahay in loogu maahmaaho DUKO CALAF UU CAANO KU HELO WAA LEEYAHAY LAAKIIN CALAF UU KU QABO MALAHA maxaa yeelay qabyaalad iyo Cadaalad daro waa tan Somalia u horseeday burbur iyo Dowlad la-aan. Hadii Madaxweynaha Somalia ku fikiray inuu Madaxtooyadda ka eryo wixii ku abtirsada beesha Madaxweyne Shariif Sheekh Ahmed ,waxay ka dhigan tahay garasho xumo liidata maxaa yeelay Harti Abgaal waa beelweyn kala ficiltami karto xumaanta nuucaasa. Sida muuqata ,Somalia waxaa ka khasaaray afar sano ,iyadoo dad badan qabeen in Madaxweynaha la doortay yahay ninkii dalka burbursan dib u dhisi lahaa,dadka qabiilka isu laayana heshiisiin lahaa laakiin LA MOOD NOQONSE WAA. Waxaa isku dubariday Abdisalan Yusuf iyo Abdirashid Dahir oo Muqdisho iyo London jooga,waxaa tafatiray Dahir Abdulle Alasow oo Netherland jooga.
Posted on: Mon, 22 Jul 2013 03:23:05 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015