Cristiano Ronalo & AndreaPirlo Oo Ka Mid Ah 10ka Musharax Ee - TopicsExpress



          

Cristiano Ronalo & AndreaPirlo Oo Ka Mid Ah 10ka Musharax Ee AbaalmarintaCagta Dahabka Ee Sannadkan. Andrea Pirlo, Cristiano Ronaldo, Miroslav Klose, David Beckham iyo David Trezeguet ayaa ka mid ah mushaharaxiinta abaalmarinta cagta dahabka 2013 ee Golden Foot Award. Xiddiga Juventus Pirlo, kan Lazio Klose, ciyaaryahankii fariistay Beckham iyo weeraryahankii hore eeBianconeri Trezeguet ayaa lagu soo daray mushaharaxiinta abaalmarintan sannadlaha ah. Mushaharaxiinta kale waxaa ka mid ah kabtanka Real Madrid Iker Casillas,xiddiga Los Blancos Cristiano Ronaldo, xiddiga Galatasaray Didier Drogba, halyeeyga Chelsea Frank Lampard, xiddiga Anzhi Samuel Eto’o iyo xiddiga Barcelona Andres Iniesta. Sannad kasta waxaa la soo saaraa 10 mushahar oo taageerayaasha kubadacagta adduunka ay ugu codeeyaan abaalmarinta cagta dahabka ah oo in ciyaaryahanka ku guuleysta cagtiisa oo dahab ah la dhigi doono Monte Carlo. Ciyaartoyda ka qeybgaleysa waa inayugu yaraan 28 jir yihiin ama ay ka weyn yihiin, waxaana ciyaaryahan kasta uu ku guuleysan karaa kaliya hal jeer inta noloshiisa ah. Ciyaartoydoodii hore ugu guuleystayoo cagtooda oo dahab ah la dhigay Monte Carlo waxaa ka mid ah Francesco Totti, Andriy Shevchenko, Pavel Nedved, Hristo Stoichkov, Karl-Heinz Rummenigge, Paolo Rossi, Ronaldo, Gerd Muller, Diego Armando Maradona, Ronaldinho, Romario, Gigi Riva, Ferenc Puskas, Michel Platini iyo Gianni Rivera. By maslah
Posted on: Sat, 06 Jul 2013 20:05:26 +0000

Trending Topics



tyle="margin-left:0px; min-height:30px;"> Good morning. Ms. or Mr. M money I pay particular private all
So often we place importance on the wrong things. We teach our
✔ Whats Hot Today: Matte Dark Silver Czech Glass Cube Seed Beads
ALL THINGS ARE NEW IN CHRIST “Therefore if any man be in
Welcome to the club David Moberg Karlson. Nice link up with Sess
On the 50th anniversary of the formation of the Federation of

Recently Viewed Topics




© 2015