DEG DEG:Wadahadaladii oo meel xasaasi ah maraya,qodabo lagu - TopicsExpress



          

DEG DEG:Wadahadaladii oo meel xasaasi ah maraya,qodabo lagu heshiiyay iyo kuwo wali la isku mari la’yahay(xog rasmi ah) Wadahadaladii magaalada Addis Ababa uga socday dowlada federaalka Somalia iyo maamulka Jubaland oo ilaa iyo xalay soo bilowday ayaa hada maraya meel xasaasi ah.Labada dhinac ayaa qodobadii dhexyaalay inta badan ku heshiiyay haseyeeshee waxaa jira laba qodob oo wali la isku mari la’yahay. Qodobada lagu heshiiyay waxaa ugu muhiimsan in dowladu ay aqbashay in nidaamkii lagu doortay madaxweyne Axmed Madoobe iyo ku xigeenkiisu ay aqoonsanayso iyo inay ogolaanayso in sadaxda gobol israacaan In maamul goboleedku ogolyahay xuquuqda dowlada federaalka ee la xidhiidha dakada,garoonka iyo ciidanka Labada qodob ee la iskuhayo ayaa kala ah magaca uu yeelanayo maamul goboleedku iyo qaabka loo magacaabayo golaha wasiirada iyo dowrka ay dowladu ku yeelanayso. Dowlada Federaalku waxay soo bandhigtay in dowr ay ku yeelato magacaabista golah wasiirada iyo dhameystirka maamulka inta ka dhiman. In laga guuro magaca Jubaland loona guuro maamulka Jubooyinka iyo Gedo. Labadan qodob waxaa diidan wafdiga maamulka Jubaland, waxayna soo jeediyeen in magacaabista golaha wasiirada loo daayo madaxweynaha maamulka Sheekh Axmed Madoobe.Wuxuu kaloo wafdiga Jubaland diiday in magaca Jubaland laga guuro oo loo guuro maamulka Jubooyinka iyo Gedo. Shirkii wali wuu socdaa waxaana wali socota dhexdhexaadin iyo isu soo dhaweyn ay ka qeyb qaadanayaan dad ixtiraan kuleh labada dhinacba. waxay si hoose u ogaatay oo ay ula socotaa inuu jiro cadaadis ka baxsan labada dhinac oo doonaya in kulankan aan lagu kala kicin oo heshiis lagu gaadho,kuwaas oo kor kala socda wadahadalada waxaana jihooyinka kor kala socda kulanka kamida IGAD,EU iyo UN iyadoo la filayo in saacadaha soo socda ay Addis Ababa soo gaadhaan masuuliyiin horleh oo ka socda qaar kamida dowladaha dariska ah. Rajadu ma xuma Mdaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ka hor intii uusan ka dhoofin magaalada wuxuu cadeeyay inaysan marnaba diyaar u ahayn in la burburiyo qorshihii maamul usameynta Jubooyinka iyo gedo natiijadii kasoo baxday oo ah maamulka hada jira. Wadahadaladii wali way socdaan, waxaana inshaa Allaahu soo tabin doonaa kolba meesha xaal marayo.
Posted on: Wed, 21 Aug 2013 15:28:39 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015