Akhristayaasheenna sharafta leh ee ku taxan Shabakaddan Shaaciye - TopicsExpress



          

Akhristayaasheenna sharafta leh ee ku taxan Shabakaddan Shaaciye gaar ahaan qeybta sheekooyinka Jaceylka waxaan maanta u soo ban-dhigaynaa qiso aad u xanuun badan oo ku dhacday Wiil Soomaaliyeed, annagoo mar-kasta isku dayeyna in aan macaamiissheenna qancinno. C/qaadir waa Wiil dhallinyaro ah, wuxuu ku dhashay magaalada Muqdisho ee caasimadda Somaaliya, haddana wuxuu ku noolyahay dalka Sweden, wuxuuna xiriir la soo sameeyay shabakadda warbaahinta caalamiga ah ee shaaciye. C/qaadir wuxuu tagay dalka Sweden sanadkii 2009-kii, isagoo halkaa ka bilaabay waxbarashadiisa, wuxuuna sheegay in muddo kadib in ay School-ka iska barteen Gabar lagu magacaabo Nimco oo iyaduna Iskuulka wax ka baran jirtay, wuxuuna intaa raaciyay in is araggii ugu horreeyay ee ay Nimco is arkaanba uu u qaaday dareen jaceyl oo dhab ah. Nimco ayaa iyadana sidoo kale waxey ka heshay C/qaadir oo markii dambe ay si toos ah isku barteen, waxaana halkaa ka dhashay xiriir jaceyl oo aad u heer sarreeya, waxeyna wada socdeen muddo dhan 3 Bilood. Nimco waxey ka dhalatay beelaha laga tirada badanyahay, waxeyna isku dayeysay in Gacaliyaheeda C/qaadir ay ka qariso Beesha ay ka soo jeeddo oo ay Soomaalidu qalad ka aaminsanyihiin, balse markii dambe C/qaadir ayaa arrinkii soo ogaaday kadib markii uu la sheekeystay qaar ka midah asxaabtiisa, laakiin C/qaadir waxba uma qaadan oo waxaa ka weynaa jaceylka dhabta ah ee u hayo gacalisadiisa Nimco. Muddo kadib ayaa Nimco waxey isku dayday in Saaxiibkeeda C/qaadir ay u sheegto Beesha ay tahay si ay u ogaato waxa uu ka aaminsanyahay, laakiin C/qaadir oo arrinka horey ula socday ayaa u sheegay in muhiimaddu ay tahay in jaceylka laga run sheego. Intaa ka gadaal Nimco waxey u aragtay in aysan xiriir lasii wadi karin C/qaadir iyadoo ka baqeysay in uu dhib kaga yimaado Eheladiisa, waxaana halkaa ka dhalatay habacsanaan ku timid xiriirkii jaceyl ee horey u jiray. C/qaadir ayaa sheegay in gaabiska ku yimid xiriirkii jaceyl ee uu la lahaa Nimco ay sabab u yihiin Gabdho kale oo uu xusay in ay ka dhex shaqeeyeen isaga iyo Gacalisadiisa. Haddaba C/qaadir oo wali jaceyl dhab ah u haya Nimco ayaa waxaa la soo daristay dhibaato dhanka jaceylkiisa ah, maadaama Nimco ay hadda sidii hore ahayn oo ay fahan kale qaadatay, wuxuuna isku dayayaa in uu ka dhaadhiciyo farqiga u dhexeeya qabiilka iyo jaceylka, isla-markaana uusan jirin Qabiil kan kale ka sharaf badan. C/qaadir oo la hadlayay Wariyeyaasha arrimaha Bulshada ee shabakadda warbaahinta shaaciye ayaa intaa ku soo geba-gabeeyay Qisadaas xanuunka badan, wuxuuna dhamaan macaamiisha Sharafta leh ee shabakaddan ka codsaday in ay talo ka siiyaan arrinkan culeyska badan.
Posted on: Thu, 11 Jul 2013 01:21:20 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015