Deelley karaankeed Inkastaanay duuduub Demmanaha wax ugu - TopicsExpress



          

Deelley karaankeed Inkastaanay duuduub Demmanaha wax ugu odhan Hadalkana u duur xulin Ama daaqsin geel marin Doc qudhay shifeysee Dhanka kale ma daaweyn Nin sharaystay kuma duxin Dhego debecsan kama helin Ma hirgelin dabuubtii Dooddiina lama garan Ama waa la dalasadey Lama baanan doogtii Dakharkiina lama dhayin Wuu sii darsanayaa Daldalookii sii korodh Daba-keenna faalkii Ku dayow xiddigiskii Dugtey xeegadiisii Dildillaaca maraddii Wax la sii daneeyo La dugsado ka weynaa Misna deylo bixisada Dhaw dhawdu kama degin Gaarriyow dabuubtiyo La dardaarankeenii Doolaalo dheeraan Dira dire ka soo qaad Dabaqyada dhunkaasha ah Ninkii duubi kala baxay Durba soo rogaal celi Dooraalayaashii Weli ways dalbanayaan Damac iyo hungurigii Sii durug hankoodii Darka laysu mari waa Xaajada delleganta ah Weli dawliskeedii Dandan buu ku dhacayaa Qalinkiyo dawaaddii Weli ways dul-yaalliin Dul-fiqaarna lama dhigin Qubanaha la duudsiyey Isagana dagaal faran Daanyeerku laan buu Weli dacalka haystaa Bahal ceedhin deyn waa Anna waxa la ii diray Daaraanta godobtoo Nabarrada damqanayaan Hadba dacar ku noolayn Ilaa daayin abidkay Dawankaan ruxruxayaa Falla waan ku darayaa Marka doobi buuxsamo Intaan deebshey gaawaha Danbarsaday irmaantaas Adigaa hal-doorkiyo Suugaanta derida leh Dir ku kala kexeeyoo Midba dara-dhigiisiyo Dhirta looga diiriyo Dillo ugu abtiriyoo Dantu waxay u magan tahay Darka fayl is dhaafiyo Daran-doorri shubidee Inta aynu dirirtiyo Dood wadaagga leenahay Dabra celinta xeeshiyo Shax dalaynta togoshada Hindisaha godkaan dego Ku danbee Rashiidow Jire waa ii duufaa Jarta haygu sii deyn Intaan deebshey gaawaha Danbarsaday irmaantaas Wax la yidhi nin dooloo Beryo dibada meeroo Dani baajin weydaa Caal waa dib ugu kacay Degelkuu cid ku ogaa Fadalkiyo durduradii Wuxuu dacal ka soo galay Dooryaanle waagii Didibkii la oollaa Daaqsin buu ka halacsaday Dayr-dhaaf nin jiilaal Shitay dogobbo waaweyn Waxa duunka hoosiyo Damaciisu kula faqay Ninkaas daartay xaabada Wax u dagamsan baa jira Lugihii degdegayuu U duwadey dhankiisii Isla doonasho Illaah Doobku waa walaakii Waa ninkuu dad iyo maal Dummaddiisa kaga tegey Durba laysku soo bood Degdeg laysu gacan qaad Wuxu yidhi bal soo durug Hadalkana I deeqsii Marmar baan daraaddiin Degdeggiyo kalgacalada Odhan jirey ma duushaa Meel bay dalooshoo Dal tabyaa I haysee Duni waa ku dhaqannoo Dareen lagama waayee Degmadii ma nabad baa? wuxuu yidhi Dareen ma leh degmadana shil kama dhicin dadna waa fayow yahay kuye dooddigaygii dardartaan u yeellaa imminkaan debcinayaa ninba dabada meel saar warku sii dabayl raac laysu daaddeg toyashada Wuxu yidhi hal ii daran Goreygii dufka lahaa Ma rakaatay doobtii Shinbiraha ma didiyaa? Wuxuu yidhi ku daayaa Maxaa daarey buu yidhi? Wuxu yidhin dabaalkii Lafii Daabbad qaarkood Sow duleedka kama helin Duf ku bexe wedkiisii Doqonniino gurayaa Nacasnimo daldalayaa Dabadeeto eedyaa. Wuxuu yidhi dul-badanii doonnidii la raran jirey ma nafbaa ka daydeen mise wuu dibboodoo dugaag caydha baa helay? Kuye daayinkiisii Denbi dhaaf ha siiyee Sawti duugti loo qalay Ducadii adoogeen Wuxuu yidhi duqeennii Degta inagu sidi jirey Isaguna ma dubuq yidhi? Kuye seben ummulo doox Dabayaaqadiisii Intii aan duqduba hoyan Dabra weerar nagu dhacay Duullaan ku dhimayaa. Wuxuu yidhi ma Daadana? Kuye daad la orodyaa Daaddeys ka xooryaa Intaan danabadaaddii Ubadkiyo durriyaddii Dahrigaaga laga jaray Subax keliya duudduub Lagu darin xabaalaha Wuxu yidhi dabayshaday Dayaxay madoobaa Gabbalkay dam weeyaan Dayartii cuddoonayd Iyagana docdoodii Ma daleel bannaan baa? Kuye duumo xaaqdaa Intaan Dahabadaadii Duulal raacay loo tiring Iyagana ka daba gee Wixii aakhiraw degey Kuye Dahabadaydii Iyaduna ma duug baa Maxaa loogu daw-galay? Ma dumaashiday baa? Kuye waaban daalee Sawtii Duleedow Daandaansi keentee Jin dagaagay maagtee Aqalkii ka dumisee Lagu helay danbiga culus Sawtii la doorshee Dalandoolli laga dhigay Intaan xoolo dabar goin Duugowyey xiisii Dirga waayey hadalkii Indhuhuna is daydaye Wuxuu yidhi dad yaa hadhay? Maxaa duunyo weli nool? Kuye duunyadeennii Daratiyo kud weydii Dadna waa anoo qudha. Duleedoo aqoonsaday Inaan guul danbaysoo Lagu diirsadaa hadhin Ayaa daymo murugo ah Dibno jiitamaayiyo Deelqaaf ku yidhi ciil Danab iyo warjaaf iyo Daacuun ku kala goo!!! Reerkan daaha loo rogey Dubbihii Illaahay Darandoorri ugu dhacay Dam daguugan laga dhigay Miyaad guul darraystow Nabad iyo dardaan iyo Igu tidhi dereen ma leh Waxa duur-xulkaagani Kaa daarran yahay sheeg! Dibadyaal kal adakaa Naxariisi kuma duxin Jidh dareen umaba dhalan Damqashada walaalkii Weji duban ku baabiI Af daboolan kula hadal Ma degdegin jawaabtii Docdan iyo docdaas dhawr Dib xasuusta ugu noqoy Mirashada ku sii daah Dabkii xaabo saarsaar Madax diiran baaqbaaq Taataabey dakharrada Qosol buu ku yara daray Wayska dagagar jiifee Deexashuu la soo kacay. Wuxu yidhi degmadayada Dugsi keliya baa jira Diric keliya baa dhiga Dersi baanu baranaa Dulliga iyo beentiyo Doqonniimo faankiyo Qoqobkiyo dirsociyo Ducadiyo yaboohdiyo Inta laga diqoodiyo Dawersigu ka kow yahay Digashadu u mudan tahay Marka qalin daraalaha Dilla sheega la cuskado Intixaanka loo dego Ka dul dhiga jawaabtiyo Doorkiyo wax-garadkaaa Inta daadataa u badan Wuxu yidhi degmadayada Dibnahaa la cunayaa Qosolkaa la deexdaa Adigoo il dabayaa Dadku inaanay kaa garan Misna lagu dedaalaa Marka aad Duleedow Sidaad doonto weydaad Sidaad diiddey yeeshaa Wuxu yidhi degmadayada Si dareenka garashadu Aanu nooga noqon duug Dawrigaan hayin ahayn Ma dagmaha indha qaba Tiisa waw daboollaa Waanu daadahaynaa Wuxu daymo boganlaa Dulmar bay ku gaadhaan. Ka dheguu daloolaan Daba gala wixii dhacay Xanta durugsan heli kara Dooca waw gufaynaa Deeqsiinta hadalkana Farahaannu dirannaa Iyagaa ka door roon Dibno sheega godobaha Hayska dagamsanaatee Yeedhow dam weeyaan Wuxuu yidhi degamadayada Roobabkiii ka diI jirey Dirirradu ma baahaan Dalka uma sinnaadaan Annagaa daruuraha Deebaanka haynnoo Meeshaanu doonnaa Lagu soo dabbaalaa Dooxaannu seerraa Deyr ooda marinaa Hogolaha darrooraa Marka ay ku daataan Deegaan ka saaraan Waxa doog ka soo baxa Yaa daaqa ma og tahay? Inta duunyo dhaqatadu Docol ruug tidhaahdee Markay xaabka daaftiyo Inta dacaydu gaadhiyo Daab gaabta laastaan Dhirta hoose diirtaan Xoolaha dar-leefka ah Jeenyaha dul-saaree Laamaha duxleyda ah Damac fuul ku goostee Daamankaan wax sii marin Dira waxay haleelaan Gawsaha dalqada ku leh Wuxuu yidhi degmadayada Ninka ragga daryeelkiis Ama duubka sharafkiyo Derejada la siiyaa Dabar iyo nac weeyaan Darbbo waw ma dhaafaan Deldelaaddu xeer ma leh Kol haddaan xaq lagu dilin Denbi meesha kama dhicin Deero deero ma hirddiyin Sama diidna loo qaad Meydka waw baroor diiq Dumarkana hugoodiyo Diibkoodu waa weer Dacar bay ku dhaashtaan Wuxu yidhi degmadaydu Boobka way la dirirtaa In la duro garsoorkiyo In la dumiyo ma oggola Badi waxay danaysaa Dadku inay sinnaadaan Kefedaha dalooliyo Miisaanka dalabta leh Waxa laysu dacal sudhay Dibindaabyo maahee Waa daryeel sida u yaal Danyar loogu tala galay Si aan laysu daba gurin Dulmiguna xaqa u cunin Dayaxaannu awdnaa Qorraxdaannu daahnaa Nuurkaannu damiinaa Mugdigaannu daarnaa Dabadeeto fulinaa Sharcigii dalka u yiil Cir dafuray habeenkii Dallad baa la qaataa Wuxuu yidhi degmadayada Dahab baaanu shiillaa Lafta dhagax dixeedkiyo Bir-lab aan dubnixinoo Dabcin baannu shiidnaa Derbiyaannu fanannaa Daaraannu taagnaa Digir iyo galley iyo Dalag baanu keennaa Daacaddaannu beerraa In yar oo dalxiiskiyo Weriyaha dan-fulintiyo Marti daansha socotiyo Ragaan lo darraan Karin Lagu dararsho mooyee Isku dubnideedaa Dekedaha la geeyaa Duniday u dhooftaa Dulmigaannu gadannaa Dibadaha ka keennaa Waa daba qabsiye garo. Qabqabtiyo durbaannada Daran doorri dhacayaa Diihaal ma reebaan Dayac beel ma haynee Dundumaanu maydhnaa Sida ogaxda diinkaa Daymadu na korisaa Wuxu yidhi degmadayada Cudurrada dillaacee Aayaadka diintiyo Dadku uu Quraankiyo Daainkay ka magan galay Waaba lagu ducaystaa Haddaannaan dagaal ridin Ama ciidan soo dumin Dawliil ku naalloon Ama duul xeryo u goyn Ama keenin daacuun Ama daadad soo rogin Webiyada durdurayaa Jiilaal wax naga dilin Daba-dheer na salabayn Diigaanyo nagu dhaban Miyaa daasadaa madhan Dirham noogu dhacayaa? Wuxuu yidhi degmadayada Ruuxii la duugaa Marka laga dareeruu Dardar soo ceshaayoo Dib u soo dhashaayoo Durba loo mashxaradaa Wuxu yidhi degmadayada Dadku waxay la yaabaan Dan quntaa u fara badan Wuxu yidhi degmadayada Dibida iyo weylaha Waxa dhala dameeraha Wuxu yidhi degmadayada Waxa jira Duleedow Habar doobir kululoo Dhererkana Dijaal leeg Dadabkiyo ballaadhkana Dhirta daray ka xoog weyn Dhakadana il dooftoon Dawo Karin ku leedahay Mar inay wax dihatoo Ubad daaddahaysay Si kastaba u doontoo Markay ciil dellegantee Toddobaatan dayrood Dedan iyo si daalacan Nafta damac u gelisee Baryadii ka daashaa Rabbi deeqsi weeyee Ducadeedi ka aqbalay Dabaa wiil gurracanoo Falanoo derderanoo Denbi iyo xasarad badan Curad guri danbaysana ah Dirqi iyo si fool adag Hoosteeda laga deyey Iyadoo ha dagantii Digta qalabka reenka leh Kaga dannaninaysoo Demman guulaheedii U dabbaal degeysaa Suul-Cayn durduriyoo Dubur buu ka xulay Hawd Damdamtiyo ciilkii Dib waxaan u dhici Karin Duqdu sow khalaawaha Wax kastaba iskuma deyin Dulucana umay xidhan Kolba daw shixnadan bay Sanqadhaha docdeeda ah Hadba ruux la duushaa Markay dayma bogashada Weji dadabka quusta ah Isha daawisiisay Qofkaan duud carrale noqon Daad xoor ku tuurtaa Illaa maalintii dura Sidii bay Duleedow Xaajadu dudduuc iyo Deji iyo dul gee tahay Ninkii dalawadiisii Duhur geed ka seexdee Dib jiree habeenkii Bahaluhu durduurteen Dildillaaca waaberi Dalag dalagta raacdada Ku dul dhacay raqdeedii Runta Magan is diidsii Indhahana dib ula noqoy Ruuxeeda doon doon Dad kaleeto weydii Wuxu yidhi degmadayada Danbbar laguma maalee Dar-xumaa ka oloshoo Dalawadu nin moogow May gabin dadkeedee Waxa loogu daw galay Ninaan daawo xidhinoo Ilaa dalan-dalkiisii Doofaaro dhiqi jirey Duluglaha is haystiyo Dibiyada herdamayaa Dixda ay ku shaxayaan Waxa damashi weyneyd Dhirta looga dabar jaray Durba haysu muuqdeen Kibir haysu dooxeen Dacawaa basaastoo Dufan looga shubayaa Dooh doohdu waa been Nin dalaafsan baa yidhi Waxay daarran tahay waa Isku didi ibleysow Mid ahaan duxdiisiyo Daribtiisa noo loog Degelkaad xusaysaa Ma dal buu ka weyn yahay. Naf adaa u dudayee Afka sow ma hadal deyn Kuye daba-likaalow Alleylehe dad baa baay Waxaan doogsin cararkii Diihaal la orodkii Habeenkoo dalool tegey Socodkiyo dawaafkii Didmo caymadkaygii Deli iyo jar kala dhacay Wixii doox rogmanayaa Igu daray badweyntee Daad-xoorta iga dhigay Dalo iyo dir-soor iyo Waxaan diif la golongolay Dalan dool u yeellaa Daalaa dhacaygii Rugtaan soo duggaashadey Miyaa ii darraatoon Ugu imi dardaar werin Maantana degaankay Ma Dagaar u guur baa Iyo diillintii Gurey? Wuxu yidhi Duleedow Dilalyada ku haysaa Amba iima dihinoo Intii ay dabayluhu Hadba meel deleeliyo Daaddeys ku dhigayeen Wixii daad mahiigaan Dal shisheeye kugu furay Dabataan ku noolaa Dhaxan baan dugsanayoo Anba dayro ku ahaa Dibadyaalla kula baxay Dooyeysigaygiyo Dunqulaalka hoosiyo Digsigaan babbinayaa Gacma daalis weeye Dux inaanan kala bixin Malaa daawashada guud Dunjigaygu kugu filan Haddaad diidday maandhow Bal ninkaad u tahay deni Iyo xaaji soo degey Saadaasha kugu daray Isna tiisa daymood Ninkii duurka caydha ah Duufaan ku soo ridey Halkuu daalac heli laa Markii dayn ku sii goay Intuu duubi quusiyo Dib u liqay candhuuftii Dirri-xaradh ku hawshoo Wuxuu yidhi dulmanidaa Misna gacan degganidaa Aaway dawladnimadii Iyo doorarkeeddii Ma dad baan arlada jirin Ma nin baa daraaddii U daddaaba xidhantiin Caku aaran dubatada Iyo dooxatada baas Dabar maad u goysaan Xadhig maa u diirtaan Dibso maa tidhaahdaan Colka wadhaf ku daydaan Nafta deeq u bixisaan Wuxu yidhi degmadayadu Dareen way ka siman tahay Doogna way gudboon tahay Doorna waw midowdaa Libna way ku dirirtaa Xilla way daryeeshaa Daba gelisyadiisiyo Dad-qal way ka adag tahay Danna way wadaagtaa Duddadaa u kala rogan Mana kala dab qaataan Dadab baa ku kala xidhan Kala durugsanaantiyo Digadana nin baa shiday Dawaduu ku huriyaa Rag inay ku damiyaan Dannigoodu farayaa Gaas bay ku darayaan Meel daad u baahnayd Waxes jira Duleedow Dibirrooti kulul baa Dingaraaradiisii Xaska lagula daatee Dakharrada la geystoo Waa daanno culusoo Rag iskaga danbeeyaa Malaa wayla durugtee Aan soo dabbaalee Tartan laba ku dirireen Dahab loogu beretamey In la seexsho dacawada Danta laga lahaa waa Inuu diinku guul helo Dulmarkiyo ujeeddadu Dadka waxay baraysaa In dedaalku wacan yahay Dhanna dulucda sheekada Duur-xul baa ku yara jira Iyo dalasi laga wado Duqu inaanu dheerayn Sida loogu daran yahay Iyadoo ka diimmoon Dayo moog habaarkaas Awgiis ma daaree Isna duubka hibada ah Doomaarta cawskiyo Daristuu ka jecel yahay. Doqonniimo lama dhayo Hedna lama daweyn karo Dadka aad ka dhalatiyo Dalka aad u dhalatiyo Nin la yidhi danta u tali Hadan laga dabqaatiyo Diric iyo fariid noqo Dibin daabyo ku ogow Duco iyo xusuus iyo Duug aad ka dhaxashide Xilka daacad ugu hay Ha dullayne gaadhsii Meeshay daraaddeed U galeen dagaakii Diiftiyo kulka lahaa Dib u dhaca ka maaree Dumar iyo rag hawl geli Kartidooda deeqsii Derjow sugnaatoo Guul baa u dagatee Alla doori saw kaa Darka jiidhay Maaweel! Waxaan dooddi kaga baxay Hdalkana ku daa idhi Nin dab liqay Rashiidow Dhuxul buu ka daacaa Ma darmaanta booddee Didday baan u jeedaa? Ma daliilka muuqdiyo Dhamac hoos ka darartoo Is dallaallimaysiyo Danbas baan aqaannaa? Halka Deyr wakhtigu dhigo Dib baa looga sheekayn
Posted on: Tue, 19 Nov 2013 20:52:30 +0000

Trending Topics



Recently Viewed Topics




© 2015