Annalena Tonelli waa Qof aan islaam aheyn Hadana u shaqeeyneysay - TopicsExpress



          

Annalena Tonelli waa Qof aan islaam aheyn Hadana u shaqeeyneysay dad islaam ah iyadoo hadafkeeda uu ahaa in ay qeybweyn ka qaadato sidi ay bulshada soomaliyeed kaga samatabixinlaheyn Xanuunadii berigaas Jiray. Gaar ahaa TB da ( tuberculosis) iyo Hiv/Aids ka Goobo badan oo woqooyiga iyo Koofurta somalia ayaa aad looga yaqiinay waxaana Dadka ay u sameeysay Xarumo caafimaad oo lacag laaan ah oo ay ka faaideysteen dad badan oo ay dhibaato heysatay gacanna u baahnaa xiligaas dowlad dhexe oo caawisana aysan jirin . Howshaas adag ee ay qabatay annalena Waxa ay Ku muteeysatay Abaalmarinta sanadlaha ah ee NANSEN REFUGEE AWARD ee la siiyo shaqsiyaadka,ururrada ama Kooxaha u dhaqdhaqaaqa arimaha qaxootiga . - - UGU DAMBEYNTII WAXAA LOOGU ABAAL GUDAY IN LA DILO . waxaana meesha Ku Hakaday Howlihii ay Bulshada danyarta aheyd ay U heysay . waxeeyna caawin jirtay qoysas farabadan qaarkood ay u abuurtay xirfado shaqo kala duduwan . :p Ninka Dilay Muxuu u qabanaayaa dadkaas Masaakiinta ahaa ee islaantaan gacanteeda Loogu sababay in ay wax ku helaan ? ---
Posted on: Wed, 23 Jul 2014 04:17:11 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015