Aqoon yahanada Beel-weynta Habar Gidir ee daafaha caalamka ku - TopicsExpress



          

Aqoon yahanada Beel-weynta Habar Gidir ee daafaha caalamka ku sugan ayaa qoraalkaan dheer kaga hadleya xaalada dalka Somalia uu ku sugan yahay iyo mowqifkeeda ku aadan sidii ay umada Somaliyeed uga samata bixin lahaayeen waqtiga adag ee lugu jiro. Aqoon yahanada Culuma uudiinka Siyaasiyiinta,, Ugaasyada ,Nabadoonada ,Beesha Habar gidir waxa ay Cadeynayaan in aysan Qaadan karin Wax ka yar Dowladnimo, Marka horre Beesha Habar Gidir waxa ay cadeeneysaa in ay wixii maal iyo aqoon ay lahayeen ay ku tageereen Dowalada Federalka Somaalia ee uu hogaamiyo Pro Xassan sheikh Mohomaud Waana wax waajib nagu ah in aan u hogaan sano Dowlada Fedralka . Sidoo kale Beeshu Waxa ay iska fogeyneysaa shaqsiyaadka qaswadayaasha ah ee mar walba ku hadla afka beesha ee aan matalin Beesha Habar Gidir Qoraalkaan waxa ay ku cadeyneysaa Beeshu hadal ka soo yeeray Xildhibaan Cabdulaahi Cumar Abshirow oo kasoo jeeda Beesha Biyamaal. Ugu horeyn xildhibaan Cabdulaahi waxa ay beeshu u cadeyneysaa in aysan Habar gidir Dagaal ay isku ogtahay oo Beesha Biyamaal lugu qaadayo in uusan jirin, Waxaan cadeyneynaa in aan dooneyno in deegaanka si nabad ah lugu wada daganaado. Beesha habar Gidir ka mid ma,ahan beelaha uu dagaalku ku cusub yahay waa beel taqaan qasaaraha uu dagaal geysto, Wadamada caalamka kuyaal oo dhan dadkiisu waxay isku soo dagaali jireen gobol gobol iyo qabiil qabiil weyna ka gudbeen xiligaan,, Sidaas si lamid ah Beesh Habar Gidir waa ka gudubtay Dagaal sokeeye waxeyna ugudubtay Qaranimo. Beeshu waxa ay talo iyo tusaale waayo aragnimo leh oo cilmiyeuysan usoo jeedineysaa Shacabka Somaliyeed ayadoo kula talineysa in ay ka gudbaan qabiilka una gudbaan Dowladnimo waxa ay baaq nabdeed udireysaa dhamaan dadka daga gobolada dalka oo dhan in ay u hogaan samaan Dowlada federlaka somaliyeed qaasatan gobolada jubooyinka waayo Dowladi waa hooyo . Waxaan qolooyinka siyasada gobolada jubooyinka isku heysta ugu nasteexeneynaa ina ay ka fogadaan wax yaalaha midnimada dalka iyo dadk dhawacaya ,, Sida ayagoo lakala safta gumeystaha dalka ku soo duulay ee aan is qarineyn Waxa ayana cabaareynayaan Ciidamad Kenya iyo kuwa Raaskambooni dhibaatada ay ku hayaan shacabka gobolada Jubooyinka. Waxaan Dowlada Federalka ka codsaneynaa in ay faragalin ku sameyso waxa ka Socda Gobolada Jubooyinka hadii Dowladu ay ka gaabiso in ay wax ka qabato dhibaatada ceedamada Raaskambooni ee garabka ka helaya ciidamada kenya ay ku hayaan shacbaka gobolada jubooyinka. Hadii dowladu ay wax ka qaban weyso Beesha Habar Gidir waxa ay cadeyneysaa in aysan indha ka qarsan doonin dhibaatada ciidamda Kenya iyo ururuka Axmed madoobe hogaamiyo ee Raaskambooni ay ku hayaan shacabka jubooyinka,,waxaan cadeyneynaa in aan ka dhiidhin doono waana waajib nasaran in aan iska kicino guumeystaha dulaanka ku ah goboladaas iyo daba dhilifkooda
Posted on: Fri, 26 Jul 2013 04:09:10 +0000

Trending Topics



liked
Hello. I emphasize just ... not a scam !!! In popular abroad,
“Salvation: The Roman Road or the Jerusalem Road” Excerpt
Neue Rolle für Spaniens Nationaltorwart Iker Casillas? Real
Cyber Monday Black Friday Deals Compact PBL? 8ft Air Cushioned
Majdanek was the first major concentration camp liberated by the
I wanted to share my results from first time ever trying out

Recently Viewed Topics




© 2015